“Qofkii hilibka xalaasha cuna Muslim ayuu sidaas ku noqonayaa”

5

Gudoomiyaha xisbiga SD ee degmada Heby ayaa wargeyska Sala Allehanda siiyay wareysi qosol badan oo uu ku muujiyay aqoon la’aanta ka haysata Islaamka. Ninkaan oo lagu magacaabo Michael Öhman ayaa wargeyska u sheegay in qofkii cuna hilibka xalaasha uu sidaas ku noqonayo Muslim.

Waxa uu intaas ku daray in hilibka xalaasha ay Muslimiintu cunaan uu yahay mid sixir wata oo dadka Muslim ka dhigaya. Wariyaha wargeyska Sala Allehanda oo hadalka ninkaan aad ula yaabay ayaa u sheegay in Halal aysan ahayn shahaadada Islaamka oo sidaas aan Muslim lagu noqon balse waxa uu ku jawaabay in sidaasi  ay tahay oo xitaa uu sixir ku jiro hilibka xalaasha ah.

Ninkaan ka tirsan SD ayaa hada wada olole looga mamnuucayo hilibka xalaasha ah iskuulada. Doqonimada iyo aqoon la’aanta haysata siyaasiyiinta SD ayaa ah mid lagu majaajilaysto iyagoo hadalada iyo ficilada ay ku kacayaan ay yihiin kuwo ila qosol ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here