Home Wararka Maanta Maxkamad ku taal dalka Holland oo amartay in aan qaybaha diyaaradda dagaalka...

Maxkamad ku taal dalka Holland oo amartay in aan qaybaha diyaaradda dagaalka ee F-35 la geyn Israa’iil

0

Maxkamad racfaan oo ku taal dalka Holland ayaa ku amartay dowladda Holland in ay ka hor istaagto in qeybo ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-35 lagu geeyo Israa’iil muddo toddobo maalmood gudahood ah.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku dooday in bixinta qaybaha ay gacan ka geysteen ku xadgudubka sharciga caalamiga ah marka la eego waxa ka socda Qaza.

Hadda ka hor, maxkamaddu waxay xukuntay in dhoofintoodu ay ugu horrayn tahay go’aan siyaasadeed oo aanay garsoorayaashu soo faragelin.

Qaybaha uu Maraykanku leeyahay waxa lagu kaydiyaa Nederlaan waxaana loo raraa dhawr waddan oo ay ku jirto Israa’iil.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here