Qilaafaadka diimaha oo ku soo kordhaya Sweden

9

Cilmi baaris ay sameysay xarun Maraykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo PEW ayaa soo bandhigay wadamada ay qilaafaadka iyo naceybka ku dhisan diimaha  ku soo kordhayaan. Sweden ayaa ka mid noqotay wadamada siyaadada ugu badan laga soo sheegay marka laga hadlayo qilaafaadka diinta.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in siyaadada qilaafaadka ay sababtay naceyb ka dhex abuurmay dadka wadanka u dhashay iyo Muslimiinta u soo haajirtay. Warbixinta ayaa soo bandhigay in dambiyada naceybka ku dhisan ee loo geysto Muslimiinta iyo Yuhuuda ay kor u keceen.

Cilmi baarista PEW ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay in qilaafaadka diimaha ku dhisan ee caalamka ay siyaadayaan iyadoo wadanka Ciraaq uu galay kaalinta koowaad. Wadamada Yurub ee qilaafaadka iyo dambiyada ku dhisan xaga diimaha ay siyaadeen ayaa waxaa ugu horeeyay Sweden, Denmark, Ruushka iyo Ingiriiska.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here