Qaniis Muslim sheeganaya iyo mid kiristaan ah oo isguursaday

Sheekadaan waa mid naxdin iyo qosol intaba leh, labo nin oo midi isku sheegayo in uu yahay Muslim ka soo jeeda Ciraaq iyo mid Kiristaan ah ayaa isku guursaday kaniisad ku taala magaalada Oslo ee dalka Norway labo isbuuc ka hor.  Ninka lagu magacaabo Kaltham Lie oo 49 sano jir ah oo ah qaxooti ka soo jeeda Ciraaq ayaa la sheegay in ilmo ay indhihiisa ka daadanaysay markii loo guurinayay ninka kale ee lagu magacaabo Knut Egil Asprusten oo 44 sano jir ah.

 Ninkaan sheeganaya Muslimka ayaa sheegay in uu doonayay in guurkooda uu ka dhaco Masjid balse aysan u suurto galin, isagoo sheegay in markii uu ciraaq joogay loo geystay cunsuriyad iyo jirdil. Ragaan ayaa sheegay in ay diintooda ku dhaganyihiin balse ay aaminsanyihiin ilaah furan.

Ninka Muslima sheeganaya ayaa soo galay Norway 1992 isagoo ka soo cararay Ciraaq. Waxa uu sheegay in uu leeyahay asxaab Muslimiin ah oo uusan ka qarin in uu yahay qaniis. Waloow qaniisiintu ay meelkasta joogaan ayaa hadana waxaa yaab leh qaabka ay saxaafada u soo tabinayaan arintaan iyagoo cinwaan uga dhigay “Qaniisiintii ugu horeeyay ee Muslim iyo Kiristaan ah oo Norway isku guursaday”

Cajab iyo Cajiib . Bal fikradiina ku darsada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

39 Responses

  1. sabrin says:

    Asc. War acudu bilaah, MUSLIN NIMO iyo qaniis maba is keeneyso ee dadku miyeey waasheen mise……..? Carabtu markii horaba waxaa lagu soo islaamiyay seef, hada oo aay heleen qola hor boodaane war ba ma jiro. War yaa nooga reeba magaca MUSLIM ka gaaladaan.

    Waxaaba yaab ah “Masjid ayaan rabay in uu arooska ka dhaca” ninka leh, waxaan oo kale waa wax dhimanaa, waxa aay soo wadaan iyo wabiga kee weyn?

    Allah hanooga filnaado gaalo iyo waxa aay wadaan.
    WSC.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 14 Thumb down 2

  2. haha says:

    Sheekada halkaas mee mareesaa islam neceeb lee in hadane iskoris kaste iyo mid lasoo nasakhay inuu magaca islaam iska sheegto.

    Waxaan leenahay dadka ladoonayo magac xumo islaamka walee adinka unbaa daali ee ISLAM waaka nasahanyahay waxwalba oo adku tilmaami leheeden waana diin dhawrsan ee yuuna waqti idinka lumin gaalooy

    Jeclow ama hajeclaan islaamka isaga oo socda ayuu guriga kuugu imaan doona maxaa yeelay waa nolosha dhabta ah ee bani aadamku ubaahanyahay.

    Sabrin majirto cid lagu islaamiye seef diintana ma ahan mid fareeso ee walaal haqaldamin. Nabiga csw markii uu makka qabsaday xasuuso waxa uukuyiri dadkii gurigiisi kasoo saaray… ISKA TAGA WAXAANA TIHIIN XOR ma uusan ka aargoosan mana dhihin ninkaan islaamin qoortaa laga jaraa.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 3

  3. abuubakar says:

    Ciraaqiyiinta inta badan gabdhahooda markii ay xadgudub sameeyaan waa ay dilaan iyaga oo u cuskado qodob la yiraah sharafta reerka ayey meel uga dhacday. Laakiin qaniiska ceybaynaya sharafta islaamka oo waliba leh masaajid in aan ku guursado ayaan rabay, Hal Ciraaqi ah oo isku qadimo mala waayay mise gabdhaha kaliya ayeey ka adag yihiin ciraaqiyiinta ???????
    waa yaab (( Cimrigaa hadiis dheeraado geel dhalaa waad arkee ))

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  4. abuubakar says:

    Ciraaqiyiinta inta badan gabdhahooda markii ay xadgudub sameeyaan waa ay dilaan iyaga oo u cuskado qodob la yiraah sharafta reerka ayey meel uga dhacday. Laakiin qaniiska ceybaynaya sharafta islaamka oo waliba leh masaajid in aan ku guursado ayaan rabay, Hal Ciraaqi ah oo isku qadimo mala waayay mise gabdhaha kaliya ayeey ka adag yihiin ciraaqiyiinta ???????

    waa yaab (( Cimrigaa hadiis dheeraado geel dhalaa waad arkee ))

    Aduunyo nin joogoow maxaa aragti kuu laaban

    ILLAAHAY ha nagu amaansado anaga iyo caruurteenaba

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  5. Bashiir Macalin { Abuxudayfah } says:

    Muslimnimo beel , soo Danbigu Kii Reer Luud lagu Haligay Maahan ?

    Allaha soo hanuuniyo haddii uu Muslim yahay .

    Waxaasa laga yaabaa Carab , Muslimiinta Dacaayadaynaa in uu yahay , sida waayahaan danbeba aad arkee .

    Qof Muslim sheeganaa oo , haddana waxa uu doono falaa haddii aad sii tixraacdo xaalkiisana , aadba arkee in uusan Afka u dhaafsinayn.

    Alle ayaan ka magan galnay Falka Nuucaana .

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

    • xaraan madare says:

      subaxana allah waa sheeko yaab leh maba anan ku fakirin abdkeey
      nin islam ah aya hadan qanis in uu yahay ku dhiran kara o hada sheeg sheegaya
      waa arin aad iiga nixisay runti yaaaab ialahoow nahanuuni dhamaan amin amin

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. Abshir says:

    ASC, Dhamaan dadka akhrista warbixintaan, Run ahaantii wadamadaan gaalada aan joogno waa wadamo fasahaada aad loo xiiseeyo, Marka waxba kama jiraan nin muslim ah oo nin kirishtan ah guursanaaya, Laakiin waxa ay rabaan in ay ku dhaawacaan magaca muslimka ah oo mediaha lagu qoro nin muslim ah ayaa guursaday. Waad ogtihiin QOWMU LUUDH, sida uu ilaah u nacaladay oo uu u halaagay. Laakiin dadka ka yimid ciraaq iyo iiraan waxa ay sharciga ku qaataan qaniisnimo, Ilaah ayaan ka nabad galnay.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  7. ahmed says:

    wa wax laka naxo

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  8. Galdile says:

    Asc dhamantiin waxaan aminsanhay arintaani in ay u badan tahay meel ka dhac waayo khaniiskaas haduuba run yahay oo ay arintaasi wax jira tahay afkiisa masoo mariyeen masaajidka ayaan rabay in aan xafladan ku dhigto waayo isagoo khaniis ah iyo kan guursaday o chrestan ah iyo masaajidka oo dad muslimiin ahi jogaan sidaas li ajligeed wax is qaadan kara maaha . waa fadeexad islamka loogu talo galay iyo ciraaq oo muslim ah mida kale dadka carab ama ciraaq wax ka sheegaya somalida fiiriya waxay sameeyaan markay qurbaha joogaan sow dad islaanm ah mahan . diinteenu maxay ka qabtaa ilmaha la leeyahay xaaraan baa la igaga dhalay o ninki horee i qabay ayaa iso dhuntay . mida kale norway sanad ka hor waxa ka dhacay war ma u haysaa nin wadaad ah oo gabadh uu adeer u yahay uureyey oo ay naagtuu qabay dhashay marka islaam kale haku caayina fadeexad teenii baa caalamul islaam ka yaaban yahaye . sweden ayaa laga yaqaan masaajidkaa rer hebel ayaa dhisay oo ku dukada subxaanalah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  9. Feysal yare norwey says:

    A.s.c.dhaman salantas qimaha badan kadib waxan halkan kacadeynaya anigo xogagaal uah mowducan waxan idin shegaya in ninka dhalasho ahan ukasojedo ciraq lkn uusan ahen muslim uuyahay shicada galada ah okasohatirtay ciraq sagagshameydi

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  10. Åby says:

    Waxaani waa faxshi faxshi iyo quruna lama faafiyo.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  11. Åby says:

    Maxaa Ciraaq ka sheegeysaan Soomaali nin qaniis ah oo naasaha buufsaday aniguu maalin dhaweyd bas ila raacay maxaad ka qaban kartaa asagoo waliba Ethoipian la saocda asga iyo naag kale bal ka waran kaas muxuu dhaamaa kaas la leeyahay waa la qaniisay.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  12. Bashiir Macalin { Abuxudayfah } says:

    Wallaahi mudo hadda 1 bil laga Joogo , ayaa mid Stockholm laga soo gamay magaaladeena nooogo yimid , markaa ayuu Xaafad Soomaalidu ku badanta yimid oo jidkii Istaagay. Markaa ayaa Caruurtii iyo Dumarkii kusoo xoomeen.

    Ninkaa Soomaaligaa ayaan u soo Taagnaa , amakaag iyo Yax yax ayaana la joogi waayay.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  13. Aabir says:

    Asc wr wb
    Salaantaas islaamka ka dib waxaan qabaa in aan ninkaas lagu sheegin muslim sababtoo ah wuxuu meel uga dhacay diinta islaamka teeda walaalahay iyo naftaydaba waxaan ka waaninayaa inay wax ka sheegaan carabta ogaada carabta waxaa ka dhashay Nabigeennii Muxamed (scw).

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. Norr says:

    Waa yaabay,e kee nin ah labada dooda mise labaduba waa is is ticmaalayaan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  15. faa,id says:

    Waa Aakhiru sabaan Soomaaliyeey wax kastaba waa la arkayaaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  16. mursal says:

    ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu nagakoriyo subxaanalaah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  17. xamdi sweden says:

    Subxaanallah…..Subxaanallah……Subxaanallah
    Diinta islaamka waligeeda sharaf ayee leedahay, lkin qofkii sharaf dhiga isaga un baa is qayaameeyay oo naftiisa naar u hogaamiyay, dhaldhalaalka aduunka indho tiray,
    walahi aad ayaan ugu xumahay in nolosheena kuso aaday qarni xun oo dadkii gaalo raac noqdeen inta badan , Alla wanaagsanaan laheyd hadii waqtigii saxaabada aan noolaan laheyn, runtii waxaan sidaas u yeelayahy maba ka hadli karo foolxumada meesha taalo.
    carabta nasiib wnaag luqadooda ayee quraanka kusoo dagtay , waa inee ilaawin Quumu-luud sababta loo halaagay sidii uu hore u sheegay walalkeena Abuu Xudeyfah
    – Nin Nin guursanaayo uf…uf….uf
    – Naag Naag guursaneeeso uf….uf …..uf…Alla xumaa waxa ee wax u maleeyeen
    Diinta islaamka mar kasta waa kor, hadii ee hada xumaatada loo adeegsaday badatayne , waan hubaa in waqti imaan doono oo diinta sareeso oo dhulal badan gaalo gacamo musliinta u gasho , meelo badan oo hada heesan sida QUDUS
    marka intii xun Alle ha hanuuniyo sidaas lee waaye

    thnks all

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  18. faysal says:

    Aqyareey waa jar lo dagay islanka,marka yaanan lagu mashqulin ee halaga daayo bunbuniska. ninkii aqli leh waa arkaa sida islam ka lola jihadayo aqliyan iyo ficilba, marka ninkii ragedi ah waa fahmayaa mesha xaal u marayo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  19. soomaali girl says:

    war awalba carabtu aqli ma laheen qudaartaay cuni yaqaanin , inkastoo dad wanagsan ku jiran. seefbaana lugu soo islaamiyay awalba, wuu na ceebeyay kaas iyo wax kasii daran, inkaar alle kuu keen
    maxaanse kala yaabaynaa soomaali qaniisin ahba waan aragnee

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  20. awil says:

    wax lala yaabo maahan, sababtoo ah hadda kahor ayaan maqlay kana aqriyay joornaal in wadan islaam ah dhexdiis ay isku guursadeen labo nin oo damcan sheeganayay muslim,
    balse waxaad ogaataan in carabta iyo asian ka ay kabuuxaan Khaniisiin badan, oo ay gaalada ka khaniisyo badanyihiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  21. dacar says:

    qoraha sheekan waxan oranlahaa waxa jira somali qaniisiin ah oo degan magaalada la dhaho nörköping midna haduu soo degay linköping waana ´rag layaqaano qabiilkooda iyo shaqsiyadooda, kuwaasina ku darsada waa dadkeena xunxune

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  22. yuyu says:

    ac.wr.wb.
    Bacda salaan waxaan waa wax dan laga lee yahay oo lacag lagu qaatay ee wax jira oo sida loo soo tabinayo ku dhacay ma ahan.
    Qofkii lacag loo ballan qaado oo awalba aan lahayn iimaan waa qaadanayaa ee ma diidayo.
    wabillaahi towfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  23. Jamac says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 5

  24. Xalane says:

    anigu ilama wanaagsaneyn in aad waxanoo kale ku soo daabacdaan websideka, ma fiicna in aad baahisaan warkaas oo kale, waayo waa wax foolxun.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 3

  25. M Ali Xasan says:

    Aduun waxaan la arkey mala arkaayo.
    Waa maah maahdii maki Xaaji banaadir, Webholderka waxaan ka codsanayaa runtii waxaan oo kale in uusan soo gali aniga oo sabab oga dhigaayo dalkaan aan joogo hooyo iyo aabo runtii aan ka fikireyn mustaqbalka caruurta ayaa ku badan marka wax kastaa oo aad soo galiso waxay u aqrinayaa sidii in la yiri halagu subciyo marka dhagana caruurta uma roono waxaan oo kale.
    wixii aan ku qaldamay hala iga raali ahaado
    waa mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  26. Nin kulaha says:

    salaan kadib dhamaan bahaweynta somaliyeed ee Bogaan ku xiran, sxnyaal nin mahan Qof isagoo arkaya Naag ogolaadey in xaarka inuu xaarka ceshan waayo tan kale Gaalda marka aad wareysato sida aan ula yaabanahey Qaniisiinta iyagaba waa ula yaaban yihiin mana ku qanacsana dulinima Qaniisiinta marka waan aragnaa kuwó xaar ka uraayo marka waxey ila tahey iney Qaniis yihiin lol

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  27. shiikh mustafa says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 7

  28. DABKA says:

    mustafa magaca aad wadato iyo ra,yigaaga isma leh sxb qabaa,ilada soomaalidana wax kasta ayeey leeyihiin marka wax xun qabaa,il dhan oo sheeq iyo shariifba leh inaad u nisbayso waa laga fiican yahay. marka waxaan ku leeyahay guri hadaad ku xirnaan jirtay oo hada lagaa soo daayayisaga noqo gurigaagi ilaa qofaan caqli badnayn bulshada kuma dhex noolaan karo. fiiro gaar ah mana u dhalan qabiilka aad aflagaadeyneyso.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  29. oomaar says:

    asc waxa la yaab leh qofka inta uu magac sheekh la baxo hadana waxan ku hadlaya way cadahay inuu munaafaq yahay oo kan la guursaday wax ka sheegiisa uu ka xun yahay maxaa yeelay sheeko khuseyey caalamka islaamka ayuu magac dil ku sameeyey sheekh ,carabkii la haysteyba kanaa ka daran ,wuxuuna ka mid noqon karaa shaqsiyaadkii qabyaalada xamar furaha ku rogey maalintii dagaalku dhacay iyo maalmhii ka horeeyey umada fidnada taal sabab u ah sidaas darteed daciif yahaw af ka noolka ah ee waxba hayn aamus oo is qari.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  30. ILOVE SOOMALIA says:

    la yaab ma leh aduunka intad joogto wax walba wad arkesa balse ilah ha inaga xijaabo shartooda wadan galo an jogna ilah ha inagu amaansado muslimiintane kor ilah haka dhigo insha allh

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  31. yasin warsame shikh. says:

    asc walalyal waxaas waa wax musliminta wax loogu dhimayo sababta oo ah waa wax aan islaamka ka surtobin ee ninkan asaga ayaa waxaas jeeb kiisa kala soo baxay inkastoo ey Irak ledahay muslimin iyo kristian iyo kuwo isku magacabay isiidi oo ku ´shegaya in ey aduunyadu ayaga ugu horeyen marka waxaasi waxaad ka soo qaadan wax kama jiraan w.s.c.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  32. Genuine Mukhtar says:

    Allaha inoo sahlo, kollay aakhiro-zamaan ayaan ku jirnaa… Maalin kastana in arin ama sheeko cusub lagu arko aduunka waa ay dhacaysa… Laakiinse ilaahay waxan ka rajaynaynaa in uu Khaatumo Khayr qabta na wada waafajiyo insha Allah!!!

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  33. Akhyaarka says:

    Asalamu aleikum wallaal yaal!
    Waxaan idinka codsanaya wallaalaha maamulka hayo inaysan so tawin wax yaabahan oo kale sababta oo ah: Waxaa waye sharaf dhac dinta iyo sharafta muslimiinta dunida.nool logeyssanaya waxaan.
    Waad mahadsantihiin dhalamtiina waa un iga ra’ayi wallaal yaal.
    wcs wr wbr

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  34. Qasaaye says:

    سبحان الله ‏wa dacaayad ay gaalada ugu talo galen musliminta ee qaniisnimo nin kudhax jiro muslin maba ahan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  35. kaligii duuul says:

    nikii sheekadaan soo qorayooow waa kuu kaligaaa ee umada ha naga fasahaadin
    ninkii rumeeys tayooow adigaa awalba geed gaaban saaraa
    ninkaan rumeeysanoow sideeyda iimaankiisa allaha u adkeeyo
    diinteeynana ceeb iyo caayba ka dheer sidaa la socda qeeybaha danbane yaan
    lagu mashquuli
    sheeka kale oo qatar ah ayaaba jirta ninmankaan lacag ayeey ka joogaan soomaaliya oo waliba aad u adag ee maweeysan maqlin wiilashiii afka duubnaa mase waan loo sheegin loomaba sheegi karee yaa sheeki kara akhiyaareey adinkoon
    dhib u arga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  36. xasan says:

    WAR ILAAH INTAAD KA XISHOOTAAN WAXAAN UMADA HA USOO BAN DHIGNA WAX DHINTAAD TIHIINEE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  37. mohemed buskud says:

    acuuudu bilaahi wlh waa wax laga naxo allana shartooda ayaga haku ekeeyo subxaana laah waa arin waligeey indhin need nin aaduun jogoow maxaa argti kulawan aba isoo baxaday wlh subxaana laah pls begkaan waxaa kacodsanaa inuu kasaaro warkaan waa dacayad islaamka lagu dan lee yahay walaal mcne kasaar pls adigoo mahad san

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0