Qaxootiga oo iska nacay Sweden iyo tirada oo hoos u dhacday

19

Warbixin ay soo saartay Laanta Socdaalka isbuucii hore ayaa lagu muujiyay in tirada dadka magangalyada ka dalbanaya Sweden ay hoos u dhacday, iyadoo taas lagu macneeyahay in Sweden aysan ahayn wadan soo jiidasho leh. Qaxootiga ayaa la sheegay in ay intooda badan iska dhiibeen wadanka Germany.

Laanta Socdaalka ayaa bilowgii sanadkaan shaacisay in la filayo in Sweden ay iska dhiibaan dad gaaraya 80.000 qof sanadkaan balse hada ayaa tiradaas hoos loo dhigay oo la filayaa 74 000. Marka loo barbar dhigo Germany ayaa wadankaas waxaa iska dhiibay sanadkaan dad ka badan 400.000 qof taasoo ka dhigaysa Germany wadanka ugu qaxootiga badan Yurub.

Sweden ayaa horay u ahayd wadanka ugu soo jiidashada badan dhinaca magan galyo doonka balse hada ayay u muuqataa in qaxootigu ay iska neceen Sweden. Sababta ayaa lagu tilmaamay in waqtiga sugitaanka sharciga uu aad u dheeraaday isla markaana ay qaxooti badan ka walwalsan yihiin dhinaca shaqada iyo isdhexgalka oo aad u liita.

Dhinaca kale, waxaa kor u kacay tirada dadka isku dhiibaya caruurta. Kuwaasoo la sheegay in ay soo bateen Soomaalida iyo Eritreanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here