Qorshihii dowlada Sweden ay ku bixinaysay sharciga ku meel gaarka ah oo dib u dhacay

8

Qorshihii dowlada Sweden ee ahaa in ay dhaqan-galiso bixinta sharciga ku meel gaarka ah kama dambeys bisha May 31-eeda ayaa dib u dhacay ka dib markii ay waqti u waayeen baarlamaanka Sweden ansixinta sharciga cusub. Baarlamaanka ayaa la filayaa in uu dhaqan-galiyo sharcigaas bisha Juun 21-keeda.

Dowlada ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday in wixii ka dambeeya bisha May dhamaan qaxootiga wadanka iska dhiiba la siin doono sharci ku meel gaar ah oo keliya. Hadda ayaa inta badan qaxootiga la siiyaa sharci rasmi ah. Sharciga rasmiga ah ayaa wixii ka dambeeya marka sharciga cusub la ansixiyo waxaa la siin doonaa dadka xeryaha qaxootiga laga soo qaado oo keliya.

Dowlada Sweden ayaa aad loogu cambaareeyay sharcigaan cusub oo si weyn wax uga badalaya qaabtii ay Sweden u qaabili jidhay qaxootiga sanadihii la soo dhaafay. Sharcigaan ayaa lagu tilmaamay mid ay dowladu ku doonayso in ay ku cabsi galiso qaxootiga in aysan iska dhiibin Sweden. Taasi ayaa waxaa sii dheer in Dowladu ay xuduudaha ka xirtay dadka qaxootiga ah ee aan aqoonsiga wadan.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here