Qaramada Midoobay (UN) oo ku talisay in la cuno cayayaanka si loola dagaallamo gaajada iyo cunto la’aanta ku sii kordhaysa adduunka

4

Hay’adda Cuntada Adduunka (FAO) waxay leedahay cayayaanka sida laxlaha, ursatada iyo hangaraaraca waxaa ku jira nafaqo cayayaanbadan oo lagu caabbin karo cunta la’anta adduunka ka jirta. Sidoo kalena waxay FAO sheegaysaa in Dixiriga, kobajaaga iyo ayaxa laga heli karo nafaqo badan, dufan iyo macdan kuwaas oo caafimaadka dadka kor u qaadaya waa haddii si wanaagsan looga faraqabsado.

  • Inkastoo cayayaanku aysan ku jirin cuntada maanta laga karsado jikooyinka guryaha reer galbeedka haddana 2 bilyan oo qof oo ku nool Asia, Afrika iyo Laatiin Amerkika ayaa si caadi ah u cuna cayayaanku oo badanaaba ka dhigata iidaan ama adbilaw.
  • Qaramada midiibay waxay aaminsan yihiin in Cayayaanku yahay hanti ma guurto ah oo aan weli sifiican looga faa’iidaysan, inkastoo meelo badan laga cuno haddana tusaale ahaan ma jiraan, beero waaweyn oo cayayaanka lagu dhaqo.
  • Sidoo kalena cilmi baaris badan weli laguma samayn arrinkaas.
  • Sannadka 2030:ka sagaal maljan oo qof ayaa u baahanaya in la nafaqeeyo sidoo kalena malaayiin xoolo iyo dugaag kale ah ayaa iyana u baahan cunto iyo dhaqasho si iyaga loo quuto. Islamarkaasna biyihii iyo dhulkii daaqsinta lahaa waxay galayaan ciriiri oo nabaadguur baa dhulku qarka u fuulayaa.
  • Cunto la’aanta laga cabsanayo inay adduunka soo foodsaarto darteed ayey Qaramada Midoobay ugu baaqayaan in ay reergalbeedku bilaabaan cunutaanka cayayaanka dabadeedna ay noqdaan cunto caadi ah oo laga isticmaalo adduunka oo dhan.
  • Ka ganacsiga cayayaanku wuxuu xoog uga jiraa magaalooyinka Bangkok iyo Kinshasa baahiduna aad bay uga jirtaa magaalooyinkaas.
  • Meelahaas cayayaanku waxay kiciyaan dareen iyo xusuus aad u fog oo ”waayo waayo” iyo dhaqankii hore oo miyiga ah.
  • Mararka qaarkoodna cayayaanka waxaa loo cunaa fakihaysi oo casariye ayaa laga dhigtaa.
  • Qaramada midoobay waxay doonayaan in warshadaha cuntada iyo dadka ka ganacsada ama ka shaqeeya cuntadu inay qayb libaax ka qaataan sidii dadka loo aqbalsiin lahaa cunitaanka cayayaanka.

WQ: Abshir Cusmaan (Abshir Eskilstuna)

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here