Qaxootiga waajib miyay ku tahay in ay Sweden u mahadceliyaan?

40

Maalmihii la soo dhaafay waxaa dood weyn ka dhalatay maalinta Qaranka Sweden ka dib markii gabadh lagu magacaabo Somar Al Naher ay wargeyska Aftonbladet ku qortay in halkii Sweden ay ugu mahad celin lahayd magangalyada ay siiyeen ay ka dalbanayso wadanka in uu raali galin ka bixiyo maadaama 5 sano loo diiday sharciga isla markaana dhowr jeer laysku dayay in la musaafuriyo.

Wasiirkii hore ee socdaalka Tobias Billström oo hada ah ku xigeenka gudoomiyaha Baarlamaankaa ayaa jawaab uu ka bixiyay mowduuca Somar waxa uu ka dalbaday in ay u mahadceliso Sweden maadaama la siiyay magangalyo.

Sidoo kale gabar lagu magacaabo Sara Skyttedal oo ka tirsan xisbiga Kristdemokraterna (KD) ayaa wargeyska Metro ku qortay in qofka Sweden laga siiyay magangalyada uu yahay mid la siiyay hadiyad. Isla markaana ay saarantahay waajib in uu ku mahadceliyo Sweden.

Hadalkaas ayaa dood badan dhaliyay, iyadoo su’aashu ay tahay in qaxootiga magangalyada laga siiyay Sweden ay waajib ku tahay in ay u mahadceliyaan wadanka? Mise waajibkaas waxa uu saaranyahay kuwa halkaan ku dhashay  isla markaana ku barbaaray ee waligood ku noolaa nabada iyo barwaaqada?

Hadaba sidee u aragtaa fikirkaas? Soomaalidu ma waajib ayay ku tahay in ay u mahadceliyaan Sweden? Ku darso fikradaada.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here