Qorshihii sharciga lagu badali lahaa 1 July 2012 oo fashil ku yimid

54

Sidii ay horay ugu dhawaaqeen dowlada iyo Xisbiga Miljöpartiet ee ahayd in ka bilaabata 1-da Bisha July 2012 sharciga wax laga badali doono si loo mideeyo reeraha Soomaaliya ayaa arintaas la sheegay in aysan dhici doonin.

Sida uu qoray wargeyska DN xisbiga Miljöpartiet iyo dowlada ayaa isku mari waayay sidii loo badali lahaa sharciga. Sababta dowladu ay uga noqotay in sharciga wax laga badalo ayaa ah in ay aaminsanyihiin in aan arintaas loo baahnayn maadaama goaankii ka soo baxay Maxkamada Sare bishii Janaayo lagu ogolaaday mideynta reeraha caruurta leh.

Maria Ferm oo xisbiga Miljöpartiet u qaabilsan arimaha socdaalka ayaa sheegtay in aysan ku faraxsanayn sida wax u dheceen maadaama ay doonayeen in xal loo helo arinta mideynta reeraha aan caruurta lahayn, ilmaha la soo korsaday iyo dadka qaangaaray. Arinta badaalada sharciga ayaa hada dib loo dhigay waqti aan la cayimin.

Arintaan ayaa dhabarjab ku ah dadkii sida wayn ugu handhowraayay in sharciga wax laga badalo oo dowladu ay soo saarto sharci rasmi ah oo arintaan si guud wax uga qabanaya.

Xisbiga Miljöpartiet ayaa u muuqda in uu ku fashilmay balanqaadkii ay Soomaalida u sameeyeen iyo wada shaqeyntii ay la galeen dowlada ee arimaha Socdaalka.

Dowlada talada haysa ee uu horkacayo raysal wasaare Fredrik Reinfeldt iyo wasiirkiisa socdaalka Tobias Billström ayaa u muuqda kuwa isku dayaya in ay caqabad kasta hordhigaan sidii loo yareyn lahaa qulqulka Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here