Sida uu noo sheegay C/qadir Shekhuna oo ka tirsan ururka Somaliska Riksförbund ma soo bixin ogolaanshihii ay ku dalbadeen in loo ogolaado dibad bax ay ku qabtaan irida baarlamaanka 4 May saacadu markay tahay 12.00. Gudoomiyaha ururka SRFS C/lahi Maxamed ayaa xareeyay dalabka mudaharaadka 26 April iyadoo ay waqtigaas ku soo aaday fasaxii Påskiga. Sida uu sheegay gudoomiyaha goobta ay dalbadeen in ay ku qabtaan dibad baxa maalinta arbacada ayaa mashquul ah. Arintaan ayaa dhabarjab ku ah ololihii dibad baxa la qorsheynayay in lagu muujiyo shucuurta Soomaalida Sweden.

Qorshihii Mudaharaadka

Sida uu noo sheegay C/qadir Shekhuna oo ka tirsan ururka Somaliska Riksförbund ma soo bixin ogolaanshihii ay ku dalbadeen in loo ogolaado dibad bax ay ku qabtaan irida baarlamaanka 4 May saacadu markay tahay 12.00.

Gudoomiyaha ururka SRFS C/lahi Maxamed ayaa xareeyay dalabka mudaharaadka 26 April iyadoo ay waqtigaas ku soo aaday fasaxii Påskiga.

Sida uu sheegay gudoomiyaha goobta ay dalbadeen in ay ku qabtaan dibad baxa maalinta arbacada ayaa mashquul ah. Arintaan ayaa dhabarjab ku ah ololihii dibad baxa la qorsheynayay in lagu muujiyo shucuurta Soomaalida Sweden.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

12 Responses

  1. Dade says:

    A.s.c.salan kadib jimcale lakin arinta dooda ee barlamanka uu somalida kadodayo meybaqan somaha 4bisha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. amal ahmad says:

    asc walal jimcale hada mabaqday mudaharad kii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. saciid cali says:

    Asc jimcaale kawaran dooda maku jirtaa arimaha somalida cod miyaa loo qaadaa haa iyo maya labadaas miyaa laga sugaa baarlamaanka arintaas iiga soo jawaab sxb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. axmed says:

    waan idin salamay dhamaan walalaha somaliyeed ASC qasatan walalaha somaliska.com ilahay waxaan kabar yaynaa in dhibatada alle naga qaado sidaa ayaa wax kasta awooda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Abshir says:

    Asalaamu Caleykum Dhamaan Walaalaha Soomaaliyeed ee ku wada nool Wadankan Sweden, Waxaan idin leeyahay sida Qeyrka ku jira ilaaheey ha Nawada waafajiyo, Ka soo qaadkana Ilaah ayaa leh, Intii isu qoran wey is arkayaan waqtigii ilaah yiraahdo, Laakiin Dadaalka ma reebana Waxaan idinku waaninayaa Dadaalka ka wada qabta Magaalooyinka oo dhan Xaga Macalimiinta Iskuulada oo u muujiya dhibaatada iyo gacanhayayaasha ceyrtya iyo xafiiska shaqada oo Tusiya inaad tihiin dad dulman, waxaa xun oo keliya inaan iska aamustaan, Marna haka cabsanina Joornaaliiste iyo Raadiye ama Tv u sheega dhibaatada Na wada haysata oo Qaladka ah.Jaaliyadahan ha diyaariyaano shir ay ku kulmayaan Jaaliyadaha Sweden oo dhan, Ayadoo lala kaashanaayo Ururka Isbaheysiga Soomaalida.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. C/risaq Maxamed Xuseen says:

    Salaan dhamantin. Waan ka xumahay in aan lagu guuleysan
    Qorshihii mudaaharaadka baarlamaanka hortiisa laga dhigi lahaa. Balse waxaan dadka soomaaliyeed ee reer sweden aan ku boorinayaa iney maanlinta arbacada ee 4-ta may ay tagaan baarlamaanka gudihiisa, qaybta dhegeageysiga. Qaybtaasi uma baahna waraaq ogolaansho.
    Waxaa ay qaadaa ilaa 450 qof. Qaybta baaritaanka uun baad mareysaa ka dibna waa gudbeysaa. waa irida 3-aad ee baarlamaanka. Anigu waxaa ay ahay macalin iyo siyaasi degan magaalada Eskilstuna. Waxaa aan ku jiraa Golaha deegaanka magaalada. Waxaan aad uga shaqaynay inaan maalinta arbacada ee baarlamaanku doodaayo aan tagno baarlamaanka. Haddana waa tegeynaa, waxaa aan kireysaney Bus weyn oo nageyn doona baarlamaanka. waxaan muujineynaa cabashadeena iyo dareenkeena u wajahan familada soomaaliyeed ee ubadkooda iyo ehelkooda loo diidey iney la midoobaan. Dooda kolka ay dhamaatona waxaa aan la kulmeynaa siyaasiyiin kala duwan oo aan kala hadli doonaa arinkan. Marka walaal hadaad awoodo, nagala soo qaybgal oo aan ku kulano gudaha baarlamaanka. aad bey u fiican tahay haddii dad badan oo soomaaliyeed soo buuxiyaan baarlamaanka si la inoo arko. Hadaad baarlamaanka timaado oo aad dooneysid inaan iskaashano igala soo xiriir telkaan.
    Waa c/risaq Maxamed Xussen
    076-2639949
    Eskilstuna
    Sörmland

    GACMO WADJIR BEY WAX KU GOOYAAN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. abdirashid says:

    asc waa wax laga xumado mudaharadkii oo aan qabsoomin lakin dhib malahan ,ilaahaybaa kheyr inoogu badali doonaa insha alaah ,walalyaal dadaalka meelo badan ayuu wax ka qaban karaa ,xafiis kasta ood tagtaan cabashadeenu ha gaadho ,waxan aaminsanahay hadii aan dadaalo inaan cidna waxba inaga haysan karin,isku duubnimaa dadkayagow duli kaga baxdaa,hala tago meesha doodu ka dhacayso uma baahna shurud aad ku tagi waydo wabilahi tawfiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Fardowsa says:

    GUDOOMIYAHA ISBAHEYSIGA UMADDA SOOMAALIYEED WUXUU SOO HELEY WARQADII OGOLAANSHAHA BANAANBAXA BERI WAXAANA BANAANBIXI KARNAA BERI SAACADU MARKEY TAHAY 11:00 ILAA 12:30 HADII ALLE IDMO GOOBTU WAA MYNTORGET KA SOO HOR JEEDA BAARLAMAANKA KA SOO QEYB GAL WACAN WIXII TAFAASIIL INTAAS SII DHEER WAXAA SOO QORI DOONA MAAMULKA WEBKA SOMALISKA.COM JIMCALAN KA SUGEYNAA

    FAFROWSA SH XASAN KURIYA
    GÄVLE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. saacid says:

    fardowso kuriya adna waa mahadsantahay warkaas jimcaale farwaaweyn haku soo qoro qeybta comentiga kaliya kuma filna, mahadsanid ex. Universal mogadishu rep.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Fardowsa says:

    Saacid adaa mudan walaal jimcale warqad ayaan u direy hada warkaan waa degdeg hada ayaan helnay jimcalana in uu heley ayaan filayaa dabcan wuu soo qorayaa waa runtaa comentiga kaliya kuma filna intaan telefanka ku gaarsiin karana waan u dirayaa iinsha alaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0