“Qaxootiga halagama mamnuuco mudaharaadka oo xeryaha yaysan soo dhaafin”

9

Dood weyn ayaa Sweden ka dhalatay isbuucaan oo ku aadan xuquuqda qaxootiga aan wali sharciga qaadan iyo kuwa aan lahayn baasaboorka Swedishka. Xisbiga SD ayaa soo jeediyay in qaxootiga laga mamnuuco in ay mudaharaadyo ka dhigaan Sweden ka dib markii ay isbuucii hore dhowr boqol oo qof isugu soo bexeen baarlamaanka hortiisa.

Kent Ekeroth oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka SD ayaa sheegay in qaxootiga aysan yeelan karin xuquuq la mid ah kuwa dadka muwaadiniinta ah, oo sidaa darteed laga mamnuuco in ay mudaharaadyo ka dhigaan wadanka ilaa inta ay ka noqonayaan Swedish. Waxa uu intaasi ku daray in kuwa aan wali sharciga lahayn lagu haayo xeryaha oo aan lagu fasixin wadanka inta ay go’aan ka helayaan. Isagoo ku tilmaamay in ay qatar ku yihiin amaanka wadanka.

Hadalka ku saabsan mudaharaadka ayaa waxaa cambaareeyay quburada sharciga iyo xisbiyada kale, iyadoo lagu tilmaamay mid ka hor imaanaysa dastuurka wadanka iyo dimoqraadiyada maadaama shaqsi kasta oo bani’aadam ah uu xaq u leeyahay in uu mudaharaad ka qeyb qaato.

Arinta kale ee ku saabsan in qaxootiga lagu hayo xeryaha ayaa lagu tilmaamay mid aan macquul ah, oo sidoo kale ka hor imaanaysa xuquuqdooda.

Sidee u aragtaa in qaxootigu ay mudaharaad dhigaan?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here