Qoysas badan oo la mideeyay iyo qaar badan oo diidmo laga safay [Video]

Bilihii la soo dhaafay ayaa wadanka Sweden waxaa soo galay Soomaali badan oo lala mideeyaymigrationsverket-somaliska reerahooda kuwaasoo ku yimid ka dib isbedelkii lagu sameeyay arimaha mideynta sanadkii hore. Dadka wadanka soo galay ayaa u badan caruur iyo waalidkood, iyadoo hada ay farxad iyo daamaashaad ku jiraan dadkii la mideeyay.

Laanta Socdaalka ayaa horey u sheegtay in muhiimada la siinayo dadka caruurtooda qaangaarka ku dhowdahay balse arintaas ayay dhacday in marar badan ay gees mareen iyadoo la arkay caruur lala sugay intii ay ka qaangaarayeen ka dibna diidmo loo soo tuuray dhowr maalmood ka dib markii ay buuxiyeen 18 sano. Arintaas ayaa u muuqatay mid si kas ah loogu yareynayo tirada Soomaalida imaanaysa wadanka.

Dhinaca kale waxay soo saareen shuruudo qarsoonaa oo markii hore aan la shaacin sida in dadka qaar lagu xiray in ay 2 sano horey u wada noolaayeen inta aysan Sweden imaan, shuruudaas ayaa keentay in tiro aad u badan oo ka mid ah dadkii dacwada xareystay diidmo laga safay. balse waxaa wali jahwareer ka jiraa qaabka ay wax ku go’aamiyaan maadaama aan aragnay dad aan labo sano horay u soo wada noolayn oo iyagana ogolaansho la siiyay. Arinta ayaa waxay u egtahay qof waliba nasiibkiis iyo cida go’aanka ka gaadha.

Migrationsverket ayaa sanadkii hore sheegtay in ay filayaan in Sweden ay keeni doonto 27.000 oo Soomaali ah balse arintaas ayay hada cadaatay in aysan sax ahayn iyadoo tirada markii dambe lagu sheegay 8.000 hadana aysan u muuqan xitaa in kala bar tiradaas la keeni doono. Tusaale magaalada Växjö ayaa waxaa ilaa hada soo galay 80 qof.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in Migrationsverket iyo Kamuunada ay si qarsoodi ah ugu heshiiyeen in la daahiyo ama la yareeyo tirada Soomaalida ee imaan karta wadanka. Sidoo kale, tooshkii horey ugu daarnaa Soomaalida ayaa hada u muuqda mid u wareegay dhinaca Suuriyaanka, iyadoo hada saxaafada Sweden ay ka hadlayaan arimahooda. Arintaas ayaa keentay in aysan jirin cid u dooda Soomaalida loo diiday familkooda maadaama aysan saxaafadu muhiimad siinayn.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

71 Responses

  1. ismacil says:

    asc.dhammaan dadka ku xidhan somaliska waan salaamayaa.meel kastoo ay joogaan.waxaa kaloo jirta in soomaalida ay jaraynayaan wadankan isweden dadka dumlanka ah ee sharciyo kale wadamada yurubta ka haysta ayay sharciga isweden siiyaan oo aan ahayn soomaalida dadka kale ee soo galootiga ah .markaa soomaalida ayay diidan yihiin.waxaan leeyahay soomaalidu ilaahay ha u noqdeen oo ilaahay ha baryeen wadankoodana ilaahay nabad raagta oo yurubta lagaga maarmo ilaahay ha ka dhigo.aamin aamin insha.alaa khayr ayaa xigi doona waad salaamantihiin dadka soomaaliyeed by by

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 2

  2. Dadka 2 sano says:

    sc aniga waxaan ka mid ahay dadka shuruuda labada sano eey quseeyso ninkeyga wuxuu ka xreeystay itoobiya ka dibna markeey balantii kasoo daahday wuu isaga tegay hada wey waceen oo balan ayeey u dhigeen ma aadin ka dib dhowr jeer ayey waceen ma uusan ka qabanin ka dib safaarada itoobiya aniga ayeey isoo wacday oo waxaan ku iri waad kasoo daahdeen oo wuu xanuunsaday oo soomaaliya ayuu aaday oo waxaan ka dalbaday ineey bil kadib balan isiiyaan si uu u imaado waxeey i dhaheen mushkilo maleh waqtiguu imaado safaarada hala soo xiriiro ok ayaan ku iri bes tan runta ah ayaa waxeey tahay ninkeyga leen ayuu helay marka waxaan ka cabsanay intuu aado oo hadane diidmo lasiiyo sidaas daraadeed maba rabo inuu aado marka waxaan rabaa inaan ogaado haduu sweden imaado malaga yaabaa ineey sharciga siinaayaan mise soomaali oo dhan lama qaabilo hada aniga sharci ayaan leeyahay oo bayb ayaan u haayaa walaalayaal qofkii fikrad iiga siin karo waad ku mahadsan tihiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. asc says:

    Asc Jamac walal sigel ilmo isku dhalin lakeenay ma argtay mise maqashay ii soo jawaab walal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. OMAR says:

    GABADHA LEH SAFARADA AYAA NINKEYGA WACDAY WAN FAHANAY LAKIN MA SHEEKIN SIDA UU KU I MAANAAYO NINKEDA SWEDAN MA BADA AYUU SOO MARAA LIIBIYA MISE DACWAD AYUU KU I MAANAYAA SWEDAN MIDAA SOO QEEX HUUNO SI LA KGU JILCIYO

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. OMAR says:

    GABADHA LEH SAFARADA AYAA NINKEYGA WACDAY WAN FAHANAY LAKIN MA SHEEKIN SIDA UU KU I MAANAAYO NINKEDA SWEDANJILCIYO MA BADA AYUU SOO MARAA LIIBIYA MISE DACWAD AYUU KU I MAANAYAA SWEDAN MIDAA SOO QEEX HUUNO SI LA KGU

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  6. xasan says:

    ASC dhaman umada muslimimt gar ahan somalid walal waxan doonay inan ogaado in dadkii singel haa sas lagu diiday oo iyag dadkood lom kenayo waxan see rab inanan xiidhiidhno wixii singel oon is waraysan tel kagan idiin soo qoray ial soo xidhiidhe 0736566908 hayan kal war qadano isla xiidhiidhno

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  7. yusuf says:

    asc gabarta dhahday ninkeyga leen ayuu helay haduu imaado sweden asoon faro loogaqaadin Yurub waa ok markaas
    waxad sameyneysaa in aad wado adiga oo aad ushegto migrtionsverkett in uu yimid wadanka ninkaaga waxaadna uqoreysaa waxaad horay usheegay sida magaca aad uqortay sanadka
    waxaa lagayabaa in ay ufududaato insha Allah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  8. Dadka 2 sano says:

    waad mahadsan tahay walaal yuusuf macluumaadkaad isiisay walaal omar sow kuma soo qorin wuxuu ku imaanaayaa leen ma waxaan kuu sharaxaa leenka uu ku imaanaayo mise? muhiimada waa suáasheyda walaal adiga oo mahadsan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  9. Abdiqadi says:

    asc sidaat u dhatiheen umada soomaliyeed jimcaaloo waxaan rabay in ad wax igaaga sheegto caruurte lasoo korsaday maxa laga dha hay warbixentooda xagee ku dambeysay mahadsaned

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  10. mustafe says:

    ASC DADKA 2SANO MAANTA WAXAN BOOQDAY MIGRATIONVERKETKA SI AAN WAX UGA WAYDIIYO DIIDAMADAN DADKA LAGU TAXAY SHAQAALIHII WAXAY II SHEEGEN IN AANU JIRIN WAX SHARCIYA OO GO,AANKA KA YAALO WAXAYNA IGU SOO GAABIYEEN HADAL WAXA LAGUGU QIIMAYNA KOLBA KIISKAAGU SIDA UU YAHAY EE ARIBKA GACANYARAHAGA AYAA GO,AANKA ISKA LEH IYADA KALA HADAL MARKA WAXA U FAMAY UUN IN SOOMALIDA LAGU DHIBAYO MARKAA INSHA ALAAH HAWSHAN YAAN LA DHAYALSAN AAN IS XIDHIIDHNO MUDAHAARD SAMAYNO HADII ARINKAN WAX LAGA BADALI WAAYO WAA LA BADAN YAHAY HADA

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  11. hanad says:

    dhamaan walalaha somaliyeed ilahay baa horta waxkasta haya bini adam waxaba inoma hayo marka ilahay aan talo sarano dhibka waa ina wada hesta lakin ale oo talada saarano uun kaga badbadi karaa isha allaah wax aynu kufaraxno rajenaana

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

  12. hanad says:

    DHAMAAN WALALAHA SOMALIYEED HORTA ARINTA 2SANO WAA HADBA SIDA YELAAN MARKA BAL ILAHAY AYNU ISKUXIRO USAGA WAX WALBA INO HAYA BI ADAM WAXBA INOMA HAYO MARKA ISHA ALLAAH WAR AYNU KUFARXANO DHAMAANTEEN RAJENAYNAA

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  13. Sihaam says:

    WAA SAX WAXEY KUUGU SOO GAABINAYAAN HADBA KIISKAADA SIDA GO AAN LOOGA GAARO AYAY KU XIRAN TAHAY IYO GACAN YARAHAADA . ALLA AYAA KA AWOOD BADAN QOYSKU MA KALA NOOLAAN KARO AYAGANA WEY OG YIHIIN . ALLA HANOO FUDUDEEYO.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  14. hanad says:

    SIHAAM JAWAAB MAHESHAY ADIGU ANI MALIN DHOWAYD BAA WACAY WUXU IYIRI 2 ASBUUC ILA 3 BAAAD JAWAAB IGA HELAYSAA ANA OK BAAN IRI ISHA ALLAAH WAR KUFARXO KA RAJENAYAA

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. allaamin says:

    asc dhamaan akhyaarta niyada khayr u sheega waxba ma xumanayaaaan insha alah kuwiiii diiidmada helay allah ha uga soo fudaydiyo kuwa jawaaabta sugayana alah war ay ku farxaaan ayaaan u rajaynayaaaa fadlan fikradaha is waydaaarsada iyo waxyaabaha sooo kordha wada xidhiiidha asc

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  16. Sihaam says:

    MAYA WALAAL HANAD WALI JAWAAB MAHAAYO WAA SUGAYAA WAX KHEYR QABA IN SHA ALLAAH.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  17. nur says:

    wan idin salamay dhaman asxabta ku xiran webka somaliska.com waxan halkan ushegayaa dadka didmada hesto oo lagusiyay 2sano mawada nolen rerihina cml oo maxkamada lodiray. marka waxan arkay 2 rer oo maxkamada ogolasho sisay marka anigane idinlamid ayan ahay waxan rajeyna bishan ama bisha kale inan helno ogolasho insha allah

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

    • Abdullahi says:

      nuur walaal waxad sheegtaa meel aan kaala soo xiriiri karo aniga waxaad igala soo xiriiri kartaa makaran6@hotmail,com walaal arinkaan aad ka dhawaajisay waxaa laga furi karaa dacwad dadka oo dhan caawisa waxaan hayaa loyaro u diyaar ah arintaas iyo shaqaala migrationka qaar ka mid ah oo sugaaya go aanada maxkamada marka walala h adhayalsan fadlan ila soo xiriir
      mahadsanid

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  18. Abdullahi says:

    Nur waad mahadsantahay bro . sxb anbo bisha xigtaa jawabti rajeynaya aan iska warqabno . telkadai soo qor sxb saan isaga warqabno.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Dääde,yare says:

    ASC/oll,walalaha somalayet’salan,kadib sidu,hore inogu shegayba,walalken (,JIMCAALE,) boga,somaliska.com umashaqeyo arimaha socdalka,kaliya, e arimaha bulshada kama marna, hadaba, waxan idin sogudbin dona nuxur yar o kusabsan arimaha walalken’jimcale aya inoso fahfahin dono, hadu’uhelo fursad, taso ah,, waxad ogatan in u sharci kanoqon dono sweden ruxi hesta ama isticmala kubuyutar,ama labtob, u kuqasbanan dono lacakta,TV,leysanka loo,yaqano,asago kadawankaro barnamijyada, ka baxa TV,GA,SVT,isla kumbuyutarkisa hadi udhibin,na lagajarayo qadka,asc?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  20. Amin says:

    To. Hanad and Siihaam. Walaalayaal aniga shalay ayaan helay taleefoonka xaakinka maxkamadda racfaanka ee gacanta ku go’aanka ka gaarayey codsigaygii racfaanka. Waxa ay ii sheegtay in Khamiistii ay go’aan positivt ah ay ka gaartay Kiiskeeygii sidaas darteedna ay ku gacan sayrtay go’aankii laanta socdaalka oo ahaa in ay igu xireen muddo yar ayaad wada nooleydeen. Waxa aan waydiiyey ma suurto galbaa in Laanta socdaalka ay ku qanci waydo go’aankaaga. Markaas ayey igu tiri ”taas badanaa ma dhacdo mana filayo hadda in ay igu soo celiyaan sababta oo ah Maxkamadda wixii ay dan u aragto iyagana way ku qasban yihiin sidaas darteed aniga waxaan ku dooday in cunugtaada ay xaq u leedahay in ay hesho labadeeda waalid sida cunug kasta ee sweden ku nool. Taas ayaa aniga muhiimad ii leh ayey igu tiri. DNA ayaa xal ah ayey igu tiri maadaama maxkamadda socdaalka ay soo rogtay sharciga DNA si loo xaqiijiyo xiriirka qoysaska Soomaalida. Adigan kuwaas ayaad ka mid tahay ayey igu tiri. Ugu dambeytii waxay igu jawaabtay in aan waco Migrationverket ka si aan u ogaado waxa ay ka dhahaan go’aanka maxkamadda. Hadii aadan wiciina dhib ma leh oo waxa ay koo soo dirayaan warqad kuu sheegaysa waxa laga rabo.. Marka saaxiibayaal aniga waxa aan dacwadeydii ku qoray in dheecaanka DNAga aan laga qaadin reerkayga iyo aniga sidaas darteed ay xaqdarro tahay in la igu xiro 2 sano aniga oo dhalay cunug 1 iyo bar jirta. Marka waxa aan saxiibada nala midka ah u sheegayaa in sheekadu aysan aheyn sharic jira ee ay tahay qorshe lagu kala hakinayo Soomaalida sidaas darteed dadka labada sano arrintooda rajo ayey leeyihiin. Inshalh kheyr ayaan ka rajeynayaa in aan ka helo migrationsverketka.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  21. Sihaam says:

    AMIN , AAD AYAAD U MAHAD SAN TAHAY WAA WAX LA FAHMI KARO ALLA HAKUU FUDUDEEYO . WAA WAR WANAAGSAN MAA SHAA ALLAAH.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  22. hanad says:

    amiin dna maba adan marin miyaa adiga bro anaga dhiga waanaga qadeen jawaabta sugeena arinta 2sano waanahay marka dhamaanteenba wax khyr qaba rajenaynaa isha allaah warbixitaadana aad baa ugu mahadsantahay bro aynu iska warqabno qofkasta wixi laso kordha ha soqoro isha allaah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  23. jimcaale xaayow says:

    walaal waxa lay dhaha sumanyo waa salaamantihiin walaal waxan idin weydiina dadka hada loo sameyey abukaataha oo ah dadka sharciga sugaayo maxa loo malayn kara abukaataha ma fiican yahay mase waa madadaalo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  24. Amin says:

    Siihaam iyo Hanad idinkaa mudan walalyaal. @Hanad walaal aniga iyo reerkaygaba mid koodna ma marin DNA. Aniga waxa aan ka buuxiyey codsiga internetka. Meeshii aan ka sugaayey in aniga iyo reerka noogu yeeraan qaadidda DNA ayaa naloo soo riday jawaab diidmo ah. Marka saas ayey aheyd. Waan iska warheynaynaa wixii soo kordho.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  25. Abdullahi says:

    Amin masha allah bro waa kheer waana warbixin fiican rajo na wada gelineeso. kuligeeyn niyada kheer haloo sheego waa guleeysan doonn. sxb emailkaada ma noo soo qori kartaa saan isku wareesano. mahadsanid.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. mustafe says:

    TO AMIN SXB MAANSHA ALAAH WARBIXIN FIICAN BAAD NA SIISAY INSHA ALAAH DHAMAANTAYO WAA POSITIVE SXB SUAAL BANA RABAY INAAN KU WAYDIIYO MAXKAMADA AAD RACFAANKA KA XARAYSAY WAA MAGAALADEE IMISA AYAADSE JAWAABTA KA SUGAYSAY MAXKAMADA . TA LABAAD MARKAY MARKII HORE DIIDMADA KU SOO DIREEN MA WAXAY KU DHAHEEN XAASKAGA WAAN DIIDNAY OO ILMAHA KU OGOLNAHAY MISE DHAMAANTOODBA WAAN DIIDNAY AYEY KU DHAHEEN WAA MAHADSAN TAHAY WIXII CUSUB AAN KALA WARQAADANAYO ANAGU WALI JAWAAB SUGAAN NAHAY

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  27. amina ladan says:

    asc asxaabta walaalaha meel kista aat joogtaan duhurnimo wanaagsan waan ku farax sanahay in aan saas isku soow ada gudbino danaheena ana waxaan idiinla mid ahay 2 sano oo imikadaan jirta maxakamda maalmoo marka insha alaah qeeyr hanad hanad wiilka wata walal adigu ma diidmo miyaat heesataa mise migrationsverketka ayaat jawabta ka sigeeysaa? mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  28. axlaaam says:

    walalayaal waan idin salaamay ugu horayn ASC salaan ka bacdi walayaal aniga waxaan ahay qof waqti dhowayd xeraysay dacwad dhanak internaydka marka waxaan idin weydiinayaa 2 sano ma waxa la rabaa iney dhamaystirantahay mise ahdii bil ka dhimantahay waa ku qabana xeerkaasi dhanka kale dacwdaa internaydka laag xereeyo weli ma jirtaa cid ogolaansho ku heshay walayaal iga jaahil bixiya idinka raali ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  29. hanad says:

    AMINA LADAN WALAALO ANIGA JAWAABTI BAA SUGAYA WALI MALIN DHOWAYD BAA WACOO WUXU IYIRI 2WEEK KADIB WAAHELAYSAA JAWAAB MARKA ISHA ALLAAH WIXI SOKORDHA WAA IDINLA SO SOCODSINAYAA ISHA ALLAAH

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  30. Abdilqadir says:

    Waad salamantihin dhamAntiin. Walalayal waxaan aniga kuxereeyey internedka wax jawaab ahna ma hayo 2bilood ayaa kasoo wareegtay dacwadana waxaa ka xereyey adis xaaskayga oo jooga iswedanna waraaqa ayey internedka ugu direen weli jawaab ma helin hadii aan la xiriiray qaybta makarayshan waxay igu yiraahdeen waxaa dacwadaadib loo gudbiyey. Qaybta dhiiga marka talo ayaan idinka baahanahay walalayaal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  31. qamar says:

    walaal amin waa arin lagu farxo ,laakin su,al adiga xaaskaaga ma horay ayaad isku sheegateen mise waad soo guursatay. mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  32. ali says:

    asc dhamantiin salan ka dib walalayalow anigu waxan ahay nin mar dhaw dacw fuday oo sanadkii 2012 ayan saax so guur saday marka hada xaskii waa xaamilo ilmihii ugu horee yay marka xeerka 2 sano ayan maqlay in dadka lagu qiray marka 2 sano ma in aan is qabsay inta anan iman sveriga ayaa mise markii aan isguur sanay aya lag soo bilabayah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  33. mustafe says:

    to ALI asc WALAAL WAA INAAD 2SANO LA SOO NOOLAYD INTA AANAD SWEDEN IMAN AYEY U JEEDAAN MARKAA WAA WAX AY ISKA SAMAYTEEN LAAKIIN XAL WAA IMAN DOONA ADIGA HA NIYAD JABIN KU DADAAL DACWADA IYO INAAD BARNAAMIJ FIICAN HOR DGIGTO ILMAHA IYO LABA WAALID MA KALA MAARMAARMAAN TAAS MARWALNA CULSYAKA KU SAAR QOFKA KIISKAAGA GACANTA KU HAYA WIXII CUSUBNA KOLAY WAAN WADA SOCON DOONAA

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  34. xamdi 2sano says:

    asc walaalaha somaliyeed waan idin wada salaamay salaan kadib aniga ninkeyga oo joga swiserland ayaan halkaan dacwad ka xareestay isaga uu joga swedhan markaa waxaan lenahay hal canug waxaana isqabnaa 3 sano lakiin waxaan is sheganay 2012 iskatka 2011 ayaan u sheegay in uu dhalay canugan marka waxey nogu yereen inter fiyuu markaas ayeey waxey na tiri waxaa idin qabtay go aan ah labada is qabta wadanka banaankisa 2 sano iney kuwada nolayeen waxaa naloqabtay avokat waxuu naga qaaday wareysi mida labaad waxey kaloo yirahden wax somali nimadada cadeynayo ma heyno marka aqyaarta wixii nalamid ah fadlan hadii aad kaheyso war bixin aan kala warqaadno asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  35. Sihaam says:

    Xamdi arrintaas waa midda aan mar walba iska waraysano oo hadal haynteena ah , dad badan oo kula mid ahna waa jiraan oo aniga aan ka mid ahay in kastoo aan wali jawaab hayn haddana wey jirtaa 2 sano oo wadanka dibadiisa in lagu soo wada noolaa ah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  36. layla says:

    wiilkan amiin ah arinkiisa waa wax wanaagsan illaahna hakaaga soo qaado bro anagana illaah hanoosoo yasiro wixii aan kasugeyno oo kheyr noo leh midda kale maxkamada aa wacdey makiiskaaga heesey lambarkiisa illeen qof kastaa wuu iska wici karaa maxkamada laakin wax horta lagu weydiinaaya waa lambar marka haduu lambarku yahay midka megreshinka aa ku leedhahay waa ok anigana baraan isku tijaabinaayaa insh aallh aniga wali jawaab suge baan ahay waxaana racfaanka direy november walina jawaab mahaayo koley kheyrbaa sugaayaa insh allaah…

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  37. Abdalla says:

    Asc dhamaan asxaabta qaaliga ah bacdal sln aniga october 3/2012 ayaan racfaanka maxkamada u celiyay lakiin wax jawaab ah ma ahyo marka layla abaayo inshaa allah wixii daaha ayaa kheeyrku ku jiraa ee aan ALLE tala sarano iskana sugno inshaa allah jawaab wanaagsan ayeeynu alle ka sugeynaaye.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  38. cali says:

    to -amiin
    sxb amiin waa maxkamadee maxkamada goaanka kaa gaartay fadlan waa mide noo soo sheeg mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  39. somali dhaba says:

    asc soomaliyeey qaasatan kuwa swedan jooga walal wadankii waa nabad isagaana idiin baahan fadlan soo noqda caruurtan hanaga fagaynina ceyr iyo cariiri malaha halkaan waa wadankiinii oo idiin baahan SOMAALIYA WAXAY SUGAYSAA SOOMAALI not ithopai ama kenya,ugandha.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  40. somali dhaba says:

    anigu waxaaan deganaa swedan waana kasoo guuray mana laga yaabo inaan ku noqdo alxamdulilaahi anoo faraxsan ayaan seexdaa soona toosaaa,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  41. amina ladan says:

    mansha alaah TO SOMALI DHAB AH walal baskee heeysataa adigu kan yarse ma ku guuri karaa waanba ka guuraa meeshaan waanba ku wareeree jawaab baasa boorka aat heeysato ii soo sheeg mase ku guuri karaa kan yar ayaanheeystaa yee

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  42. kooshin says:

    2 sano wa ariin nooc kale ah lakin just waxaa hada aay wadan in lagu xiiri doon qofkastoo ah inuu uu dacwoodoo qoyskiisa singal ahaan iyo carurutiisa inuu shaqeeyoo hadii kale laba daba wa wa ku adkanee hadanuu shaqeen marka its normal

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  43. madiino says:

    asc dad badan ayay diimo siiyeen aniga xataa waan ku jiraa ilaah ayaa joogo hanooga soo qaado wax noo dooda ma lihinee waxay nugu heestaana ma naqaano waxaan ka codsanaynaa soomalida nxuquuqda taqaano inay arintaass daba galaan oy saxaafada u soo jeediyaan wcs

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  44. Khalid says:

    asc dhamantiina sida aan u dhantihiin walalyal alx xaasgeyga oo halsano ii bar aan qabay ayaa la ii keenay sweden aad iyo aad ayee u mahasan yihiin wcs

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  45. qamar says:

    aamiin walaal soo jawaab

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  46. hanad says:

    khalid bro marki hore ma kushegeen ina xaskaaga la noleed wax kayar 2sano taas iga so jawaab

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  47. layla says:

    walaalyaal horta salaan hanad walaal wali wax jawaab ah miyaad heshey walaal bal nala soo socodsii sibuucaan hadey jawaab kusiiyaan anigana sidaas oo kale mahaayo jawaab …… walaalha dhahaayo wadankiina kahadla ama usoo laabta horta walaalyaalow wadankeena waa muqadas mana kamaarano habeen iyo maalin kaas waa howgeena dhabta ah illaahna hanagu celiyo angoo caafimaad qabno aaamiiin midda kale cid neceb malahan ee meshaan waxaa iska adag qof kaligiis suu unoolaado oo awlaad kali uheesto hadaad tahay hooyo ama aabe kali ah aduunkana qof kastaa wuxuu ku qurxoonyahay laamnihiisa inuu nolosha laqaybsado ciyaalkoodana wada xanaaneystaan ee illaah hanoo yasiro aaamin……. bal aan warka kala helno oo iskusoo tabino dadka qaar qoraalkooda wuxuu u egyahay waxaan hubaal eheen ee wixii dhab ah aan iskusoo tabino nabadeeeeey…………

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  48. mahamed amiin says:

    akhyaaarta idin meeee baryahan idinma hayeeeee maxaa cusub hanad, mustafa, sihaaaam,idinmeeeeee maxaaa cusub

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  49. hanad says:

    Layla wixi iga so kordha walalo waa idinla so socodsinayaa isha allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  50. Sihaam says:

    MAXAMAD AMIIN , WAA JOOGNAA WALAAL WALI WAX MAHAAYNO . WAX KHEYR QABA IN SHA ALLAAH WAXAAN WAR HELO WAA IDIIN SOO GUDBINAYAA IN SHA ALLAAH.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  51. Abdilqadir says:

    Waan idin salamay gaar ahaan hanad iyo siham walaalayaal waxan rabay in aan su aal udin waydiiyo aniga adis ayaan joogaa dacwadayda waxaan kuxereyey internedka. Xaaskayga oo isweden jogta ayey warqar udireen wayna ka jawaabtay 2bil kahor wax jawab ahna weli ma hayo hadii ay la xiriirtay qaybta makareshanka waxay ku yiraahdeen dacwadada waxa loo gud biyey qaybta dhiiga fadlan talo iga siiya arintaas

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  52. Sihaam says:

    ABDULQADIR, WALAAL DACWADA INTERNETKA LAGA XAREYSTO WAA MID KA JAWAAB FUDUD DACWADA KALE INTA AAN ARKEY DHAQSO AYAA GO AAN LOOGA GAARAA. LAAKIIN WAXAAN KU WEYDIIYAY SIDA AAN U FAHMAY XAASKAADA IYO ILMAHAADA AYAA SWEDEN JOOGA . ILMAHA DNA MALAGA QAADEY MISE SIDEY KU YIRAAHDEEN QEYBTA DHIIGA AYAA LOO GUDBIYAY . MAHAD SANID

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  53. layla says:

    salaanakhyaarta dhamaan walaalkey c\qaadir waxaa laga yaabaa in ey qofka kiiskaaga heeso ey wanaagsantahay waayo aniga iyo ilamahaygaba waxaan joognaa sweden aabihii ilmaha markii lagasoo qaadey DNA ga oon anaga sugeyno in naloosoo diro DNA ga cunuga laga qaadaayo baa diidmo noosoo dhacdey marka walaalow adigana iyagoo DNA ba marin hadii borofki adi lagaasoo qaadeylee loogu diro iyagana waxaan qabaa howshaada waa ok oo waasocotaa insha allaah niyada kheyr usheeg anagana kheyr illaah noo weydii dhamaanteen aan isku duceyno………….

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  54. Abdullahi says:

    To abdulqadir bro sidaan u fahmay reerkaada qeeynta Dna ayee sugayaan iyo xooga interviyuu ah.waa ok hooshaada sideey ku socoto allah ku fududeeyo inta dhiman. adiga miyeey kaa qadeyn Dna mise weli , meeqa sano ayaad wada noleeydeeyn ?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  55. Abdullahi says:

    Asxaabta 2 sano yaa jawaab helay beryahaan. aan isku soo duceeyna warbixintana aan is dhaafsano.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  56. Abdilqadir says:

    Waad salamantihiin siham iyo laylo iyo abdulaahi waad mahadsantihiin talooyinka aad isii seen. Aniga iyo ciyaalka adis ayaa wada joogtaa xaskayga ayaa isweden joogta aniga dna. Weli ma iga qadin waxay dheheen qaybta dhiiga ayaa dacwadaada gacanta ku haysa marka weli uma yeri xaaskayga waxay yiraahdeen waanu kuu yeeri doonaa dhamaanteen insha alah waxaan inoo rajaynayaa in wax walba ilaah inoo fududayyo. Abdulaahi labo sano kabadan ayaan wada noolayn. Wall. Ilaahay wax walba ha inoo soo fududayyo insha alah idinka alaha wax walba idin fududayyo wadna mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  57. Sihaam says:

    OK CABDULQADIR, HADDA AYAAN KU FAHMAY MARKA ADIGA NAGU MID MAAHID OO WAXAAD LA MID TAHAY DADKA HADDA LAYSU KEENAAYO EE AAN 2 SANO QUSEYNIN. ALLA HA NOO SAQIRO DHAMMAANTEEN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  58. mustafe says:

    ASC AKHYAARTA 2SANO WALAALAYAAL ANIGA JIMCIHII WARAAQ BAY II SOO DIREEN MIGRATIONSVERKETKU ANIGA JAWAABTOO MOODAYA AYAAN WARAAQADII FURAY WAXABA KU QORAN 5SUAALOOD KA SOO JAWAAB NAAGTII KIISKAYGA GACANTA KU HAYSAY AYAAN WACAY MARKAASAY IDHI JAWAAB BANA SUGAYEE WAA MAXAY SUAALAHAN WAXAY IGU JAWAABTAY KIISKAAGA WAA CULUS YAHAY 1SANO AYAAD XAASKAAGA WADA NOOLAYDEEN INTA SWEDEN IMID HADANA WAAD KU LAABATAY ILMO KALAA KU DHASHAY MARKAA SUAALAHA KA SOO JAWAAB KIISKAAGA WAXAN U GUDBINAYAA QAYBTA UGU SARAYSA MIGRATIONKA IYAGA GOAANKA KA GAADHAYA MARKAA BAL SOO DUCEEYA WIXII CUSUB PLZ HA LA ISLA SOCODSIIYO

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  59. Sihaam says:

    MUSTAFE, WAA MAXAY MARKA 5TA SU AALOOD OO AAD KA JAWAABAYSO MAKUU SOO QOREEN.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  60. Abdilqadir says:

    Mustafa alaha kuu fududayyo wall insha alah sihaam waxaan maqlay. Reeraha la midaynaYo shaqo ayaa qofka lagu xirayaa maxaa ka jira arintaas mase soo socotaa in la dhaqan geliyo wad mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  61. hanad says:

    abdiqadir taas lama dhaqan galin sxb waa iska sheeko ma fahantay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  62. hanad says:

    MUSTAFE BRO ILAHAY HA INOGA SO WADA FUDUDEYO WAX KUWAYDIN LAHAA SU ALAHA SHEGAYAAN MARKA WAA MAXAY BRO BAL TAAS NO SO FAHFAHI ADO RAALI AH

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  63. Abdilqadir says:

    Hanad wad mahadsantahay wall ilaahay kuligeenba ha inoo fududayyo waxkasta oo aan jecel nahay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  64. layla says:

    walaal c\qaadir maiisoo sheegi kartaa mudada aad sheegataan inaad soomaliya kuwada noleedeen intaadan kalasoo tagin anigaba 2 sano kabadan yacnii dhowr biloodbaa ii raacsan 2bada sano diidmana waa laisiiyey walow aabaha kaliya uu joogo afrika oo ilamha iyo anigana aan sweden joogno midda kale waxay aad u xiseyaan waalid iyo ilmo horey nolol usoo wada qaate kuwaas waa laisku keeney hal ilmo xataa haduu yahay oo awal intuun waalidku sweden imaan ey lahaayeen laakin wixii gadaa kaimaadey baa dhib kajoogaa allaah baa jiro walina wax jawaab ah mahayno wiilkii maxkamada lahadley walaal telka maxkamada nasoo sii aan laxiririno anagana hadaad awoodo. koley kiiska meeshuu maraayo leen weydiin lahayn….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  65. Amin says:

    Layla mahadsanid walaal. Allaha noo wada yasiro amuuraha. Lambarka kiiskaaga maxkamadda ayaad u sheegaysaa marka aad maxkamdda wareysanayso- @Ali sxb waa Maxkamadda Stockholm. Aniga waxaa la igu soo celiyey migrationska si ay DNA uga qaadaan qoyskeyga lkn migrationka wali war ima soo siinin. Markaas ka dib ayey hadana migrationska go’aan kale ka gaarayaan kiiskayga kadib marka DNA ga la qaado. Kheyr baan inoo rajeynayaa dhamantiin wan idin salamay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  66. abdulqadir says:

    waad salamantihiin dhamantiin aniga wax jawaab ah weli ma helin insha alah wax wanagsan ayaan sugaynaa layla wall anga waxaan qortay in aan wada noolayn 8 sano waayo ilmahayga ugu wayn ayaa jira 7 sano marka waxaan filayaa in aanay arinta lama sano iqabanan sihaam iyo hadan iyo laylo ma iisheegi kartaa qof internedka ka xerayey inta wakhti uu qaaday inta dhiiga loogu yeeray waad mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  67. Abdilqadir says:

    Alaha kuu fududayyo wAll mustafe. Iyo dhamaanteenba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  68. Abdilqadir says:

    Alaha kuu fududayyo wAll mustafe. Iyo dhamaanteenba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  69. Deeq says:

    asc ,dhamaan waan idin salamay walalayal waxaan ahay qof hada sugaayo jawaab oo dhiigii waan marnay labada dhinacbo .
    marka anaga waxaan isguursanay 2007/8/20kedii soomaliya ayana isku guursanay waxaana ka soo tagay 2009/11/4dii
    marka malaga yabaa inuu i qabto xeerka 2da sano ah
    mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0