Cunsuriyiinta oo ku fashilmay doorashadii Denmark

16

Shalay ayaa waxaa Denmark ka dhacday doorashadii baarlamaanka iyadoo 10 sano ka dib looga adkaaday cunsuriyiinta qaasatan xisbiga Dansk Folkeparti. Xisbiga Socialka ayaa ku guuleystay doorashada Denmark iyadoo la filayo in ay meesha ka saaraan sharciyadii adkaa ee la hordhigay soo galootiga.

Sidoo kale Denmark ayaa yeelanaysa raysal wasaarihii ugu horeeyay oo dumar ah. Haweeneyda lagu magacaabo Helle Thorning-Schmidt oo hogaamisa xisbiga Socialka ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horeysay ee raysal wasaare ka noqota Denmark.

Natiijada doorashada ayaa ah guul u soo hoyatay dadka neceb cunsuriyiinta oo sanadihii ugu dambeeyay noqday kuwo la wareegay Denmark balse doorashadaan ayaa meesha ka saareysa saameyntoodii.

Cunsuriyiinta ayaa ahaa kuwo guulo badan ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay Sweden iyo Finland isla markaana qeyb weyn ka ahaa dowlada Denmark balse jabka ku dhacay shalay ayaa la filayaa in ay wax weyn ka badasho siyaasada wadamada iskaandaneeviya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here