Home News in English Germalka Haweeney lagu heesto Sharcisiinta 1200 qof oo Qaxootiga Dalkaasi gaaray..

Germalka Haweeney lagu heesto Sharcisiinta 1200 qof oo Qaxootiga Dalkaasi gaaray..

0

Dalka Germalka waxaa soo ifbaxday mid kamid ah Haweeney ka tirsan Laanta Socdaalka dalkaasi oo sharciga qaab musuq maasuq ah u siisay qaxooti badan oo dalkaasi gaaray.

Laanta Socdaalka Dalkaasi ee BAMF ayaa laga helay xog ku aadan mid kamid ah hawenka u shaqeeya laanta oo sharciga siisay ku dhawaad 1200 kun oo qof kuwaasi oo aan la kulmin sharuudo adag.

Sida booliska Germalka uu sheegay ilaa 6 qof ayaa loo maleemanayaa in ay kiiska ku jiraan kuwaasi oo haweneydaasi la shaqeenayay.

Dadka la tuhmayo waxaa kamid ah Qareeno iyo sidoo kale turjumaano ka tirsanaa laanta socdaaalka.

Dadka la siiyay sharciga ayaa kasoo jeeda dhanka Wadanka Ciraaq gaar ahaan qoomiyada Yiziidiyiinta kuwaasi oo sheegta in ay kasoo carareer dhibaatada kooxda ka dagaalanta dalkaasi.

Booliska Magaalada Bremmen oo falkaasi ka dhacay ayaa wada baaritaan dheeri ah waana markaasi ugu horeysay oo musuq maasuq nuucaasi ah lagu sameeyo qaxootiga dalkaasi.

Somaliska Stokcholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here