Qiimaha tahriibka Sweden oo cirka isku shareeray [Video]

Qaxootiga Syria ee ku soo qulqulaya Sweden ayaa kor u qaaday lacagta ay qaataan muqalasiinta sida uu soo bandhigay telefishinka Sweden (SVT). Qiimaha tahriibka Sweden ayaa siyaaday 50% sanadihii la soo dhaafay iyadoo hada laga hadlayo lacag kor u dhaafaysa 100.000 (taasoo u dhiganta 15.000$).

Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay sida muqalasiinta ku nool magaalada Istanbul ay dadka u soo galiyaan Yurub, iyaga oo kuwa lacagta haysta loo sameeyo baasaboor ay si toos ah ugu imaan karaan Stockholm halka kuwa kale ay raacaan baabuur oo ku galaan wadanka Bulgaria ama doon ay ku galaan wadanka Greece , iyadoo ka dib ay doon ku soo galaan Talyaaniga. Warbixinta ayaa lagu sheegay sida tacadiyada loogu geysto dadka qaxootiga ah wadamada Bulgaria iyo Greece kuwaasoo lagu garaaco ka dibna dib loogu celiyo Turkey.

Inkastoo Soomaalidu ay quburo ku noqdeen arimaha tahriibka iyo sida Yurub loo soo galo, ayay arimahaan ku cusubyihiin dadka u dhashay wadanka Syria taasoo keentay qaarkood in lacago badan laga qiyaano. ilaa iyo markii uu bilowday dagaalka Syria ayaa Sweden waxaa soo galay 30.000 qof oo sharciga la siiyay.

Qaxootiga Syria ayaa si qaas ah u doonaya in ay Sweden yimaadaan maadaama wadankaan uu yahay wadanka keliya ee bixiya deganaansho rasmi ah. Wadamada kale ee Yurub ayaa siiya deganaansho ku meel gaar ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

5 Responses

  1. Axyaa-Wadani says:

    Kheeyr BEESHO Dhul Gaalo maahan meel loosoo Tahriibo.
    Soomaalidii soo bixiday Kumanaanka Kun ee DOLLAR hala waydiiyo !!

    Bal qofkii soo xaraashtay Dukaamadiisii, Guryihiisii, iyo Hantidiisii ee 1800 kr inta ugu yimid hala waydiiyo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 1

  2. Diini says:

    kkkkk Axyaa wadani waa runtaa sxb wadankeena Allaha noo toosiyo wax kale aan sheegeyno malahan

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  3. mohamed says:

    WALAAL JIMCAALE SUAALSHAAN IIIGA JAWAAB HADAAD WAX WAR AH UHEEYSO
    hal suaal ayaan qabaa waxaan maqlay in abril wixii kadanbeya qofkii sharciga qaato in sharci cusub u qabanaayom kaas oo ah in owsan iskuul bilaabi karin lacagtana aysan ubilabaneynin ilaa uu guri kadagayana uu qadanaayo lacagta migratonsveketka arintaas war halaiga siiyo waxaan ahay qof hada dhow qaatay sharciga mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

    • Jimcale says:

      Walaal sharcigaas ma maqal balse waan raadinayaa haddii uu jiro waan soo qorayaa insha Allah.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. ahmed says:

    Moxamed bro. Sharcigaas xagee kasoo maqashay. Bro. Hadaad sharci qaadaty. Arbett famillien tag iskuulna ayaga ayaa kuu dalbaya …..

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0