Qaxooti Sweden ku soo galay diyaarad qaali ah

2

Qaababka ay qaxootigu ku soo galayaan Sweden ayaa maalinba maalinta ka dambaysa noqonaya kuwo la yaab leh, iyadoo horay loo arkay koox qaxooti ah oo taksi ka soo qaadatay wadanka talyaaniga iyagoo Sweden ku soo galay. Dhacdada ugu dambeysay ayaa shalay ka dhacday magaalada Malmö ka dib markii ay ku soo degatay diyaarad qaali ah oo nuuca ay isticmaalaan ganacsatada taajiriinta ah. Diyaaradaan ayaa u kireysneyd sida la sheegay magangalyo doon ka soo jeeda wadanka Syria.

Diyaarada ayaa ka soo duushay wadanka Lebanon, caasimada Beirut, iyadoo si toos ah uga soo degtay magaalada Malmö. Diyaarada oo siday 10 qof ayaa sadex ka mid ah ay ahaayeen dadkii waday diyaarada oo kala ahaa labo nin oo u dhalatay wadanka Masar iyo haweeney u dhalatay Lebanon. Inta kale ayaa lagu sheegay magangalyo doon qaarkood ay Syria u dasheen. Booliska ayaa ka shakiyay diyaarada oo aan soo sheegin liiska rakaabka saaran, iyadoo durbabiiba la xiray dadkii waday diyaarada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here