Rabshadaha Husby: In la gubo baabuurta ma xal baa?

Xaafada Husby oo ku taala duleedka Stockolm ayaa maalmihii la soo dhaafay ahayd mid xaaladeeda ay aad u kacsantahaypolis-rinkeby, iyadoo dagaal joogto ah uu dhexmaray dhalinyarada xaafada iyo ciidamada booliska Sweden. Dhalinyaradaan oo la sheegay in ay ka careysanyihiin nin oday ah oo ay boolisku ku dileen xaafadaas isbuucii hore ayaa qarbudaad u geystay baabuur ka badan 100.

Labo habeen oo isku xigta ayaa xaafadaas waxaa hareereeyay booliska, iyadoo ay dhalinyarada dhagaxaan iyo dhalooyin lagu shubay baasiin ku weerareen booliska. Dadka xaafada ku nool ayaa sheegay in aysan dhalinyarada ka careysnayn dilka ninka odayga ah oo keliya balse ay guud ahaan ka careysanyihiin xaalada shaqo la’aanta ee ka jidha xaafadaha soo galootiga.

Xaafadaha ku dhow Husby sida Rinkeby iyo Tensta ayay marar badan ka dhacday xaalad la mid ah midaan iyadoo dhalinyarada ay gubeen baabuur iyo iskuulada. Hadaba ma xal baa in la qurbado baabuurka iyo iskuulada?

Si kasta oo looga caroodo ficilada booliska ama shaqo la’aanta ayaysan marnaba ahayn mid la aqbali karo ama marmarisiyo laga dhigan karo in lagu kaco ficilada rabshadaha wata ee ay samaynayaan dhalinyada. Waalidiinta iyo dadka xaafadahaas ku nool ayaa la doonayaa in ay meel cad uga soo jeestaan ficilada gurucan ee ay ku kacayaan caruurtooda.

Qofka ku noolaa amaandarada ayaa dareemi kara qiimaha ay leedahay xasiloonida. Waa in lagu xaliyaa wixii eedeymo ah qaab nabadeed iyo wadahal balse in la gubo baabuurta dadka iyo in la weeraro booliska iyo dabdamiska ma ahan mid xal keeneysa balse waxay siyaadinaysaa sawirka foosha xun ee laga aaminsanyahay xaafadaha soo galootiga.

Sidee u aragtaa adigu? ku darso fikradaada…

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. Abdi says:

    Wa cajiib. Asxaabti 2 sano maxaa cusub. waxaan maqlay in Dacwada la yiri dib ha loo soo xareyo warkaas yaa haaya isagoo fahfahsan ha noo soo gudbiya. rajada weey fiicantahay, niyada kheer u sheega.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 4

  2. sumayo says:

    asc to abdi walaal qpfka maxkamada jawaab kasugaya isagana ma in uu dib usoo xareeyaa mise ayaga ayaa qofka usheegaya

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  3. fadeexo cusub says:

    wanku racsanahay qoraga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. hgfgdhg says:

    dadka haku mashlin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. xandul ali says:

    inanti wiil u dacwonesay waa lom kenayaaa iyo wilki inan u dacwonayay hada codsigisa dib ha u furto rajo wanagsan ayaa jirta mahadsanidin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. ali yare says:

    asc rajada wey fican tahay waxana manta la soo qoray in somalida dib loo cilinya wadankoda nabad noqday ayna ku xareynayaan kam somalia loga furi dona somalida jogta swedan norwey filand wana wax wangsan in dib nogala celiyo dhul gala shaqsi ahan wan soo dhoweynaya aniga wadankeyga oo nabad ah wadan kale ma sidsanyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. Abdi says:

    Sumayo walaal taa ma ogi. sorry

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. MARYAMA says:

    ASC DHAMMAAN , CABDI WALAAL XAGGEED KA MAQASHAY IN RAJADU FIICAN TAHAY . FADLAN AAN KALA WARQAADNO

    MAHAD SANIDIIN

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. layla says:

    Walaal dhalinyarada waakuwii maalin dhaw aad maqaalkii quruxda badnaa kysoo qaadatey tan iyo ru kadaranna waa laga fillaayaa illen shaqo kale ooy haayaana maba jirto hooyiiyinkii ayuuto ey ku mashquulsanyihiin aabayaashiina fadhi ku dirirka. Markaad aragto ficil xun oo qof ajnabi ah sameenaayo waa ey ku quseesaa qof walba oo ajnabi ahna ha ogaado in uu SD ubadinaayo taageeradda waayo ma wanaagsana in sawir xun aan iska bixino oo awalkii horeba anagoo nala jecleen haddana dadka is tusno. Dhalinyaradana waa iney danahooda gartaan kuwa wadankii jooga waa kuwo qorri wata kuwaana hadey dhagax iyo dhalo batrol kujiro ku dagaalaman warba mayaalo qowm dagaal usoo jeestey baan nahay marka.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  10. mumtaaaz Sh Ali says:

    ASC dhamaan waxan rabay in aan wax ka ogaado warka uu soo qoray walaalkeena ABDI oo ku saabsan arinkas 2sano maxaa maqashay waase dhinacee ma maxakamadaha mise Migrationsverketka ? si aan wax badan ugala ogaano waa muhiim in aan macluumaadka is dhaafsano

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. Mustafe says:

    Ascn Waxay ila tahay in aad adiga khaldan tahay maqaalkan soo qoray adiga oo si cilmiyaysan u darsin waxa dhacaya .23 ayaan jooga aniga wadankan Sweden 13jir ayaan ahaa marka imid siyasad iyoaribaha bulshada ayana ka shageeya wana ka xogogal sanahay wadankan dhagankisa ,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  12. mohamed says:

    Asc aniga waxaan aaminsanahay waxa meesha ka dhacaya ineey yihiin qalad, waxaa loo baahanyahay haddii dhib uu jiro in lagu xaliyo sida uu qabo sharciga wadanka. maahan in xaafad dhan laga dhigo amnigeeda mid qatar ah. baabuuro badan iyo dad aanan waxba galabsan hantidooda lagu baabi`iyo marka waxaan leeyahay falkaasi waa fal waxashnimo ee halaga digtoonaado mahadsanidiin asc.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. Ex_hanad says:

    asc asxaabta 2sano aniga jawaab ayaan kasugayaa maxkamada malmo marka yaa warbixin kahaya inta ay qadato aadna waa usalamantihin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Abdi says:

    walaalayaal gabar ayaa maxkamada diidmo siisay , ka dib waxeey taktay imigration ka waxeyna ku dhahday maxaa sameeya madama diidmo aad i siiseen , maxkamadii iayana diidmo kale i siisay. waxeey uugu jawaabeeyn sharci cusub ayaa soo baxay weli ma dhaqan galin balsi waxaad dib u soo xareesa dacwadii. internetka ayeey ka xareesay bishaan bilawgeedi welina weey sugeeysa jawaab. waxii soo kordha waanu kala waarqaadan doona. wcs

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0