Qorshe ma leedahay?

19

Haddii aan nahay Soomaali waxaa nahay bulsho qorshihii nolosha laga qarbuday 20 sano ka hor. Waxaan noqonay bulsho qofba meel abaaray iyadoo uusan jirin wax qorshe ah oo lagu socdo balse muhiimadu ahayd in dhibaatada laga cararo.

Dhowr isbuuc ka hor ayaa waxaa wareysi iga qaaday koox wariyeyaal ah oo baaritaan ku sameynayay arimaha isdhexgalka Sweden, markaas ayay i weydiiyeen su’aal “Waa maxay sababta aad u dooratay Sweden?” Waa su’aal muhiim ah oo aan jawaabteeda lagu degdegi karin balse waxaan u jawaabay “Sweden wax qaas ah kuma dooran ee waxay ahayd meesha keliya ee aan sahalka ku imaan karay”. Sheekadii ayaan sii wadanay oo waxay i waydiiyeen qorshahayga mustaqbalka. Markaas ayaan u sharxay waxyaabaha aan damacsanahay iyo riyooyinka aan leeyahay.

Mowduucaan sababta igu dhalisay waa in aan ogaado horta qorshe ma leenahay? Sida iska cad bulsho ahaan “Soomaali” ahaan wax qorshe ah ma lihin balse adigu shaqsi ahaan qorshe ma leedahay? Waa maxay talaabada kuugu xigta ee aad doonayso in aad qaado marka aad dhameyso hawsha hadda aad ku jirto? Mise waxaad doonaysaa in aad soo kacdo, 8 saac aad soo dhameyso habeenkiina seexato iyadoo uusan jirin wax qorshe ah?

Dhowr qodob oo ku saabsan muhiimada ay leedahay in qofku uu qorsheeyo noloshiisa.

1. Qorsheyntu waxay u wanaagsantahay diintaada. Dhamaanteen waxaan dooneynaa in aan ku noolaano sidii uu nafaray Allah. Hadaba su’aashu waxay tahay xagee ayaad taagantahay maanta? Waxaa muhiim ah in qofku qiimeyn ku sameeyo habka uu ilaahay u caabudayo oo qorsheeyo waxyaabaha u baahan in uu wanaajiyo.

Waa in aad su’aalo iska weydiisaa arimaha la xiriira diintaa isla markaana aad qorsheysaa sidii aad u hor marin lahayd xiriirka kaala dhexeeya Allah.

2. Qorsheyntu waxay u wanaagsantahay reerkaaga. Waxaa macquul ah in sanadkii hore adiga iyo xaaskaaga aad kala fogaateen, caruurtii in aysan wado fiican ku socon. Haddii ay jiraan dhibaatooyin u baahan xal waa in aad qorsheysaa sidii aad meel u saari lahayd arimahaas sanadka cusub.

3. Qorsheyntu waxay u wanaagsantahay shaqadaada iyo waxbarashada. Soomaalida inteeda badan waa shaqo la’aan. hadaba maxaa talo ah? sidee ayaad wax uga badali kartaa xaalada shaqada ee aad ku jirto. In aad cayr ku noolaato mustaqbal ma ahan. Waa in aad qorsheysaa haddii aad u baahantahay waxbarasho dheeri ah, haddii aad ganacsi bilaabayso iwm.

Muhiimadu waa in aad subax kasta soo kacdo adiga oo u jeedo leh. In aad iska soo kacdo oo SFIga aado, ka dibna aad gurigaaga ku soo laabato telefishinka daawato, xoogaa soo fadhi ku dirirto ka dibna seexato waa mustaqbal la’aan.

Waxaad arkeysaa qof ku dhahaaya “anigu SFIga in aan dhameeyo ma doonayo waayo lacagta ayaan u ilaashadaa”!!!!!

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here