Qaramada midoobay oo ka walwalsan cunsuriyada Sweden

Qaramada midoobay ayaa soo bandhigay warbixin laga diyaariyay xaalada cunsuriyada Sweden iyagoo ka digay in xaalada ay faraha ka sii baxayso. Madaxa qaramada midoobay ee Sweden Aleksander Gabelic ayaa sheegay in uu aad uga walwalsanyahay cunsuriyada iyo naceybka sii kordhaya ee ka jira Sweden. 

“Waxaa jira in laysku dayo in cunsuriyada laga dhigo mid aan micno lahayn. Waxaa la marayaa in la ogolaado isticmaalka hadalo aan horay loo ogolaan jirin”. Ayuu yiri Aleksander Gabelic . 

Warbixinta la soo ururay ayaa waxay faahfaahin ka bixinaysaa dhowr arimood oo Sweden lagu dhaliilay kuwaasoo ay ka midyihiin.

  •  Kororka cunsuriyada oo walwal badan abuuray. Hawlaha cunsuriyiinta oo siyaaday iyo iskuulada iyo goobaha dadweynaha oo lagu buufiyo calaamadaha cunsuriyiinta. Dhacdooyinka la xiriira cunsuriyada oo siyaaday 28%.
  • Xaalada Muslimiinta oo laga dayriyay iyadoo lagu haayo muslimiinta cunsuriyad iyo faqooq  joogto ah. Masaajida Muslimiinta oo weeraro joogto ah lagu haayo iyo xisbiga SD oo siyaasadooda ku saleeyay naceybka Muslimiinta.
  • Yuhuuda iyo qowmiyada Romada oo iyagana cunsuriyad joogto ah lagu sameeyo iyo faqooq. Sweden ayaa la sheegay in ay ka midtahya sadexda wadan ee ay ka dhacaan cunsuriyada ugu badan ee ka dhanka ah Yuhuuda.

Cunsuriyada ayaa saamayn ku yeelatay siyaasada iyo sida ay u dhaqmaan siyaasiyiinta. Qaramada Midoobay ayaa qaasatan waxay walwal badan ka muujiyeen taageerada sii kordhaysa ee ay helayaan xisbiyada cunsuriinta.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. SAMIIR says:

    walaaloow anaga wax noo hdlaayo malahan ee yahuuda ayeey u doodaayaan meeqo sano muslimiinta cunsuriyad lagu haayay wax oo hdlaayana eysan laheen any way in laga hdlana waa arin wngsn waan soo dhaweeneenaa

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 2

  2. heloboy says:

    Yahuda waa difacena qowaad wayo dhib mida ayan wada qaybsana (cunsuriyad iyo faqooq)
    waa aragti
    mida labad cunsuriyadu waxay lasocota shaqo yari , dhaqaleh xumo iyo dib ugu noqod asalka ay yihiin (identitet) iyo kultur
    cml 5 sano waan haysana iin aan shaqo helno amba si wadano iyo 10 sano oo waax aan ku barano cilmi ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. umusalamah says:

    a sc walal jimcaale suaal ayaan rabaa inaan ku weydiiyo adiga iyo inta webkaan ku xiran iyo qofki awoodo inuu iika jawaabo waxaan inlaika jaahil bixiyo sharciga la dhaho geneva waxaan sharcikaas waxaan la idhahay waxaalaku qaataa 5 sano dadna waxeey dhaheen waxaa laku qaataa 8 sano marka waxaan idinka codsanayaa qofkiii macluumaad ka haya inta sano ee laku qaato inaad warbixin ika siisaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

    • Jimcale says:

      Umusalamah waxaan filayaa in aad ka wado in qofka sharciga Geneva haysta uu baasaboorka weyn ku qaadanayo 5 sano? haddii su’aasha sidaas tahay qofka Soomaaliga ah ee aan cadayn karin aqoonsigiisa waxa uu baasaboorka ku qaadanayaa 8 sano. Haddii uu Geneva haysto iyo haddii kale waa isku mid, waxaa muhiimka waa aqoonsiga. Qofka Soomaaliga ah aqoonsigiisa waxa uu ku cadayn karaa haddii uu haysto baasaboor sax ah oo la bixiyay ka hor burburkii dowlada 1990

      U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  4. umusalamah says:

    waad mahadsan tahay walal haa sidaas ayaan kawaday suaasha laakiin anigu qofween m ahi waxaxxan dhshay 1991 waxaaana ka imid kenya marka malaka yaabaa inaad wax faahfaahin ah ama qof aad taqaaid oo heesta ama 8 sano ku qaatay walaaloow waxxn kaa codsanayaaa inaad si cad iiku soo ogaato ama iisoo raadi weeb afsoomaali kuqoran oo ka hadlaya sharcikaan kurbo ayuu iku haayaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4