Home Wararka Caalamka Sweden oo War kasoo saartay Sharciga Xanaanada Caruurta ee Qasabka ah iyo...

Sweden oo War kasoo saartay Sharciga Xanaanada Caruurta ee Qasabka ah iyo Wararka laga baahiyo

0
Photo: Henrik Montgomery/ TT

Dowlada Sweden ayaa war cusub kasoo saartay Sharciga Xanaanada Caruurta kasi oo warbaahinta qaar ka baahiyeen warar been abuur ah kuna aadan in caruurta la afduubto.

Dowladda Sweden ayaa u xilsaartay waaxda iskuullada in ay daraaseeyaan waxa loogu yeero “ololaha war-xumada ah ee ka dhanka ah sharciga xannaanada carruurta ee khasabka ah ee sheegaya in hay’adda adeegga bulshada ee Sweden ay afduubto carruurta muslimiinta ah.

” Sida loo wakiishay, hay’addu waxay falanqeyn doontaa sida ololuhu u saameeyay dugsiyada Iswiidhan, waxayna bixin doontaa tusaalayaal dadaallo lagula dagaalamayo faafitaanka macluumaadka khaldan.

Ololaha ka dhanka ah Iswidhan iyo adeegyada bulshada ayaa bilaabay inuu fido sanadka 2021, balse wuxuu sii xoogeystay sanadka xiga. Mas’uuliyiinta Sweden ayaa u arkayay in ololahan uu saameyn ku yeelanayo xaaladda amni ee dalka, waxaana ay u arkeen mid ka mid ah sababihii ku kalifay in bishii August ee lasoo dhaafay hey’adda nabad sugidda ay sare u qaaddo heerka khatarta argagixisada oo markii hore ahaa 3 ilaa 4 iyadoo loo eegayo shan dhibcood.

Sida ay sheegtay hay’adda difaaca cilmi nafsiga, ololahan ayaa ah kii ugu ballaarnaa ee abid lagu sameeyo Iswiidhen, iyadoo uu kor u qaadayo sumcadda Sweden oo ah “dal faashiste ah oo afduubta carruurta Muslimiinta ah”. Waxa kale oo ay hurinaysay rabshado iyo hanjabaad argagixiso. Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Sweden maanta.

“Kalsooni la’aanta adeegyada bulshada ee uu sababay ololaha LVU waxay sidoo kale horseedi kartaa kalsooni darro dugsiga, tusaale ahaan,” Wasiirka waxbarashada Lotta Edholm ayaa ku sheegtay war-saxaafadeedka dowladda. Si looga hortago xanta noocaan ah waxaa muhiim ah in wadashaqayn wanaagsan ay dhexmarto dugsiyada iyo adeega bulshada. “Faafinta wararka xanta ah iyo macluumaadka khaldan ee ku saabsan maamulka Iswidhan waa khatar waxayna keeni kartaa cawaaqib xun.”

Dawladdu waxay u qabatay waqti kama danbays ah dugsiyadu inay ku soo wargeliyaan natiijada hawsheeda ugu dambayn November 29, 2023

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here