Qaniis Muslim sheeganaya iyo mid kiristaan ah oo isguursaday

39

Sheekadaan waa mid naxdin iyo qosol intaba leh, labo nin oo midi isku sheegayo in uu yahay Muslim ka soo jeeda Ciraaq iyo mid Kiristaan ah ayaa isku guursaday kaniisad ku taala magaalada Oslo ee dalka Norway labo isbuuc ka hor.  Ninka lagu magacaabo Kaltham Lie oo 49 sano jir ah oo ah qaxooti ka soo jeeda Ciraaq ayaa la sheegay in ilmo ay indhihiisa ka daadanaysay markii loo guurinayay ninka kale ee lagu magacaabo Knut Egil Asprusten oo 44 sano jir ah.

 Ninkaan sheeganaya Muslimka ayaa sheegay in uu doonayay in guurkooda uu ka dhaco Masjid balse aysan u suurto galin, isagoo sheegay in markii uu ciraaq joogay loo geystay cunsuriyad iyo jirdil. Ragaan ayaa sheegay in ay diintooda ku dhaganyihiin balse ay aaminsanyihiin ilaah furan.

Ninka Muslima sheeganaya ayaa soo galay Norway 1992 isagoo ka soo cararay Ciraaq. Waxa uu sheegay in uu leeyahay asxaab Muslimiin ah oo uusan ka qarin in uu yahay qaniis. Waloow qaniisiintu ay meelkasta joogaan ayaa hadana waxaa yaab leh qaabka ay saxaafada u soo tabinayaan arintaan iyagoo cinwaan uga dhigay “Qaniisiintii ugu horeeyay ee Muslim iyo Kiristaan ah oo Norway isku guursaday”

Cajab iyo Cajiib . Bal fikradiina ku darsada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here