Home Wararka Caalamka ” Wax Weyn lagama badelin Siyaasada Socdaalka Sweden” Richard Jomshof

” Wax Weyn lagama badelin Siyaasada Socdaalka Sweden” Richard Jomshof

0
Photo: Anders Wiklund / TT

Richard Jomshof oo ka tirsan Xisbiga SD ayaa wareysi uu siiyay Joornalka Aftonbladet waxa uu ku sheegay in Dowlada aysan Waxweyn ka badelin Siyaasada Socdaalka Sweden marka la eego waxa ay Dowlada kula Heshiiyeen ee lagu adkeenayo Siyaasada Socdaalka Sweden.

Xisbiga SD oo qeyb ka ah Dowlada Sweden ayaa kula Heshiiyay Adkeynta Sharciyada Laanta Socdaalka si loo yareeyo Qaxootiga tirada badan ee imaanaya Dalka Sweden.

Richard ayaa dhanka kale waxa uu ku amaanay Maria Malmer Stenergard Shaqada ay ka qabatay laanta Socdaalka Sweden mudada ay xilkaasi haysay.

Wareysigiisa oo dhinacyo badan taabananaya ayuu ku soo hadal qaaday In la Xadido Hab dhaqanka Islaamka.

Hadalka Richard Jomshof ayaa imaanaya iyadoo Dowlada ay soo saartay Sharciyo adag oo lagu adkeeyay Laanta Socdaalka kuwaasi oo durba dhaqangalay.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here