Qofka magaciisa yahay Maxamed oo ay yartahay fursada in uu Sweden shaqo ka helo

26

Cilmi baaris lagu sameeyay suuqa shaqada Sweden ayaa lagu soo bandhigay in dadka wata magacyada carabta ay yihiin kuwo shaqadaugu yar ee wareysiga shaqada loogu yeero. Cilmi baarista oo ay sameeyeen quburo ka tirsan jaamacada Lund ayay ilaa 5000 oo CV u direen shirkadaha raadinaya shaqaalaha.

CVyada loo diray shirkadaha ayaa waxaa loo kala qeybiyay kuwo ay ku qoranyihiin magacyo Swedish ah iyo kuwo ku qoran magacyo carbeed. Cilmi baarista ayaa muujisay in dadka watay magacyada Swedishka ah durbadiiba ay heleen fursado loogu yeerayo wareysi shaqo, halka kuwa carabta aan dib loo eegin. Iyadoo ay wadanka ku noolyihiin soo galooti ka soo jeeda wadamo kala duwan ayaa warbixinta lagu sheegay in dadka wata magacyada carabta ay yihiin kuwa cunsuriyada ugu badan lagu sameeyo.

Cilmi baarista ay sameeyeen quburada ka tirsan Lund ayay ku sheegeen in dadka carabta ah aysan xitaa caawin waxbarashadooda sareysa iyo CV-ga oo ay ku qorteen in ay yihiin kuwo furanfuran oo lala shaqayn karo. Waxaa dadkaas ka fursad fiicnaa dadka Swedishka ah ee xitaa aan CV-gooda si fiican u qorin.

Inkastoo ay iska cadahay cunsuriyada ka jirta suuqada sweden, ayaa qaasatan dadka carabta ah iyo Muslimiinta ay yihiin kuwa dhibaatada ugu badan ku dhacdo. Soomaalida ayaa qaasatan ah dadka ay haysato shaqo la’aanta ugu badan. Carabta ayaa inta badan waxay dhibaatada cunsuriyada isaga difaacaan in ay abuurtaan ganacsiyo sida maqaayadaha halkaasoo ay ka shaqaalaysiiyaan carabta kale. Soomaalida ayaan haysan fursadaas.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here