Rabshadaha oo ku fiday Borlänge iyo baaq loo jeediyay Soomaalida ku nool magaaladaasi

15

Waxaa magaalada Borlänge ee dalka Sweden ka biloowday qaraxyo iyo dhibaatooyin ay maleegayaan dhalinyaro ceeb iyo baabuurfadeexad usoo jiidaya ajaaniibta ku nool gobolkaani oo ay u badan yihiin Soomaalida taasoo ay indhaha ka qabsanayaan waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool degaankan.

Maalinimadii shalay habeenimadeedii ayay ahayd markii sedex baabuur lagu gubay gudaha xaafadaha Tjärna Änger iyo isgooyska Jax oo kawada mid ah xaafadaha sida weyn ay udegan yihiin Soomaalida qaxootiga ku ah magaalada Borlänge.

Xalay saqdii dhexe waxaa dhacay oo laga war helay in dhalinyaro caraysan oo aan haysan wax marmarsiinyo ah ay isku dayeen ineey gubaan iskuul ku yaala xaafada ay Soomaalida u badan yihiin taasoo ay ka hor istaageen odayaal iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo deegaanka degan oo xalay oo dhan waardiye aan cidna u dirsan ka hayey iskuuladaasi isla markaan Booliiska ku wargeliyey inaay halkaasi ka kala eryeen dhalinyaro doonaysay inaay gubaan iskuulka hase yeeshee markii ay usuura gali weyday ay aaqirkii ku qamaameen gawaari meel baarkin ah yaalay.

Lama hayo wax cadeyn ah cida ka danbeysay ama cid sheegatay laakin warar hoose ayaa sheegaya in looga shakisan yahay ajaaniibta ku nool degmadan siiba Soomaalida iyo Kurdishka, wararka suuqa la isla dhex marayo ayaa tibaaxayo in afar wiil oo laba kurdish ah iyo laba Soomaali ah oo baaskiilo wata ay ka danbeeyaan dhibaatooyinka ka dhacay magaalada.

Qof waliba oo degan magaaladan Borlänge ayuu xil ka saaran yahay nabad gelyada iyo xasiloonida, waalid walba waxaa laga doonayaa inuu caruurtiisa ka ilaashado masiibada kusoo fool leh ajaaniibta ubadan Soomaalida.

Dhacdooyinkaan ayaa loo aanaynayaa kuwo abuuraya in la necbeysto soomaalida degan oo tiro ahaan aad u badan waxayna keenaysaa in aaqirka ay gacanta ugasho Xisbiga ajaaniibta neceb oo ay Soomaalida u taqaano Cunsiriyiinta.

Waxaa marag ma doonto ah in doorashada soo socoto sannadka xigga ay gacanta u gali doonto cunsiriyiinta maadaama ay waalidiinta iyo indheergaradka ay daawanayaan waxa ka dhacaya guryahooda hortooda iyagoo waliba daawanaya qasaaraha ka socda degmadaan.

Hadii ay gacanta u gasho cunsiriyiinta waxaa qasab ah in reer walboo degan Borlänge uu raadsan doono halkii uu Sweden ka degi lahaa, ileyn Soomaalida ayaa gacanta ugalinaysa cunsiriyiinta.

Soomaalida degan degmadan ayaa badi ka warheyn waxa ka dhacaya guryahooda hortaada waxaadna moodaa ineey iska indho tirayaan dhibta kusoo fool leh caruurtooda iyo qoyska intiisa kale.

Tiro yar oo odayaal, dhalinyaro iyo haween ah ayaa ka damqaday dhacdooyinka kusoo badanaya xaafadahan waxayna shir ay isugu yimaadeen ku lafa gureen sidii looga hortagi lahaa waxayna wacad ku mareen inaay ka shaqeynayaan nabadgelyada iyo xasiloonida waxayna isu qeybiyeen guruubyo kuwaasoo waardiyo ka qabanaya meelaha magaalada ugu muhiimsan, waxaana la shaqeynaya ciidamo dhar cad ah, booliiska iyo degmada.

Hadaba qof waliba oo degan degaankaan waxaa loo sheegayaa inuu u istaago nabadeeynta iyo xasiloonida laguu abuuray, weeynu ognahay in qof waliba uu kasoo cararay nabadgelyo xumo waxa haatan degaankaan ka biloowdayna waa wax aynu gacanteena ku abuurayno hadii aynaan ka hortegin waxaa dhici doonta in nalaga tashado, intaan laguu talina tasho ayaanu leenahay shacabka ku nool Borlänge iyo guud ahaan meelaha dhibaatooyinka laga abuurayo ee dusha laga saarayo Soomaalida kubadan dalkan Sweden.

Dhamaan waalidiinta waxaa lagu wargelinayaa ineey caruurtooda ka ilaaliyaan lana socdaan dhaqdhaqaaqooda, magaalada waxaa lagu soo daadiyey ciidamo dhar cad ah iyo waliba Soomaalida oo la shaqeyn doonto, hadii hadhow aad ku eedeyn doonto in wiilkaaga loo gacan galiyey ciidamada amaanka ogoow cid kaa qaadanayso ineeysan jirin inaad raali ka noqoto waxa caruurtaada ay falayaan.

Ilaa iyo boqolaal qofood oo Soomaali ah ayaa go’aan ku gaaray ineey ka shaqeyn doonaan nabada iyo xasiloonida, adigana ka mid noqo dadkaasi si loo xakameeyo dhibaatooyinka ay falayaan kuwo wax magaratada ah, raalina haka noqon in dhib lagu sameeyo gurigaaga hortiisa, hadii taasi la waayo ogoow waxa kugu maqan dariskaaga aan ogoleyn xumaanta wuxuuna diyaar u yahay inuu la shaqeeyo ciidamada amaanka.

Sida aynu ka warheyno waxaa magaalada Borlänge degan aqoonyahano, saraakiil hore oo ka tirsanaa dowladihii Soomaaliyeed, xildhibaano, indheergarad, siyaasiyiin iyo haween shaqooyin kala duwan kasoo qabtay dalkeenii Soomaaliya waxaa lagu wargelinayaa inaay ka qeyb qaataan horumarinta bulshadooda waxaana doqonimo ah inaay ku fiirsadaan kuwa mansabkooda iyo sharafkooda iibsanaya, waxaana aad ugu kalsoonahay in Soomaalida oo ah kuwa aan quurta qaadan ay usara kici doonaan kuna midoobi doonaan waxma gartayaasha usoo tafa xeeytay ineey bur buriyaan aduun hore u maray.

Waxaa qoray 
Mohamed Abdulle Hassan “Siidi”
Borlänge – Sweden

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here