Qaxootiga oo isbuucaan lacagta laga goosanayo, guryahana laga ceyrinayo

24

Isbuucan waxaa dhaqan galayo sharci adag oo baarlamaanka Sweden uu soo saaray bilowgii sanadkaan. Sharcigaan ayaa dadka qaxootiga ah ee magan-galyada loo diiday waxa uu ku amrayaa in ay isaga baxaan guryaha Laanta Socdaalka iyagoo sidoo kale laga goosan doono lacagtii gunada ahayd ee la siin jiray.

Arintaan ayaa cabsi weyn ku abuurtay dadka qaxootiga ah, iyadoo qaar badan ay Soomaali yihiin kuwaasoo hora diidmo loo siisay isla markaana qaarkood loo sheegay in ay wadanka isaga laabtaan. Qofka diidmada la siiyay ayaa laga goosan doonaa lacagtii la siin jiray 1-da bisha Juun, iyagoo sidoo kale aan loo ogolaan doonin in ay ku noolaadaan xeryaha Migrationsverket.

Arintaan ayaa si weyn wax uga badalaysa nidaamkii soo dhaweynta qaxootiga ee Sweden ay ku dhaqmi jidhay muddo dheer. Ujeedada ayaa ah in dadkaan ay si iskood ah isaga baxaan wadanka marka ay noloshu ku adkaato. Kuwa aan isaga bixin wadanka ayaa iyagana qasab wadanka looga saari doonaa, iyadoo dowladu ay qorsheynayso in ay sanadkaan musaafuriso 80.000 qof.

Haddii uu sharcigaan ku saameeyay, fadlan nala wadaag aragtidaada iyo qorshaha kuu degsan…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here