“Qaxootiga shaqada diida lacagta ayaan ka jarayna”

3

Xisbiga Kristdemokraterna ayaa doonaya in ay shuruudaha ku sii atkeeyaan magangalyadoonka Sweden sharci ka codsada. KD ayaa doonaya in dadka shaqo loo diro inta ay jawaabta sharciga sugayaan, hadii ay diidaan ayaa laga jarayaa lacagaha ay ka helaan Laanta socdaalka.

Waxaa waajib ku noqon doonta magan-galyo doonka in ay shaqeeyaan 16 sacaadodd isbuucii. Sidaas ayuu sheegaya hindisaha sharci uu xisbagani soo jeediyay.

“Tusaalahan waxaa loo diri kara shaqooyinka fudud, gudaha xerada qaxootiga ama meel ka baxsan meeshan. Waxaa dhici karta in loo diro in ay u shaqeeyaan ururada samafalka, ama in nadiifin iyo cunto karis ay sameeyaan” ayey sheegtay hogaamiyaha xisbigan, Ebba Busch Thor.

Busch Thor ayaa u jeeda in hindisahan sharci saameeyn wanaagsan ku yeelan doono qaxootiga jawaabta sharciga sugaya. Halkey xeerada qaxootiga fadhiyi lahayeen waxeey helayaan fursad ay ku soo baxaan oo ay bulshadda ku soo dhex galaan, ayey sheegtay.

Xisbiga Kristdemokraterna ayaa maanta shaacinaya barnaamij magangelyo, halku qofka sharciga sugaya heshiis lix bilood ah la galayo dawladda. Heshiiskan ayaa ka dhigan in qaxootigu ku khasbanyihiin laga bilaabo marka ay waddanka yimaadaan todobaad kasta qaataan 15 sacaadood oo ah waxbarashadda luuqada ee SFI loo yaqaano.

Hadii ay qaxootigu diidan shaqooyinka loo diro waxaa laga jarayaa lacagaha ay ka helaan Laanta socdaalka. Balse hindisaha sharci ee xisbiga KD ayaan weli sheegin inta lacag ee laga jari doono qofka diida shaqada.

“Qof kasta oo Iswiidhan yimaada waa in u bulshadda soo dhex galaa oo shaqeeysto. Dadka waddanka ku nool wey shaqeeystaan, maaha in qaxootiga laga sooco oo laga takooro bulshadda,”  ayey sheegtay hogaamiyaha xisbiga KD.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiga KD ayaa ah mid ay aad hoos ugu dhacday taageeradiisa oo laha yaabo in uusan soo galin baarlamaanka Sweden doorashada soo socota.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here