Qaybaha cusub ee Bulshada Somaliska.com

Maalmihii u dambeeyay waxaan hawl qarsoodi ah ka haayay bogga Somaliska taasoo miraheedii hada ay bislaadeen. ilaa maalintii aan abuuray Somaliska ilaa hada waxaan ku tala jiray in aan ka dhigo bogg bulsho oo aan ku koobneyn wararka oo keliya.

Fikrada ayaa ah in Somaliska uu noqdo meel aan wararka keliya laga akhrisan ee uu noqdo goob laysku waydaarsado macluumaadka, aqoonta, suugaanta, sawirada, muuqaala iwm. Midaas si loogu guuleysto waxaa loo baahanyahay in boggu uu yeesho adeegyo bulsho oo arimahaas suurto galin kara.

Hadaba waxaan ku guuleystay in aan ku daro adeegyada nuucaas ah. Waxyaabaha cusub ee aan Somaliska ku soo biiriyay waxaa ka mid ah.

1. In aad xubin ka noqon karto oo aad page kuu gooni ah yeelan karto, tusaale fiiri kayga.

2. In boggu uu yeesho meel ay akhristayaashu ku wada xiriiri karaan oo ay ku darsan karaan bogga waxyaabaha ay jecelyihiin in ay bulshada la wadaagaan. Qeybtaas waxaan ugu magacdaray News Feed sida Facebook oo kale. Halkaan riix so aad u aragto.

3. Si loo suurto galiyo wada xiriirka Soomaalida ku kala dhaqan magaalooyinka kala duwan ayuu boggu yeelanayaa bogg kooxeedyo qofkasta uu abuuri karo qol u gaar ah magaaladiisa. Aniga ayaa hada abuuray dhowr magaalo. Halkaan ka eeg.

4. Intaas waxaa sii dheer in uu boggu yeelanayo waxyaabaha caadiga ah ee aad uga barateen Facebook iyo websiteyada la midka ah sida in xubnuhu si qaas ah u wada xiriiri karaan, chat iwm.

Sida guud Somaliska sidii aad hore uga barateen ayuu ahaanayaa oo waxaan sii wadi doonaa ururinta wararka xiisaha leh ee ay daneynayaan Soomaalida ku dhaqan Sweden oo ay raacaan macluumaad iyo maqaalo la xiriira arimaha Bulshada.

Si aad uga faaideysato qeybaha bulshada ee cusub. Waxaad u baahantahay in aad xubin ka noqoto Somaliska. Hadaba isdiiwaan hada. RIIX HALKAAN.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa’idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su’aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa’ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. Moha abdi says:

    Maraka aat baan usalamaya somaaliska tanlawaat fikrada aat kusoo darteen waa mit loo baahna waxaan na idiin oronnaya horeeya and happyy?new? Yaer??? All i know me & every one

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. AbuXudayfah says:

    Hanbalyo……..Hanbalyo ………..Hanbalyo

    Run ahaantii waan bogaadinaa , tallaabta wanaagsan ee Jariirada lagu horumariyay. Jimcaalana aadbaan ugu mahad naqaa sida wanaagsan ee aad , dardarta ugu wadid horumarinta bogga.

    1. Ra’yiga in qofku bog u gaara samaysto waan soo dhawaynaa waana arin wanaagsan oo asxaabtu ku wada xariiri karaan , qof walbana boggiisa macluumaad maqal iyo muuqaala soo dhigi karo .

    2: Arinta Magaalooyinkna waa Aragti saliima , oo waa wanaagsantahay in Magaalooyin Xubno loo noqdo , si guud ahaan la isaga warqabo , xitaa waxaan rajaynaa ineey fududaan doonto in Magaalooyin loo tartamo.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. AbuXudayfah says:

    Jimcaale walaalkeey , aniga dabcan sidaa shaashada ka aragto sawiraa ii saaran , magacayguna waa ku diiwaan gashanyahay , somalimix.com ayaan xubin ka ahay ,
    magacaan somalimix ku galo inta iima soo gelaayo , magacayga Abuxudayfana wuxuu i leeya magacaan waa diiwaan gashanyahay .

    Maxaad iga caawin kartaa ? Adigoo kunjeer mahadsan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  4. mandeq says:

    waw waa arin aad ufican lona bahan yahay siweyn wana mahadsan tihin wadasha barnaamijka

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. jibrail says:

    runti aad ban ugu riyaq sanahay sida aadka u wacan aad bulshada isugu xiresan thanks somaliska…

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  6. jibrail says:

    thanks

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0