Rabshadaha ka dhacay Tensta

Habeen hore waxaa xaafada Tensta ee magaalada Stockholm ka dhacay rabshado ay sameeyeen dhalinyarada xaafadaas ku nool kuwaasoo dab qabadsiiyay iskuul iyo baabuur dhowr ah.

Dhacdadaan ayaa bilaabatay ka dib markii dhowr baabuur oo Boolis ah ay xaafada soo galeen iyadoo durbadiiba ay weerar dhagaxaan ah ku bilaabeen dhalinyarada xaafada ku nool. Booliska ayaa xiray afar ka mid ah dhalinyarada balse saacadu markay ahayad 10.30 habeenimo ayaa waxaa dhacday rabshad weyn iyadoo iskuul la gubay isla markaana dhowr baabuur dab la qabadsiiyay. ilaa 30 dhalinyaro ah ayaa la sheegay in ay boob iyo rabshad ugu dhaqaaqeen xaafada, sida guriga dabaasha. Booliska ayaa isku habarwacday iyadoo markii dambe la xiray afar kale oo dhalinyarada ka mid ah.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dhalinyarada ku nool xaafadaha Rinkeby iyo Tensta ay sameeeyaan rabshado lagu gubay iskuul. Sanadkii 2010 ayay ahayd markii sidaan si la mid ah ay ka dhacday xaafada Rinkeby iyadoo ay dhalinyardu gubeen iskuul xaafadaas ku yaala.

Dhacdooyinkaan ka dhacaya xaafadaha ay soo galootigu u badanyihiin ayaa soo jiidatay dareenka dadka u dhashay wadanka iyo siyaasiyiinta. Magac xumada ay u soo jidayaan dhalinyaradaan dadka soo galootiga ah ayaa ah mid aad u balaaran iyadoo ay muujineyso, in dadka ku nool xaafadaas ay yihiin kuwo aan u hogaan saneyn sharciga iyo amniga wadanka ay martida ku yihiin. Qaasatan in la gubo goobaha waxbarashada ayaa ah mid xanuunkeeda leh iyadoo dowladu ay ku bixiso lacago badan sidii ay dadku u heli lahaayeen waxbarasho bilaash ah.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. omar says:

    Asc walal jimcaale ayaantaan arimihii socdaalka waad ka gaabisay awalba adiga ayaa meelaha noogali jirey oo aqbaaraad nooga keeni jirey waayo arintaas aad ayey noogu taagan tahey ee hadii aad fursad u hesho waxaan kaa codsanayaa in aad inoo weydiiso halka ay wax marayaan wad mahadsan tahey bro

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  2. abdi says:

    asc dhamaantinn,, OMAr waa runtaa jimcaalle waxad moodaa in ujeedadii uu lahaa uu garay mar hadii ay arimihii ay kala baxeen,,jimcaalow walalkayow arintu kow ma joogto ee dib ugu noqo gulufkii dagaalka ahaa ee aad ku jirtay ee arimaha midaynta,, ha is hilmaamin, xataaa safaradii nairobi waa la furay ayaan maqalay walina wax aad nooga sheegtay ma jirto

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  3. raaxeye says:

    asc waan idiin salamay aqiyarta dhamaan

    safarada nairobi wali lama furin waxaa lafuraa 1 juun insha allaah
    walalaha ey wax aaga xeran yihiin hala socdaan wali waxoow dhahay

    waziirka socdaalka waxaan kacodsanaa datkii ciyalkoda qaan gaar ku dhow yihiin hasoo fudu deyaan arimahooda saas ula socda walaala yaa maamo xafadena dagan xataa waxaa laaga yeeray 6 juun intarfiyuu afka ah waxana lagu dhahay ciyalkaga sawiradoda iyo basabor kaga soo qaado xalada ma qayaasna aqiyaareey qeerka wuu bilaawday niyada hala dajiyo cml

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  4. Cadde says:

    Asc wadsalaamantihin dhamaantiin walaal raaxeeye adigoo mahadsan akhbaartan aad inoo soo gudbisay matahay mid xaqiiqo ah oo lagu kalsoonan karo tan kale safaaradaha kale xagey wax marayaan majiraan dad arinkoodu dhamaaday oo fly suge ah qofkii akhbaar sax ah haya ha inoo faa iideeyo wadna mahadsan tihiin. wabilaahi towfiiq.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  5. NJB says:

    aniga waxan oran lahaa walalaha somaliyeed jimcaale maso gudbiin karo hadii aysan wax macluumad ah aysan kaso bixin dowlada taas ayan dhihi karaa inay sabab u tahay inusan wax cusub kaso qorin arimaha mideeynta reeraha. tankale safarada nairobi wa sax in la furi doona misha june bilawgeda haduu alle idmo, waxaa xaqiiq ah hadalki illah uu quranka kuyiri (WAMAA TA SHAA’UUNA ILAA ‘AYASHAA ALLAH. ilah imaanka ha noo sugo AMIIN.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  6. Saredo says:

    Waa kaaf iyo kaladheeri waxa meesha kuron iyo waxa laga hadlaayo waxaa layiri nin walba meeshii laga haayo hay ama haabay waxaan filayaa duruuftaa keentay layab majiro lkn bal xoogaa hala khafiifiyo baahida waala qayrayaa insha allaah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Saredo says:

    Waa kaaf iyo kaladheeri waxa meesha kuqoran iyo waxa laga hadlaayo waxaa layiri nin walba meeshii laga haayo hay ama haabay waxaan filayaa duruuftaa keentay layab majiro lkn bal xoogaa hala khafiifiyo baahida waala qayrayaa insha allaah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Diirshe says:

    asc wr wb walaal jimcaale waxaan filaya inaad hada usoo laabatay inaad xooga saartay akhbaarta wadankeena 2aad Sverige waana arin muhiima haka caajisin aad baan kaaga mahad celinaya 2da warbixin ee ku saabsan basaasida masaajida iyo svt iyo mida rabshadaha ay dhalinyarada kula kacayaan wadanka ugu deeqsisan yurub magangelinta qaxootiga waana arin lga xumaado waana inoo sumcad xumo meeshii la inaga rabay inaan wax kusoo kordhin wadan ay dadkiisa caan ku yihiin tolerans, wada noolaansho iyo tixgelinta mångkulturell jimcaale guul baan ku rajayn noona badi inaad noo iftiimiso waxyaabaha ku cusub sverige akhbaar iyo dhacdooyinba

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  9. qof fiican says:

    in nidaamka wadanka loo hogaansanado waa muhiim, afkaga iyo adinkaagaba gaal iyo muslinba haka aman helaan, sharciga wadankan in loo hogaansanado mahan mid la baryaayo, wadankan waxa jira in la is mustaafuriyo, markaa hadii laguu bogi wayo goor aan habeen aheen maalina aheen ayaa lagula kacayaa, dhanka kale wadankan hadii aad hal sano jirto oo aad danbi geysato lagama yaabo in lagu cafiyo, recordka ayaa lagu galinayaa markaa sharafkiina dhowrta waa iga talo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. fatima uqtu says:

    waa Runtiis…… Waana Runteey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. garaadka says:

    waxaan aniga dhihi lahaa soomaaliyey waxa ciyaalkeena in lakeeno ey uneceen dadkan waa arimahaan ookale kan halkan jooga ee waxkubartey ee ku barbaarey baa sidaan waxashnimada udhaqmaayee muxuu shegayaa mid illaa maalinkuu dhashey illaa iyo maanta qof ladilaayo iyo wax ladhacaayo been iyo is daba marin soo arkaayey illeen maanta somaliya guud wax sharci iyo kala dambeen mataalo marka dad wadamadooda dhistaan unimid markaasaan dhib iyo akhlaaqdaro lajoognaa aragxumada ciyaalka soomaliyeed ee wadamadan jooga waad yaabeysaa waxaana ugu wacan mujtamac ama guriga ey kasoo jeedaan oo wax akhlaaqiyan ah saas u weyneen walow ey jiraan in yer oo fara ku tiris ah oo sifiican ciyaalkooda u heesta iney maalinkasta maama leedig ahaato aaba la,aan ciyaal ey wax uga qaadato kii kalee weynaadeyna banaanka dayacnaan utaagnaado waa howleheena walaalayaalow ciyaalka hala ceshto hana latarbiyadeesto badweynabaan ku jirnaa hadii kale ilmahaan isagaaba sidan haduu ku jiro kaa dhaqaaqi illeen geedka markuu yeryahay ayaa latoosiyaa ubadkuna waa sidaasoo kale hadii latoosin waayo markuu weynaado meel lagasoo qabto malahan nabadeeey soomali hanoolaato

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. Saredo says:

    @Garaadka wax garad ayad tahay talo iyo tusaale fiican ayad bixisay waarid badan ayaana ku cilmiqaadanaya hadal kaaga xigmad ayaa kudheehan aad baana ugu maqsuuday runti ilaahay haku xafido aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  13. SHEEKHO LAYAABLEH OO U BAHAN IN LAGU SOO QORO SOMALISKA says:

    WAXA QISO AAD U XANUUN BADAN, AY KU DHACDAY GABADH LA DHAHAYO AYAAN OO KU NOOLAYD WADANKA INGIRIISKA, TAAS OO LA OGADAY INAY KU NOOLAYD WADANKA ISWIIDHAN 1994 KII ILAA 2003 HADABA WAXA ILA FIICAN IN BULSHADA LOOSO BANDHIGO QISADAAS SI AY WAX UGU QATAN KUWA RABA INAY U GUURAN LONDON DIBNA ISKAGA DHIIBAN, WAXA AAD KA BOGAN KARTAA SHEKADAN ADOO GALAYA GABILEY.NET MACAL VIDEO IYADOO AH.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. sahro says:

    asc waan idin salaamay ilaahay ha soo hanuunsho ilmahaan mida kale ilmahaan meeshaan in ay laheen maba oga lakiin aniga ahaan waxii fooda wado wadankii uu ka imaaday in loo celsho ayaan rabi lahaa meeshaan nabada uu ku haysto ayaa la heshiin waysay xabadii ayey u xiiseen iyo kuleelkii iskool alaantii

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. Mohammed says:

    Dadka so galootiga ah waa in ay ugu yaraan xishoodaan. sababtoo ah marka hore waa marti oo dalkan wuxu siiyey magan galyo iyo nolol iyo wax barasho bilaash ah. marka xigta waxan ugaso cararnay wadamadeenii waa waxa aan meeshan ku heyno oo kale in school la gubo ama bililiqo la geysto waa wax aad looga xumaado runtii.
    websidte-ka somaliska iyo tafa tirahaba wan kaga mahad celinaynaa sida wanaagasan ee uu nooga haqab tiro macluumaadkan oo kale.
    Mohamed
    Fagersta Sweden.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0