Qilaaf weyn oo ka dhex bilowday xisbiga cunsuriga ah ee SD

6

Qilaaf weyn ayaa ka dhex bilowday xisbiga cunsuriga ah ee Sverigedemokraterna (SD) ka dib markii shalay ay shaaciyeen in xisbiga laga saaray labada nin ee ugu saraysa xubinta dhalinyarada ee xisbiga, isla markaana hada uu baaritaan ku socdo 20 qof oo iyagana laga saarayo xisbiga. Gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee xisbiga SD Mattias Karlsson ayaa sheegay in ragga laga saaray xisbiga ay xiriir la yeesheen kooxo xagjir ah oo taageersan Hitler.

Gustav Kasselstrand oo ahaa gudoomiyaha xubinta dhalinyarada ee xisbiga SD ayaa laga eryay xibsiga, isagoo hada ku eedeeyay in gudoonka sare ee xisbiga ay beenaale yihiin. Qilaafka ka dhex bilowday SD ayaa u muuqda mid sii balaraanaya iyadoo laga yaabo in xisbigu uu kala jabo. Xubnaha xisbiga laga saaray ayaa ku tilmaamay ficilkaas mid diktatoori ah oo laga yaabo in ay dhistaan xisbi kale ama ay ku biiraan xisbiyada xagjirka ah.

Qilaafka iyo kala jabka xisbiga SD ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatay inta neceb cunsuriyiinta. Xisbigaan ayaa sanadihii dambe noqday mid aad u caanbaxay iyagoo taageero balaaran ka helay shacabka Sweden balse fadeexadaha nuucaan ah ayaa keenaya in xisbiga sumcadiisa ay hoos u dhacdo. Gudoomiyaha xisbiga SD Jimmie Ã…kesson ayaan wali ka hadlin arintaan balse isaga laftiisa ayaa laga cabsi qabaa in uu iska casilo jagadaas bilaha soo socda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here