Qiso cajiib ah: Caruur kala badalantay markii ay dhasheen oo hada waalidkoodii helay

6
Irina iyo Anya waa 12 sano jir.

Qisadaan waa mid cajiib ah oo ku dhacday labo waalid oo ku nool dalkaasi Ruushka kuwaasoo 12

Irina iyo Anya waa 12 sano jir.

sano ka hor si qaldan u kala badashay caruurta ay dhaleen. Haweeneyda lagu magacaabo  Yulia Belyaeva ayaa mudo 12 sano ka hor ah waxay gabadh ku dhashay hospitaal. Gabadheeda waxaa lagu magacaabaa  Irina balse xaqiiqadu waxay tahay in aysan Yulia korsan gabadheeda saxda ah.

Yulia ayaa hada ogaatay 12 sano ka dib in ilmaha ay gurigeeda u qaadatay uusan ahayn midkii ay dhashay.

“Waxaan ogaatay markii aniga iyo ninkaygii hore aan isku qabsanay qarashka ilmaha. Waxaan wadatagnay maxkamad taasoo dhalisay in aan qaadno dheecaanka DNA. Jawaabta ayaa noqotay mid layaab weyn nagu noqotay, ma noqon gabadhiisa iyo gabadhayda midna” ayay tiri Yulia.

Booliska ayaa sheegay in taariikhdu markay ahayd 17 December 1998 uu qalad weyn ka dhacay custbitaalka degmada. Labo ka mid ah caruurtii ku dhashay goobtaas ayaa waxaa lagu xiray calaamada magaca oo qaldan taasoo dhalisay in waalidiin qaldan ay qaataan caruurta.

“Markii hore waxaan u mooday kaftan balse markii aan xaqiiqada ogaaday oohin ayaan ka bixi waayay, waxaan ka walwalay waxa ay dhihi doonto gabadhayda iyo xaalada ay ku sugantahay gabadhayda dhabta ah ee aan dhalay, waxaan isdhahay markaan tuugsi ayay ku jirtaa” ayay tiri Yulia.

Waxay go’aansatay in ay raadiso gabadheeda saxda ah iyadoo booliska kaashanaysa. Raadintii

Yulia iyo Naimat

waqti badan ma qaadan oo tuulo 30 daqiiqo u jirta halka ay ku nooshahay Yulia ayaa laga helay gabadheedii saxda ah oo uu korsaday nin Muslim ah oo lagu magacaabo Naimat. Gabadha yar ayaa lagu magacaabaa Anya Iskanderova oo waa 12 sano jir oo waxay u egtahay hooyadeed Yulia oo aysan waligeed arag.

Naimat waxa uu ka soo jeedaa Tajikistan oo waa nin Muslim ah, waxa uu guursaday haweeney ruush ah taasoo ay kala tageen ka dibna waxa uu soo korsaday Anya oo uu u haystay in ay tahay gabadhiisa. Markii Boolisku u sheegeen qaladka dhacay ayuu aamini waayay Naimat oo waa laga dhaadhicin waayay.

“Ka dib booliska ayaa i tusay sawirka gabadha kale ee ay leeyihiin aniga ayaa dhalay. Markii aan arkay wajigeeda waxay noqotay sidii aniga oo isfiirinaya. Waxaan bilaabay in aan ruxdo. Waa mid adag in aan dareemo in gabadhayda ay la kortay reer kale aniguna aan koriyay gabadh kale” ayuu yiri Naimat.

Waqtigaas ka dib ayaa labada reer waxay go’aansadeen in ay si joogto ah u kulmaan. Balse xaaladu ma ahan mid fudud.

“Waa adagtahay. Waayo hal reer waa Muslim reerka kalena waa Kiristaan. Waxaan leenahay dhaqamo kala duwan. Waxaan ka cabsanayaa gabadhii aan soo koriyay ee aan Muslimnimada ku soo koriyay in ay qamriga bilowdo oo aay kalaabyada aado. oo ay iska dhaafto salaada. Waxaan ka cabsanayaa in ay diinta ka baxdo” ayuu yiri Naimat.

Yulia ayaa sidoo kale qirsan in farqi weyn u dhexeeyo nolosheeda iyo mida ay ku soo kortay gabadheeda. Waxay ka cabsaneysaa in ay weydo labada gabdhood. Gabadhii ay soo korisay waxay hada jeceshahay in ay aabaheed waqti badan la joogto halka midii ay dhashay aysan la dhacsaneyn hooyadeeda dhabta ah.

“Waxaan isku dayaa in aan Anya u muujiyo jaceyl balse ma dooneyso. Waxay ku soo kortay dhaqan iyo nolol kale. Runtii isma fahano labadeena” ayay tiri Yulia.

Labada qoys ayaa go’aansaday in ay maxkamad la fuulaan hospitaalkii geystay dhibaatadaan oo waxay ka dalbadeen lacag ka badan $300,000. Dhaqtarka ugu sareeya hospitaalka ayaa telefishinka raaligalin ka bixiyay balse sheegay in uusan awoodin hospitaalku in uu dhiibo lacagtaas

Labada gabdhood ayaa hada doonaya in aysan kala badalan waalidiinta. Waxay ku faraxsanyihiin in ay isbarteen oo waxay noqdeen asxaab isku fiican. Anya gabadha Muslimka ah ayaa sheegtay in ay dooneyso in dhamaantood ay ku noolaadaan hal guri. Dhalashada gabdhahaan ayaa waxaa u dhaxaysay 15 daqiiqo oo keliya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here