Isbuucii la soo dhaafay ayaa waxaa dood ka dhalatay bandhig qoob ka ciyaar lagu qaban lahaa Kulturhuset ee Stockholm ka dib markii koox ka mid ah kuwa ka qeyb galayay bandhiga ay qorsheeyeen in ay qoob ka ciyaar iyo heeso ku sameeyaan aayado Quraanka ka mid ah. Arintaan markay soo baxday ayaa dood culus waxay ka dhalay bogga Kulturhuset ee Facebook taasoo keentay in guud ahaan la joojiyo qorshihii bandhiga. Qoob ka ciyaarkaan oo loogu magacdaray "Celebration of womenhood" ayaan la garaneyn sababta loogu soo daray Quraanka. Muslimiin badan oo ku xiran Facebook ayaa codsaday in aan lagu heesin Quraanka iyadoo Kulturhuset ay go'aan sadeen in ay guud ahaan joojiyaan mashruucoodii ciyaaraha. Sida ay qoreen websiteyada cunsuriyiinta wiil Soomaali ah ayaa bilaabay dooda ka dhalay Facebook isagoo ku dooday in ay xushmad daro tahay in Quraanka lagu heeso.

Qoob ka ciyaar & Quraanka

Isbuucii la soo dhaafay ayaa waxaa dood ka dhalatay bandhig qoob ka ciyaar lagu qaban lahaa Kulturhuset ee Stockholm ka dib markii koox ka mid ah kuwa ka qeyb galayay bandhiga ay qorsheeyeen in ay qoob ka ciyaar iyo heeso ku sameeyaan aayado Quraanka ka mid ah. Arintaan markay soo baxday ayaa dood culus waxay ka dhalay bogga Kulturhuset ee Facebook taasoo keentay in guud ahaan la joojiyo qorshihii bandhiga.

Qoob ka ciyaarkaan oo loogu magacdaray “Celebration of womenhood” ayaan la garaneyn sababta loogu soo daray Quraanka. Muslimiin badan oo ku xiran Facebook ayaa codsaday in aan lagu heesin Quraanka iyadoo Kulturhuset ay go’aan sadeen in ay guud ahaan joojiyaan mashruucoodii ciyaaraha.

Sida ay qoreen websiteyada cunsuriyiinta wiil Soomaali ah ayaa bilaabay dooda ka dhalay Facebook isagoo ku dooday in ay xushmad daro tahay in Quraanka lagu heeso.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. Somali says:

    Marnaba lama ogola in Quraanka kariinka lagu ciyaaro Qof muslim ah na ma ogolaan karo, Dadka barnaamijkan watey wey ku mahdsanyihiin heydey garteen in Bulshada Islaamka Quraanka agtooda qiimo ka joogo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Abu Osama says:

    Waa arin lagu doonaa in lagu ihaanaysto Quraanka. Waana dabin iyo dibin daabyo gaalada wado oo ah in Quraanka heeso laga dhigo . Aadbaan ugu mahadnaqaynaa walaalaihii ka dhiidhiyay , ka horteen.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • massago says:

      WAAYAAB WLH SHEEKADAAS AALA KENAY. CAYAAR IYO QURAAN
      XAA ISKU KEENAY WAR FADHIGA KAKACA SOAMALIYEEY

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. faa,id says:

    Waan ku salaamay Jimcaale inaad saas tiraaho maaha oo ciwaanka qoob ka ciyaar iyo qur,aan is barbar dhigto maahan,waa la laga digay qoobka ciyraarka qur,aanka dheh. mahadsanid bro.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0