Qaxootiga oo dhan sharci laga safi maayo!

Ka dib markii ay dowlada Sweden ku dhawaaqday in hada ka dib ay bixin doonto sharci ku meel gaar ah ayaa waxaa muuqata in dadka qaar ay  qalad u fahmeen hadalkaas, iyadoo laysla dhexmarayo in guud ahaan qaxootiga kuwa cusub iyo kuwii horey u joogay intabada sharci ku meel gaar ah laga safi doono.

Hadaba arintaas ayaan ahayn mid sax ah, oo aysan  jirin cid shaacisay. Qofkasta oo magangalyo ka dalbada Sweden ayaa la marsiin doonaa nidaamkii caadiga ahaa ee baaritaanka iyo go’aanka ku salaysan. Iyadoo qofkii  xaq u leh magangalyo la siin doono sharci ku meel gaar ah oo sadex sano ah. Qofkii aan magangalyo xaq u lahayn ayaa sidii caadada ahayd diidmo la siin doonaa laguna amri doonaa in uu wadanka ka baxo.

Dadka sharciga ku meel gaarka ah la siiyay ayaa haddii ay shaqo rasmi ah helaan waxaa loogu badali doonaa sharci joogto ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. Abaas Dahir says:

    Mala jojiyay dagnashihi jogtada ahaay waxaa shegtay dagnasho sadax sano ah Jimcaale

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  2. aweys says:

    Asc magaceygu waa aweys Maxamud aniga waxan oranlaha yurub way is beedeshe somaliyay ee laha yareyo tariibka soo qua quulayo dadkii joogaba waxaba hene

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  3. moxamed says:

    Asc sxb Jimcaale dadka la siiyo sharciga ku meelgaarka ah xaq ma u yeelanayaan in caruurtooda iyo faamiladooda loo keeno

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  4. dhuubane says:

    asc asxaabta qodobadaan dowladu isku afgaratay waxaa weyaan 21 qodob waana sheeko dheer meeshaan wariyahaani qodob ka mid bis unbow soo qaatay asxaabey waxaan ku talin lahaay warkaaa oo luuqada soomaliga lagu turjumey ka dhegeysta sveriges radio
    1 hadii aan isku dayo qodobadada dhowr carurta kali nimada ku yimaad wadanka ma quseeyo sharcigan ku meel gaarka ah heeraha carurta watah sharcigaani woxow qaban doonaa qofka hada sharciga sugaya ama qofka hada ka bacdii dalban doonah mudo 3 sano ah ayow socon doonaa mudadaas ka dib qofka xaalkiisa waxaa lagu qeymeyn doonaaa xaalkiisa sida ow noqdo kaba soo qaad qofkii shaqo ayow helay deganaasho toos ah ayow markaa dalban karaaa qofka dadkiisa dalbanay kow qofka hadiii ow 3 sano mudo dhan ku noolaay wadanka owna leeyahay sharciga bermetka ah dadkiisa waa dalban karaa sidoo kale sharcigaan ma qusseyo qofka mawaadinka ah

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. ramla says:

    Asc shaman qoraha webkan Iyo asaxaaabta sooboqata anigu hal su aaal ayaan qabaa qofkii garanaya waxa ladhahay dadka xatuurta wataa maquseeyo ssharia 3 sano marka maku jiraan qofkii caruur leh lakin ayka maqanyihiin caruurti mise waa Kuwa caruurta wataan oo Sweden lajogaan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  6. RAGIIHORE says:

    hellow ASXAABTA waxaan iskuweydiin nahay RAMLA Ee dadka caruurta gacanta kuwata miyaa mise kuwa AH kamaqanyihiin xataa way kujiraan dadka kabadbaadaya sharicgan kumeel gaarka AH???

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. siraad says:

    Asc dhamaan somaliyeey .
    Suaasha waxeey tahay xageey shaqotaal oo laga hela 3 sano kadib anogo ujeedno ineey wadanka shaqolaheey.shaqada rabo waa fastjobb marka xageey tala .Waa iga suaal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. SHAQA INEYSAN WADANKA AALIN DARTEED AABA LOO DHAHAY SHAQA HALA RAADSADO. SANBUUS 4 GEES AH AA LEYAKU DIROOW HAAYAA QAA U HEEDIN

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Hasan says:

    Somaliska Radio ayaa shidan, kaas halagu wareego asxaabay ninkan, wuu kasban kari waayay Bulshadii webkiisa kusoo booqan jirtay afkuubuu u taagayaa isagoon meesha waxba ku hayn bal waxa dad suaalo waydiinaya oo uu is dhaga Tirayo eeg, xataa haduusan ka jawaabi karin in uu qanciyaa fiican ileen waa dad dhan oo la hadlaya misana webkiisa marti ugu ahe, is dhaga marintu waa halkay ku gaysaa bishiiba mar soo qor laba xaraf oo kala fog, Hal talaan ku siinayaa ninka webkan lahow , ama adkaysigii wariye nimo lahow oo hawlaha webka iyo dadka akhrisanayaaba sideeda uga soo bax ama iska xidh, oo albaabada u laab faaiido malaha waxaad bishiiba mar laba xaraf oo kala dhiman ugusoo Post garaynaysee, horaa loogu maah maahay( nin durbaan Tuntay ilaaq dalbay) markaa adaa web samaystay abaalkiisa mari oo wuxuu kaaga baahanyahay Samee. hadaad Taladayda maqli waydana kaligaa ayaa webka akhrisan doona afartan midhee kusoo hadhay way ku dayn doonaan, markaa swedishkaa kuu akhrisan.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  10. Umu hanad says:

    Rooda, Umu alwaliid iyo ubah, qodobkan ah waa in qoyskiisa uu masruufan karo, waxaad igala dhagaysataan Somaliska Radio yadoo la Faah Faahinayo waxaad moodaa in uu Khuseeya dadka Africa intay dib ugu laabteen Soo Guursada, wuxuu ku leeyahay wariyuhu waxay khusaysa qofka intuu sharci daganaansho helo kadibna intuu baxo soo Guursada, waana in uu qaraabadiisa Masruufan karo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Awowga la janey Hassanow says:

    Assalamu calaykum dhamaan walaalayal. Aad iyo aad aya ku mahadsan tahay Mudande Jimcaale aad baad ku mahadsantahay wall si fiican baad u soo bandhigtey arrinta migirashinka.

    Ninkan Hassan aan websitka dhaafin oo dagal nagu wada, war awoowga la janey websitka noo dhaaf inaga ka faa’ideysana, acudbillah minnak ya Hassan. WAR MIYAADAN ILAAHAY KA BAQIN, XAASIDNIMADA NALA DHAAF. War sweden baad sheegeysa, war waxa laga daawada addunka daafaheda soo waxaad garatay maahin, finlan, norway, uk, jarman taniyo afrika iyo carabta wey daawadan, maadamo ay leeyihin ehel oo u dagan sweden. war magaalada ha kaa nabad gasho noo dhaaf websitkan oo dib ha ku soo noqonin qofki cajabenin wuu inu dhaafa

    teeda kale Hassan haddi uusan xiiso aad u qaban warka oo la soo qoro meeshan maa baad soo gashayn, marka si dagdag ah waa inaad dhaafta meeshan soo waxaad garaty maaha

    acuudubillah shaydaanku dhib badna

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  12. Jamal says:

    Waa maxay farqiga u dhexeeya sharci ku meel gaadh ah iyo mid rasmi Ah??

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Hasan says:

    Kaa aniga ii jawabaya Talow ma Jimcaalee magac kale LA baxaa’ horaa loogu maah maahay qof wax Ku siiya waad aragtaa se qof wax kuu sheega ma aragtid’ ninkan webka leh ma caayin talo ayaanan Siyay isaga khaladaadkiisana waan u sheegay’ halkan aad leedahay meel walba waa laga akhristaa’ maxaaba LA akhrisa maqaaladiisu waa Very Poor aadbay u liitaan misana waa qaar lagu caajiso isagayna dani igu jirtaa in khaladkiisa loo sheego casharna uu ka barto’ boqolaal warside ayaan ku xidhanahay waxaanan cashar baraa wixii khaldan Ee bulshada jahwareerka Ku ridaya Ee aqoon yaraantu hayso’ qofkii Daba dhilif qof kale u noqonaya isagay sumcad daro u Tahay’ horaan u sheegay intuu ninja webkan lihi afka Taagayo Ee u jawaabista macmiishusu Ku adagtahay horumar ka gaadhimaaho saxaafada’ saxaafadu Caharcter ama dabci u gooniya ayay leedahay’ qaylo iyo xanaaq uma baahna iyo afkoo laga noolaado ee kartideeda iyo dulqaadkeeda la lahaadaa’ dadka aniga ii jawaabaya waxaan leeyahay AF jooga looma adeego’ qofka eeda ama taloda LA siinayaa Gacmo uu wax Ku qoro waa leeyahay haduusan jaxar ahayn’ markaa idinku fikirkiina ka hadla ha igu mashquulina.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  14. Hasan says:

    Kaa aniga ii jawabaya Talow ma Jimcaalee magac kale LA baxaa’ horaa loogu maah maahay qof wax Ku siiya waad aragtaa se qof wax kuu sheega ma aragtid’ ninkan webka leh ma caayin talo ayaanan Siyay isaga khaladaadkiisana waan u sheegay’ halkan aad leedahay meel walba waa laga akhristaa’ maxaaba LA akhrisa maqaaladiisu waa Very Poor aadbay u liitaan misana waa qaar lagu caajiso isagayna dani igu jirtaa in khaladkiisa loo sheego casharna uu ka barto’ boqolaal warside ayaan ku xidhanahay waxaanan cashar baraa wixii khaldan Ee bulshada jahwareerka Ku ridaya Ee aqoon yaraantu hayso’ qofkii Daba dhilif qof kale u noqonaya isagay sumcad daro u Tahay’ horaan u sheegay intuu ninka webkan lihi afka Taagayo Ee u jawaabista macmiishusu Ku adagtahay horumar ka gaadhimaayo saxaafada’ saxaafadu Character ama dabci u gooniya ayay leedahay’ qaylo iyo xanaaq uma baahna iyo afkoo laga noolaado ee kartideeda iyo dulqaadkeeda la lahaadaa’ dadka aniga ii jawaabaya waxaan leeyahay AF jooga looma adeego’ qofka eeda ama taloda LA siinayaa Gacmo uu wax Ku qoro waa leeyahay haduusan jaxar ahayn’ markaa idinku fikirkiina ka hadla ha igu mashquulina.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Um Alwalid says:

    Umu hanad abaayo go’aamada dhamaantood wuxuu hirgalaayaa markii barlamaanka la hor geeyo oo go’aan rasmi ah laga gaaro intii intaasne waxeey qaadaneysaa hal sano oo kale marka wax weli go’aan rasmi ah aan laga gaarin oo hadane sanad kadib hirgalaayo ha isku murjinin ilaahay adoonkiisa ma hilmaansana laazim wax kale lee soo yeeri doono oo umadiisa laabta uqaboojiyo anagane muraadkeena alaha noo saqiro yaa rab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Ubah says:

    Umu hanad walaashay Kolba Gaaladu waxyaroo Cusub ayay keenayaan waanba Ku dawakhay anigu’ kolba wax yaroo bilaa macna ahbay keenayaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. warsame says:

    alxamdulilaah waxaan ahaa reer laba sano maanta ayay ogolaashaha helay inta uu ka maqanyahay ilaah ha usahlo aamiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  18. Um Alwalid says:

    Warsame walaal mabruuk anagane alaha inooga soo wada qaado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Xudayfa says:

    Maansha allah Warsame waan kuu hanbalyaynayaa walaal, aadbaanad ugu Mahadsantahay in aad nala wadaagtay Farxada kuusoo Korodhay, anakuna waan kula faraxsanahay waayo qof nala dhibanaa ayaa dhibkii ilaahay ka dul qaaday anakana ilaahay hanaga dul qaado walaal, walaal hal suaal ma Guur danbaa kuu diiwaan gashnaa mise in aad hore isu sheegateen jawaab insha alah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. warsame says:

    xudeyfa iyo umu al waliib waad mahadsantihiin walaalayaal aniga arinteydu aad ayay u dheertahay waxaana ahaa dad hore isku sheegtay laakiin taas nama caawin waxaan diidmo helay sedex mar ilaa kiiskii hore is xiray mid cusub Ayaan onlen ku xareeyay hanlegar fiican ayaa ilaah igu soo aadiyay maalintii aan interviyuga mareynay ayuu igu yiri arintaada ma fiicno waxayna u badan tahay inaad diidmo hesho waxaan kugula talinayaa inaad loyar qabsato sidii Ayaan yeelay loyarkii ayaa warqado badan u qoray calaa ayi xaal ilaah idankiisa ayuu maanta iiga soo qaaday ilaah waxaan ka baryayaa dhamaan inta kala maqan inuu ilaah isu keeno anigaa arkay xanuunka ay leedahay arintaan

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  21. um alwalid says:

    Warsame walaal waxaan ku weydiinaa ma weydiisay inta uu qaadanaayo intuu baasaboorka qaadanaayo intuu uugu soo baxaayo waxaan maqlay ineey sadex bilood tahay run miyaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  22. safiyo says:

    asc mashalah walal warsame wa wax lagu farxo ilah hakubarakeyo rerkada balse waxan kuweydiye DNA ma martay loyarka sidu kucawiye kiskada o an wali goaan laga garin miyu warqado kuqoray muxuse kacawiye ma 2 sano mase aqonsi ? ado mahadsan warsame i sojawab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0