Qaybta Su’aalaha iyo jawaabaha

Sida aad la socotaan qeyb weyn oo ka mid ah hawsha bogga Somaliska ayaa ah in laysku waydaarsado su’aalaha quseeya arimaha Soomaalida iyo Sweden oo ay akhristayaashu badanaa isticmaalaan qeybta fikradaha ee mowduucyada ama ay email toos iigu soo diraan.

Balse labadaas waddo ayaa ah kuwo aan ku habooneyn suaalaha. Qaybta fikradaha ee mowduucyada waxaa loogu tala galay in aad fikradaha la xiriira mowduucyada aad ku qortaan. Inkastoo mararka qaar aan ka soo jawaabo su’aalaha emailka laygu soo diro ayaa taasi keentay in uu buux dhaafo emailkayga oo aanan waqti u helin in aan ka jawaabo dhamaan suaalaha akhristayaasha.

Hadaba si aan xal ugu helo labadaas arimood ayaan bogga ku soo daray qeyb u gaar ah Su’aalaha, jawaabaha iyo mowduucyada akhristyaasha. Qaybtaan ayaa ah mid isticmaalkeeda fududyahay oo qoskasta uu su’aashiisa ku qori karo isla markaana ay akhristayaasha kale ugu jawaabi karaan. Aniguna waan ka qeyb qaadan doonaa jawaabaha.

Hadaba waxaan rajaynayaa in hadda ka dib aan isticmaalno qeybta su’aalaha ee aad halkaan ka heli kartaan. SU’AALAHA & JAWAABAHA

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. Ali says:

    waxaan horey u qaatey diidmo inta aanan sharciga helin, marka ma waxaa leyga tirinayaa Maalintii aan imid ama maalintii sharciga aan heley, mida labaad waxaan rabaa inaan ogaado xiliga qof Baasaboorka wayn xareysan karo ma marka 8 sano u buuxsanto mise sanadka 7aad gudihiisa wuu xarey karaa?

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Ali waxaan filayaa in aadan fahmin mowduuca? qeyb gaar ah ayaan u sameeyay su’aalaha. Fadlan halkaa isticmaal hada ka dib. Riix Su’aalaha ka dibna riix Ask Question. Su’aashaada mid la mid ah ayaan hada ka jawaabay.

      Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 12 Thumb down 9

  2. Ali says:

    waan badaley bror ee bal haadii aad war ka heyso arinkaas bal iiga soo jawaab

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  3. umu maahir says:

    Asc walal jimcaale aniga kula hadlayo waxan u bahanahay dhanka suu alaha la isku wediyo waana fahmi wayi muxtadne wan u ahay walalkey adigo mahadsan ifahansi qeerne allah ku siyo inta islam ah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. ubax says:

    Asc waxan ku su alay miyaa la ogoladay caruurti la soo korsaday

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  5. mohamed says:

    walaal jimcaale waan ku salaamay waxaa halkaan dacwo igu keenay xaaskeyga laakiin waxaan doonayaa in aan udacwoodo canug yar oo kale oo aanay xaaskani dhalin markii horena maan sheegan markaa maxeey noqoneysaa rajadiisa?

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  6. aragsan says:

    Umu mahir anigaaa ku fahan sin waxaaad kilig siisaa halka ka qorantay SU,AAL IYO JAWAAB ee qoralka uu danbaysa kabacdi wad arki suaal iyo jawab bulshaddu waxay so dhigtay JIMALE ka jawabay khayra alle ha siyee runti wan uu duceeyaa inaankaaaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  7. Cilmi says:

    Waar ninkan Jimcale Talo aan ku siiyo aad adigu garan wayday bro, dadka ka daa seefarkan aad u samaysay ee dhibta ku ah ee ah , wakhti luminskana ah, dee adigu hadaad waxaad samaysatay yahay dadbaan Fahmayne waxaad yeeshaa, ma helaysid wax kuu dhaama oo ka Commentis badan Mawduucii aad Close Garaysay ee ahaa 2 sano, dad badan ayaana ku kala war qaadan jiray oo ay meel wacan umaraysay , markaa bogii lagu kala war qaadan jiray dib u Fur oo soo renew garee hadaanad isagii extension ku samayn karin, waxaana wanaagsan in aad tix galiso waxa macquulka ah ee akhristayaashu kuu sheegayaan, maaha in aad iska dhaga tirto wibilaahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  8. umu maahir says:

    Araagsan abayo qer allah ku siyo wan arkay lakin aniga mesha su asheyda ku qorayo baan fahmi wayi mcnto isheg raline noqo wan ku dhibe

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Anwar Adde says:

    Walaal Ali marka hore wan ku salaamay ka dib su’aashaada hadii aan jawaab ka bixiyo, waa hadii aad marka hore diidmo helin waxaa lagaga soo bilaabayaa maalintii aad timid ee aad u sheegtay migration-ka, hadii aad diidmo heshay codsigaada ka dib waxaa lagaga bilaabaya maalintii aad sharciga heshay oo ogolaansho heshay xitaa 3 sano haka soo wareegato maalintii aad wadanka imaaday, su’aasha 2 aad dhalashada waxaad dalban kartaa 8 sano marka aay kuu buuxsanto waad iska xareysan kartaa ayadoo 3 ama 2 bilood ka dhiman tahay sideeda sano sida soomaalida u badan tahay waa sidaas lakiin marba hadii aad 7 sano iyo bilooyin soo sugtay inta yar ee kuu hartay iska sug si aaysan kaaga qasaarin 1500kr, mahad sanid

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  10. aragsan says:

    Umu mahir walal meshay yar ee cagaran ay ku qorantay aske question kilig sii kabacdi halkay ku qorantay tittle mawduuca aad rabto inaad ka hadasho ciwankisa ku qor ka bacdi hadalka waxaad ku bilabaysa halka ay ku qorantay type the two questions ka bacdi halkay ku qorantay aske question okda ka sii siiidaa yeel inshalla

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  11. umu maahir says:

    Insha allah mcnto wad mahadsantahay qer allah ku siiyo araagsan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  12. Mohamed says:

    Asc,waxaan maqlay in famil soomali ah lagu dhahay lacagtii migrationka Ethopia qaadan jira 600 dolay hada laga dhigay 6560 dolar.Yaa maqlay dadkale aay arintaas ku dhacday?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. xdanjire says:

    Asc aqiyaarta

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0