Qiso qiiro leh: Aabe 100 Karoon ma i deymin kartaa?

13

Aabe  ayaa waqti danbe gurigiisa yimid , isagoo shaqadiisii kasoo rawaxay oo daalan , 100kr
islamarkii uu gurigiisa soo galayba  wuxuu la kulmay wiilkiisa oo 5 sano jir ah oo irida guriga kusugaa.

”Aabe su’aal maku waydiin karaa ??” wiilkiiyaa yiri
” Haa dabcan,, ee maxaa i waydiinee ?? aabihiiya ku jawaabay     ”Aabe saacaddii meeqa lacagaa  ku shaqeydaa ? wiilkiiya su’aalay

Aabihii :Arin kuu taala maahan ! maxaa kugu kalifaa inaad i waydiiso su’aash oo kale ? aabihiiyaa  ku yiri wiilkiikiis welibana isagoo careysan.   Wiilkii :,, Waxaan rabaa oo kaliya inaan ogaado ,waan ku baryaa aabe saacadii meeqaa ku shaqeydaa?“

”Haddeey qasabtahay inaad ogaato saacadii  inta aan  ku shaqeeyo,  waa 200 Kron.
ALLA AABOOW waa  BADAN BADAN !! wiilkiiyaa yiri , isagooy la badatay lacagta aabe u sheegay.

Markaasuu yiri : aabe haddaba 100 kron ma i deymin kartaa?
Aabihii wuu ku xanaaqay wiilkii :

Aabihii :”,, Sababta kaliyee kugu kaliftay inaad ogaato lacagtaan ku shaqeeyo saacadii, haddeey tahay inaad iga qaadato 100 kron. Si aad  ugu soo iibsato  alaab qashina oo lagu cayaaro, sidaas haddeey tahay. Soco qolkaaga gal , waad Edebdarantahay  intaan kuu jeedana seexo .
Ka feker inaan maalin walba saacado badan soo shaqeeyo , oo aanan WAQTI u heyn , su’aalo iyo qashin lagu cayaaro.

Inankii yaraa oo gartay inuu aabe ka carooday su’aashiis,a yaa qolkiisa iska galay albaabkiina soo   xirtay.Odaygii wuu fariistay , wuxuuna billaabay inuu is waydiiyo , kana welwelo su’aashi wiilka. Sidee  ugu dhiiraday inuu su’aasha i waydiiyo ? Kaliya ma inuu 100 kron heloow ii waydiiyay su’aashaas ??!!

àOdaygii  saacad kediboow  is dejiyay , wuxuuna u garwaaqasaday/gartay inuu wiilkiisa si ad’adag ula hadlay . Laga yaabee ineey  jiraan  wax aad ugu muhiima,  uu kusoo gadan lahaa 100 kron,”Sida caadigaana inta badan wiilkeygu sidaas iima waydiin jirin lacag ama qaabkaan oo kale. Qolkii wiilkiisoow aaday , wuxuu ku yiri :

Aabihi : ”Masoo jeedaa , aabe?
Wiilkii :”Haa aabe, waan soo jeedaa” wiilkiiyaa ugu jawaabay.
Aabihii :,, Waxaan ka fekeray , inaan si caro leh  kuula hadlay markii hore,’, Waxay ahayd maalin dheer oo shaqo, waana kugu xanaaqay , hadda waatan 100 kron ee qaado .
Wiilkii sariirtiiyow   kusoo fariistay isagoo ka muuqato farxad, iyo filanwaaga lacagta aabe siiyay.”Alla aabe aadaa u mahadsantahay, wiilkiiya dhahay’isagoo dhoola cadeynaa.

Markaa ayuu  billaabay inuu raadiyo sanduuqiisa yaraa ee uu lacagta ku ridan jiray  , wuxuuna kasoo baxshay  lacag kale .Aabihii oo arkaayay in lacag kale wiilku horay u heystay , yaa billaabay inuu ku xanaaqo .
Wiilkii yaraa lacagtiiyoow si degan u tiriyay, kedibna aabihiisow kor usoo eegay.Maxaa ii waydiiday lacagta , adigoo horay lacag u heystay ? Aabihiiyaa waydiiyay wiilkii……Aabe markii hore maheysan lacag igu filan laakiin , hadda way ii dhantahay .
Aabe hadda 200 oo kron ayaan heystaa ..”.Makaa gadan karaa 1 saac, oo waqtigaaga ka mida”??.

Aqristoow ma fahamtay Xikmada iyo ujeedka su’aasha wiilka yar .Tani waa u xasuusin , aabe walba oo waqtigiisa  ka hagrada caruurtiisa , ama u shaqeeyo si joogto ah isagoo caruurta waqtigooda ka bakhiilay. Ogoow lacag walboo shaqeydo,  waxaa ka anfaco badan kana waxtar badan . Saacado kooban oo caruurtaada wax wanaagsan ugu sheegto . Waxa xuna uga reebto. Waa su’aal taabanee aabe walba oo ilmihiisa aan waqtigiisa siin. Yaa uga xaq badan ilmahaaga waqtigaaga?

Aabe ilmahaaga waqtigaaga  , qayb wanaagsan ka sii. U aqri cashiradooda  , uga sheekeey qisooyinkii , iyo sheekooyinkii Anbiyada , saxaabadii , iyo sheeko walba oo garaadka ilmaha kobcinee , maahan . Dad qalato iyo qori is maris inaad uga sheekeydo , ilmahana  cabsi iyo fuleynimo ka qaadaan. Fadlan aabe waqtigaaga wax naga sii.. (Waa Codsiga Caruurta Qurba lagu dayacay , ee waqtigoodii maqaayadaha laga siiyay , ee meelaha la istaago.)

Waa su’aal si gaara ugu socoto , aabayaasha qurbaha ilmaha keenay ama ku dhalay , ee haddana 1% wax u dhigma xitaa oo waqtigooda ka mida  aannan siin ilmahooda.

Aqristoow aadan kaaga mahad celinaa , inaad waqtigaaga Qaaliga ah , u hurtay aqrinta sheekadaan. Mahadsanid: Wa inoo markale iyo Maqaal kale InshaAllah.

Bashiir Macalin Cali AbuXudayfah.

Bashiircali22@hotmail.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here