Home Wararka Maanta Wareysi aan la yeelanay laanta socdaalka Sweden.

Wareysi aan la yeelanay laanta socdaalka Sweden.

33

Ka dib su’aalo badan ee nooga yimid akhristayaasheena ayaan la xiriirnay xafiiska saxaafada ee Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket). Hadaba wareysigeena sidaan ayuu u dhacay.

Somaliska: Soomaalida degenaanshaha ka xareysaneysa Kenya ama Ethiopia miyay u baahanyihiin in ay keenaan baasaboor? haddii jawaabtu haa tahay, baasaboorkee ayay keenayaan?

Migrationsverket: Haa, waxaa laga doonayaa in ay keenaan baasaboor ay si sharci ah ku heli karaan.

Somaliska: Qaar ka mid ah dadka aad sharciga siisaan waxaad u sheegtaan in la siiyay magangalyo, dadkaas sharciga keenista kharaabada ma qabanayaa?

Migrationsverket: Dadka loo aqoonsadey qaxootiga ee Geneva iyo dadka magangalyada la siiyay iyadoo la eegayo sharciga Midowga Yurub sharcigaas ma qabanayo, balse dadka magangalyada lagu siiyay ayadoo la eegayo sharciga Sweden sharcigan wuu qabanayaa.

Somaliska: Ma noo sheegi kartaa calaamadaha sharciga Geneva?

Migrationsverket: Waa kuwan qaar ka mid ah calaamadaha sharciyada aan bixino.

  • 1.FSF+A3 – Qaxootiga Geneva.
  • 2. ASSF+A7 – magalyo ayadoo la eegayo sharciga Midowga Yurub .
  • 3. ÖSSF+A8-A9 – Magangalyo iyadoo la eegayo Sharciga Sweden.

Somaliska: Qasab miyaa in waalidka ama caruurta laga qaado dhiiga DNA?

Migrationsverket: Maya, Waa haddii qofka uu raali ka yahay.

Somaliska: Go’aan cusub ee ay soo saartay Laanta Socdaalka ayaa faraya in Soomaalida sharciga ka dalbanaysa Afrika ay tagaan Nairobi ama Addis Ababa, ka waran dadka jooga Kampala?

Migrationsverket: Soomaalidu sidoo kale sharciga way ka dalban karaan Kampala.

Somaliska: Dadka sharciga dalbanaya fara miyaa looga qaadaa safaaradiina Addis Ababa ama Nairobi?

Migrationsverket: Jawaabta su’aashaan waxaa bixin kara Hay’ada Sharciga, aniga kama jawaabi karo.

Somaliska: Qof hada guursadey ee xaaskiisa ama saygeeda uu Kenya joogo suurto gal ma u tahay in ay u dacwoodaan?

Migrationsverket: Waxay ku xirantahay qofka nuuca sharciga uu haysto.

Somaliska: Qof wayn ma u dacwoon karaa waalidkiis sida hooyo ama aabe?

Migrationsverket: Waalidku waa in ay iskood u dalbadaan sharciga, ayadoo la eegayo sharciga Sweden ayaa xaaladooda la eegi doonaa.

Somaliska: Imisa qof oo soomaali ah ayaa sanadkan 2010 qaxootinimo ka dalbaday Sweden?

Migrationsverket: Waxaa iska dhiibay Sweden 2838 qof oo soomaali ah 2010.

Wareysigaan waxaan ku qaadney e-mail, marka nooma suurto galin in aan jawaab celin la sameyno laanta socdaalka. Waxaan rajenaynaa in aad jawaabo muhiim ah ka hesheen Laanta Socdaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here