Quraanka aduunka ugu yar [Sawiro]

Sawiradaan waa Quraanka aduunka ugu yar oo lagu sheegay cabarkiisa in uu yahay 2.4cm. Kitaabkaan ayaa waxaa haysta nin u dhashay dalka Lubnaan oo haysta rikoordka Quraanka aduunka ugu yar.

Daawo Sawirada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

17 Responses

  1. Qalad ayaan u arkaa says:

    waa Qalad in qof Quraanka kariimka uu sameeyo isaga oo raadinaayo si uu ugu biiro guinness recordbook shame of him/her qofka arintaan ka dabeeya

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 1

    • Jimcale says:

      Isagu ma samayn waxa uu ka dhaxlahay awoowgiis sida uu sheegay.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

      • Hooyo somaliyeed says:

        Laakii Jimcaale sow kama qurux badnayn ayadoo ladhaho.”Kitaabka aduunka uguyar”. Halka qoraalku yahay. “Quraanka aduunka uguyar”. Waayo quraanku waa quraan oo makala yara! Ee waa kitaabka ama Daftarka iyo farta uu kuqoranyahay waxa kalayar…
        Mahadsanid.

        U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  2. Axyaawadani says:

    Sheekadaan waxay i soo xasuusinee , dhacdo 2003 aniyo Macalinkeeyga Quraanka na dhexmartay.

    Gabar aan abti u ahaa ayaan kasoo qaatay Kitaaaab aad u yar , runtiina si TOOS ah uma arag kitaab ka yar (Kan sawirka marka laga reebo).

    Markaan cashirkii ka baxay , ayuu Macalinkii i yiri lasoo bax KITAABKA siyaan cashirka cusub kuugu meeriyo .Markaa ayaan KITAAB gacmaheeyga ka dhexmuuqan lasoo baxay , macalinkii uma jeedo waxaan gacanta ku haysto , markoow dhowr mar i yiri AAWAY kitaabkaagi , ana leeya waakan , isna u jeedin , ayuu markii danbe arkay waxyar oo gacanta ku HAAYO ..Markaa ayuu Dhoowr ulood oo xanuuna igu dhuftay ,

    maanigaaba isugu dhowaaday KITAAB YAR wixii maalintaa ka danbeeyay.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. Catoosh says:

    Da dhiba hadu quranka kukobnado aalad yar?maye hadiba quranka aan ayad ama surad lagatagin qofkana u akhrin karo maxa kujaban waxanba leyahay qofkas wanag ayu sameyay,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Jabril says:

    TO”JIMCALE, walal ado rali’ah gorma shaqada lagusonoqonaya o ey gamunada shaqobilabayan ado raliyah mahadsanit

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. Siikaawi says:

    Sc way fiicantahay in aasaarta la ilaaliyo, marna ma fiicna in qofka niyaddiisa waxa ku jira la tuhmo ilaahay ayaa og waxa uu ula jeedo laakiin khayr ayaan u rajaynayaa ninkaas.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Abuubakar says:

    Asc dhamaan asxaabta ku xiran webkan iyo qoraaaga somaliska Mr Jimcaale.
    Bro Jimcaale salaan ka dib cinwaanka qormada aad soo qortay aa wax 6yar ila qaldanaaday waana seey ila tahay hadaan qaldanahay raali halayga ahaado qormada cinwaanka dib ugu noqo bro Quraan badan iyo mid yar ma jiro kuli waa 114 laakiin micnaha waa waa kutubka ugu yar aduuunka seeey illa tahay ALLAAHU YACLAM. WABILLAAHI TAWFIIQ asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. Abuubakar says:

    Jawaab Jabriil kamuunada waxeey shaqo bilaabaayaan maalinta talaadada bari oo isniin ah kaliya ayaa ka dhiman maalmihi fasaxa ahaaaaaaaaaaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Caaqil says:

    Bra abuubakar warka saxdiisa waa sidaas waa kutubka ugu yar aduunka waa mahadsantihiin dhamaan wabilaahi toowfiiq sidaas ha la isu saxo walaalayaal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Yusuf yare says:

    Adiga kitabku ha yarado ama ha weynado waxa laga raba in 114 ay ku qoran tahay waxa kale oo layska raba hadi kitabku ad u yaryahay indho lagu akhristo hada waxaba la garay hurumar oo waxa la samaysan kara murayado balse wakhtiyadii hore qof waliba ma isticmali karin kitabkas sida aadka ah u yar

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  10. Younis says:

    Marka hore, al-salamu calaykum dhaamntiin, marka xigta, wuxuu ilaaahay iigaga sareeya in aan ka lahaan jirey kitaabkan kariimka ah, sabato ah waa kitaab si caadi ah lagu iibin jirey maktabadaha waagii aan joogay imaaraadka carabta, anigoo oo yar ayaan arkay , salaad jimce ka dib, aabahay ayaan waydiistay in uu ii iiibiyo, wuu ii iibiyay waxaanu ku iibsaday lacag dhan 10 dirham oo lacagta imaaraatka ah, oo u dhiganta 2.5$, nasiib xumo guriga dhexdiisa inoo iga lumay iyo in qof kale oo ka dhex qaatay guriga dhexdiisa ma garanayo, saan u ilaalinayay ayuun baan mar qura waayay, wa al salaamu calaykum

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Aadan deeq says:

    Masha’allah garanay kutabka ugu muqalka yar calamka tolow ayadana waxa is weydin leh kan ugu muqalka weyna halke yaala intese la egyahay?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. rashka says:

    asc dhamaan. ikhwatiiiiiiiii filaaaah. hidayada ilaaah baaaleh in la isasaxane waaa sheeey muhiiim ah. quraaan yar majira sidaaan wada ogsonahay quraaaanka 114 lagamayareynkara lagamana badinkareee. kani waxuuu noqonikaraaa kutubkiii uguyaraaa wabilahi towfiiiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. Mudane says:

    Walaal, aniga waxaan ku fikir ahey asxaabta iga sareysa, oo ah in magaca wax yar la saxo, waa sida aan aminsanahay, laguna qoro Kitaabka quraanka ah ee Adduunka ugu yar, then haddii la dhaho quraanka ugu yar ee addunka qof waliba si un ayuu u turjumayaa ama u micneynayaa, waa tii la yiri hadal nina si u qaadey nina si uu u fahmey. mahadsanid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. abshir says:

    waaa sidaas dadka kor ku xusan ayaan la fikir ahay aniguna wa bilaahi tawfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. mohamed osman says:

    asc waliyaal ma ficantahiin waad wanak satahiin waxa joga italiya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0