Nolosha Sweden: Waa sidee nolosha kamuunkaaga?

26

Wadanka Sweden waa wadan wayn oo ka kooban gobolo kala duwan iyo degmooyin (kommuns) aad u fara badan. Dadka Soomaalida ee degen ama degenaanshaha ka hela Sweden ayaa waxaa la soo dersa go’aan qaadasha degmada ay ku noolaanlahaayeen ayadoo la eegayo dhowr arimood. Goaankaan ayaa ah mid adag oo qofka uu ku qasbanyahay in uu xiriir la sameeyo asxaabta iyo kharaabada ku kala nool qaybaha kala duwan ee Sweden.

Hadaba si aan ugu fududeyno bulshada go’aanka nolosha ee Sweden ayaan waxaan soo bandhigi doonaa qayb taxane ah oo aan ku eegi doono heerka nolosha ee degmooyinka (kamuunada) Sweden. Balse waxaan u baahan doonaa caawimaadaada haddii aad ku nooshahay gobol ka mid ah Sweden oo waxaad naga caawin kartaa in aad nooga soo waranto nolosha Kamuunka aad ku nooshahay anagoo magacaaga ku xusi doona maqaalka.

Haddii aad jeceshahay in aad nooga soo waranto nolosha kamuunka aad ku nooshahay waxaan kaa dooneynaa in aad warbixin faahfaahsan naga siiso su’aala ay ka mid yihiin.

1. Guryaha: Sida looga helo guri kamuunkaaga? ma sahalbaa mise waa adagtahay? qiimaha kirada? yaa bixiya guryaha iyo wixii kale ee ku saabsan guriga.

2. Waxbarashada: Waxbarashada kamuunka, warbixin ku saabsan SFI, inta la sugo iskuulka, inta saacadood la dhigto? iyo wixii la mida.

3. Shaqada: waa sidee shaqa helida kamuunkaaga, baraatiik ma la isku diraa? meeqa saac ayaa baraatiiga la sameeyaa? waa maxay shaqooyinka lagu baraatiikeeyaa? shaqo ma helaan dadku kadib baraatiiga? iyo wixii kale ee ku saabsan shaqada iyo baraatiiga.

4. Nolosha: naga sii warbixin ku saabsan nolosha kamuunka, waa imisa kharashka uu kamuunka siiyo dadka? waa sidee qiimaha maciishada? dukaamada ku yaala meesha yaa ka mida? cunto xalaal ah si fiican ma looga helaa? Soomaali badan maku nool yihiin kamuunka ? jaaliyad ma leedihiin? masaajid ma leedahay?

5. Socodka iyo gaadiidka: waa sidee isku socodka kamuunka, basas iyo tareeno ma leedahay? meeqa ayaa lagu jartaa kaarka baska ama tareenka?

Shantaas qodob iyo wixii kale ee aad ku dari kartid fadlan noogu soo dir emailka info@somaliska.com waxaad soo raacin kartaa magacaaga. sawirkaaga haddii aad jeceshahay in lagugu soo bandhigo Somaliska.com iyo telfoonkaaga si aan kuula soo xiriirno haddii aan u baahano warbixin dheeri ah.

Waxaan rajenaynaa in aad nala shaqeysaan oo aad bulshada u faaideysaan sida aan idinkugu faaideyno.

Wasalamu Caleykum.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here