Qurba joogta iyo hurinta colaada qabiilka

Sida aad la wada socotaan waxaa dagaalo beeleed/maamul ka soo cusboonaadeen gobolada dhexe ee Somalia qaasatan magaalada Galkacyo oo maalmihii  la soo dhaafay ay isku fara saareen maamulada Puntland iyo Galmudug. Dagaalkaas ayaa ah mid nasiib daro iyo dib u dhac ku ah bulshada Soomaaliyeed ee horay u socotay, ayaa waxaa muuqata in doorweyn ay ku leeyihiin bulshada qurba-joogta ah ee ka soo jeeda labada dhinac.

Waxaa muuqata in dagaalka uu si xoogan uga socdo qurbaha, iyadoo labada dhinac ay si weyn ugu ololeynayaan sidii uu dhinacooda dagaalka guul uga gaari lahaa. Qurba joogta labada dhinac ayaa waxay dhaqaale u dirayaan mooryaanta isku haysata Galkacyo si ay dagaalka u sii wadaan. Jaaliyadaha qabiilka ku dhisan ee ka jira Sweden ayaa isku habar-wacday oo mid-ba midka kale doonayaa in uu ka taageero bato.

Dhaqaale keliya ma ahan, ee goobaha fadhi kudirirka ayay isku faanayaan, oo dhinac waliba sheeganayaa in ay dagaalka guulo ka gaareen. Waxay telefoono joogto ah u dirayaan dalkii si ay ugu dhiiri galiyaan dagaalka iyo colaada. Waxaa muuqata in qurba-joogta ku nool qaboowga Sweden ay hurinayaan colaada qabyaalada ku dhisan ee ka socota Somalia.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. moxamed says:

    Jimcaale waa sax waxa aad ka hadleeyso laakiin waxaan moodayay in aan webb kaan arimaaha iyo kuwa kaleba looga hadlin hadana waxaan kugu booronayaa in kastoo hadalkaagu sax yahay in aadan kabixin ujeedadii somaliska iyo qaabkuu u shaqeyjiray dhaliil igama ahan ee waa iga saxid mahadsanid

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  2. waryaa says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 3 Thumb down 8

  3. Abdalla says:

    Adeer isku xishoo Sweden bes ma degna dadka is heeysto mase wepkaaga aya Sweden bes Ka hadlo dad wanagsan Iyo dad xun ba way ku wada jiraane dadkuye adi waxa wanagsan bes soo qor waxa kale iska daaye

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 4

  4. WALAAHI SOMALI WAA SUNTII HARGAHA says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  5. cadaani muxsin weerax says:

    Dagaalka gaalkacyo waa mid nasiib daro ah .Dagaalka waa in laga ilbaxo.
    Labada reer waa iney naga joojiyaan qaabdarada joogtada ah.Waa in horumar laga fakiraa dagaal wax macno kuma fadhiyo,dunida waa hormartay.Horumar ka fakara qabyaalad hala joojiyo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  6. luul says:

    asc
    ilaahey ha inaga qabto kuwa hada ka bacdi dagaal noo hurinaya guryahooda alle ha ka tuso balaayada ey ku shidayaan masaakiinta xoogsatada ah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  7. Masago says:

    Dagaal kasocdo somalia waxba uguma taaliine sfi.ga yaan laga hurdin

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  8. Kabtan matii says:

    Maxamud saleeman iyo sacad is dagaalaya wallee u-kala hiilin mayno

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  9. cabdi casiis says:

    ASC Majeerten iyo habar gidir yeey yihiin horta ? sow dad walaalo ah oo somali ah misna daris ah sow ma ahan war caqligiina ka shaqeeysiiya war dalka waxa naga bur buriyay waa qabiil maxeeynu ka haaynaa 24 sano ayaan is dileeynay qolo faa iiday majirto war caqligiina ka shaqeeya Hawiye iyo Daarood iyo dir waa wax kayimid gumeeyste ama cadow aanan jecleen somalia o nabad ah ilaa hadana wali sida oo taageero ladaba jooga qolo walba war magaran la dihiin Dagaalku inuu wiil ku dhinto ma ahine inuusan ku dhalan wiil !!! hooyana u ooyso wiilkeeda maalin walba Dadkii ka danbeeyay Hawiye iyo Daarood iyo dir ineey is dilaan cadawgana u shaqeeynayay aaway Qaarkood aaqiro ayeey jiraan oo maanta tooda haaysata allow u naxariiso xataa hadaa dhahdo inee danbi kugu tahay macquul ah waayo dhiiga daa danayo ilaa maanta ayagaa sabab u ahaa maxaa dhiboo kujira hadeeynu isla dagno ceelka isla cabno beeraha isla qodono is dhaxmarno qolo qolo iska deeyno!! war dadkan halkee la yihiin wiilka dagaalka ku dhimanayo majano ayuu shaqeeysanayaa mase cadaab yaa alaah war da dow cagliga ka shaqeeysiiya keeni aqoonyahanka ahaa qabiilbuu ka hadlayaa keeni jaaahilka ahaa qabiilbuu ka hadlayaa war xagee naloo wadaa Kitaabkii alle oo nakala xukumi lahaa waa diideen 4.5 ayaa laga doortay waa yaabe yaa haaf ah oo somali ah yaase buuxa o somali ah !!! War ilaah ka cabsada oo wanaaga ka shaqeeya oo iska daaya xumaanta oo wanaaga qaata oo qurunka qabiilka ah iska daaya waxaan mareeynaa inuu gumeeyste iyo cadow somaliyed noo kala sameeyo 50 calan calan walba waa qolo maro rinji marsatay qolo walba waxa layiri dariskaada waa kuu cadow iska ilaali waxaan aragnay dad somaliyed oo garooman ku yaala somalia dhaxdeeda laga soo celiyay halkaas ayaan mareeynaa war see rabnaa somaliyeey ilaah kabaqa oo iska daaya xumaanta wanaagsa ka shaqeeya kan xun meel kaga soo wada jeesta waxaa ugu sii daran sheekada waxa qasaayo somalia oo dhan qof walba qoyskiisii waxuu jooga qurbaha wiilka dhimanayo iyo shacabka dhimanayo shaqo kuma lahan!!! war yaab badanaa yaa alaah ilaahow naga soo gaar rabow oo nabad nasii dhiiga maalin walba daa danayo naga jooji aamiin

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  10. Bääruud says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 8

  11. Amal says:

    Waa sax dadka ilmaha ceerta kuqaato aa dalkii guwaayo ilmaha ey dhaleen wadan nabad ah ey geeyen kuwa soomaliya joogo oo masaakinta ah ey isku dhameeyen aniga waxaan kasoo jeedaa beel kamid ah laakin uma kala danaani haayo waa yo waaxaa nahay dad walaalo ah insha allaah waxaan ilaah kabaryaa ineey hishiiyaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  12. siraad says:

    Asc walaalo somaliyeed. Salaan kadib walaalken Jimcaal Suaasha oo na weydiyeey wali laga jawaabin. Suaasha waa dadka qura ha qaboogan ah joogo oo hadane hurinaayo dadka somaliya ka socdo se lojoojiya ama logawaan tobak. Aniga waxaan LU dadrsan laha hadeey sax tahay oo dad halkan lacaag kadiraan dad müslin walaal kod ah lugu dilo ilaah aa ka magaan galne. Waa dhibaato weyn walaahi somaali waa lajoogo 2015 waa laga baxaay waqtigii qabyaalada aa iska haa Aniga. Waxaan leyahay ilaah hana wadaa hadeey o inshaa Allah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  13. Cabdi qani says:

    Hadii Aad dooneysaan nabad gelyo, xushmee qofkasta, si Aad uhesho nabad joogtaa markasta cusbooneysii wanaagaaga.

    * Qof walba kuQeymee waxa uuyahay. Tusaale, diin kasta.
    * Somalinimada kahormari carabnimada. Kafogow dhaQanka carabta.
    * Qabiilku waxa uu kayimid diinta islamka. Oo tiri iskugarta. Laakiin markii faQri yimaado waxay isku bedeleysaa colaad Iyo is eedeyn. Iyo iska fiicnaan.
    Qof walba oo fekera haraadsho meesha musiibadu kataagantahay.
    Qof walba asagu hafekaro.

    *** Hadii Aysan cadaalad jirin, nabadgelyo majireyso.***

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 5

  14. abdiyare says:

    waan idin salaamay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  15. Beelo says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 6