Qaybaha Laanta Socdaalka oo dhibaato ka haysato Soomaalida

14

Xarumaha ay Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ay ku leedahay gobolada kala duwan ayaa dhibaato ka haysataa sidii ay jawaab saxa u siin lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee dalbaday in reerahooda loo keeno.

Sida uu qoray wargeyska Värmlands Folkblad xarumaha Laanta Socdaalka ee kuyaal Örebro iyo Karlstad ayaa waxaa soo gaaray codsiyo fara badan ayadoo ay dhamaan diidmo siiyeen.

“Diidmooyin badan ayaan bixinay, dadka ugu badan oo sida aadka loo diiday waa Soomaalida” ayay tiri Inger Francis oo ka tirsan Xarunta Örebro.

Jahwareer ayaa ka haysta qeybaha kala duwan ee Laanta Socdaalka sidii ay jawaab cad u siin lahaayeen Soomaalida ayadoo bishii la soo dhaafay Laanta Socdaalka ay dacwo u gudbisay dowlada ayagoo ka codsaday in goaan cad oo macquul ah laga gaaro arimaha Soomaalida.

Inger Francis ayaa sheegtay in aysan jawaab u ahayn sidii ay u turjuman lahaayeen goaankii maxkamada Socdaalka iyo sidii ay halkaan uga sii socon lahaayeen.

Hadaba waxaa la filayay in dowlada ay jawaab cad siiyo Laanta Socdaalka bishaan aan ku jirno jawaabtaas ayaanan wali warkeeda hayn anagoo baaritaan ku sameyn doona isbuuca soo socda. Insha Allah

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here