Qaxooti la geeyay waqooyiga Sweden oo diiday in ay baska ka degaan

Magangalyo doon tiradooda gaaraysa 40 qof oo laga soo qaaday magaalada Malmö ayaa shalay rabshad ka abuuray tuulo lagu magacaabo Grytan oo ku taala duleedka magaalada Östersund. Magangalyo doonkaan oo la geynayo xero lagu haayo dadka qaxootiga ah ayaa markii ay gaareen xerada diiday in ay baska ka degaan iyagoo sheegay in ay doonayaan in la dajiyo magaalo weyn.

Qaxootigaan oo ka soo jeeda wadamo kala duwan ayaa dalbaday in lagu celiyo Malmö ama la geeyo magaalo kale. Waxay sheegeen in goobta la geeyay ay tahay mid aad u qaboow oo aad u fog. Booliska ayaa loo wacay balse waxay diideen in ay dadkaan qasab uga dajiyaan baska.

Afhayeenka Laanta Socdaalka Fredrik Bengtsson ayaa sheegay in marka qaxootigu imaadaan Sweden ay sawir qaldan haystaan, isagoo sheegay in xaalada guryaha ay aad u adagtahay isla markaan aysan magangalyo doonka xaq u lahayn in ay dalbadaan halka la geynayo. Qofkii aan jeclaysan halka la geeyo ayaa xaq u leh in uu iska baxo oo iskiis guri u raadsado.

Magangalyo doonka ayaa sheegay in Migrationsverket ay been u sheegeen, iyagoo loo sheegay in la gaynayo meel Stockholm 40 daqiiqo u jidha balse hada la geeyay meel 15 saacadood loo socdo.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. Mahmoud takar says:

    Waa qaldanyihiin sababtoo ah iyagoo qaxootinimo sheeganaayo oo hadane dhahay aan magaalo weyn ayaan rabnaa waa wax layaableh waxaa u wanaagsaneyd ineey dagaan oo kadib adress inta qaataan isaga soo tagaan

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  2. samsam says:

    ilahayi hano sakhiro gaalka

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  3. sagal says:

    Carabta wadanki washay waliba way isla saxsanyin

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. sumaya says:

    arinta labada sano yaa wax war ah kahaayo aqyaarey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. aabo somaaliyed says:

    sumaya maxa aqbaar maqashay adiga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Sharmarke. says:

    Waxaan isweydiiyaa why?. Dadka muslimkaa ay uwataan sharuud faro badan, ayagoo qaxooti ah. oo aysan u iimaansan waxa lasiiyo, mahadna aysan ucelin dadkii siiyey.
    sida Romaniyiinta oo kale. iyo umadaha kale ee christenkaa.
    Why qofka muslimkaa uraadiyaa wax wax kasta.
    oo uusan iimaan ulahayn?.
    waa su aal igu soo noq noqonaysa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  7. Abdikadir Muhamed says:

    Hadii aad adigu gaalowday oo aad baadinimo doonatay habaadiyeeynin ummadan islamka iyo nimcada aduunyada iyo tan aakhiraba haysto . Waxaan gartaa magacyadiina adiga hadii uusheydaan ku isticmaalayo Alle inoow kusoo hannuuniyo ayaana rajeynayaaa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2