“Qaxootiga ha laga qaado imtixaan ku saabsan dhaqanka Sweden”

7

Sidaa waxaa soo jeediyay madaxa xisbiga ugu weyn mucaaradka Sweden ee Moderaterna (M) haweeneyda lagu magacaabo  Anna Kinberg Batra. Qorshahaan cusub oo ka yimid xisbigaan oo bilihii la soo dhaafay noqday mid u weecday dhinaca cunsuriyada ayaa ah mid lagu doonayo in dadka qaxootiga ah culeys lagu saaro isla markaana lagu kasbado codbixiyaasha xisbiga SD.

Moderaterna (M) ayaa soo jeediyay in qaxootiga la siiyo waxbarasho ku saabsan dhaqanka, sharciyada iyo fikradaha Sweden isla markaana laga qaado imtixaan ku saabsan sida ay xushmeynayaan dhaqanka wadanka iyo fikradaha Swedishka sida sinaashaha dumarka iyo ragga, xuquuqda qaniisiinta iwm. Qofkii ku dhaca imtixaanka ayay soo jeediyeen in laga goosto lacagta taageerada ah ee ay dowladu siiso qaxootiga.

“Wadankaan dadku waa simanyihiin, ragga iyo haweenku waxay leeyihiin xuquuq siman, waa in aad shaqaysataa, oo aad si wanaagsan u dhaqantaa. Waxaan leenahay dhaqan aan wadaagno kaasoo aan isku raacnay, oo ay waajibtahay in dadku raacaan” ayay tiri  Anna Kinberg Batra.

Sidee kula tahay firkadaan? in qaxootiga laga qaado imtixaan ku saabsan in ay raacayaan dhaqanka Sweden? Fikradaada ku darso,…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here