Warcusub: Booliska ayaa sheegay in uu fashilmay mudaharaadkii cunsuriyiinta ee ay kaga soo horjeedeen Masaajidka iyadoo markii hore la filayay in kumanaan ay timaado balse waxaa la sheegay dad ka yar 200 oo keliya in ay ka soo qeyb galeen. Dhinaca kale mudaharaadkii lagu taageerayay Masaajidka ayaa gaaray 1000 ka badan. Maanta waxaa magaalada Göteborg ka dhacay mudaharaadkii ugu weynaa mudo 10 sano ah, halkaasoo ay isku dheceen labada dhinac oo kuwana ka soo horjeedaan Masaajidka halkaas laga dhisay iyo kuwa taageersan. Labada dhinac ayaa dhagaxaan isku tuuray iyadoo wargeyska Göteborsposten uu qoray in dhinaca ka soo horjeeda cunsuriyiinta ay dhagaxaan ku tuureen dhinaca kale, iyagoo isku dayay in ay weerar ku qaadaan. Booliska ayaa waxay sameeyeen xayndaab aysan ka gudbi karin labada dhinac iyagoo xiray dad ka badan 10 qofood. Xaalada ayaa lagu sheegay mid kacsan oo labada dhinac laga yaabo in ay si kafool kafool ah isugu dhacaan. Booliska ayaa sheegay in ay filayaan qalalaasaha hada dhacay iyo kuwa kaleba maadaama labada dhinac oo mudaharaadaya ay neceyb isku qabaan. Askar qaas loo tababaray ayaa laga keenay Stockholm iyo Malmö. Dibad baxa ayaa socon doonaa ilaa 18.00, waan ku soo dari doonaa wixii soo cusboonaada.

Rabshado ka dhacay mudaharaadka Göteborg [Video – Sawirada]

Warcusub: Booliska ayaa sheegay in uu fashilmay mudaharaadkii cunsuriyiinta ee ay kaga soo horjeedeen Masaajidka iyadoo markii hore la filayay in kumanaan ay timaado balse waxaa la sheegay dad ka yar 200 oo keliya in ay ka soo qeyb galeen. Dhinaca kale mudaharaadkii lagu taageerayay Masaajidka ayaa gaaray 1000 ka badan.

Maanta waxaa magaalada Göteborg ka dhacay mudaharaadkii ugu weynaa mudo 10 sano ah, halkaasoo ay isku dheceen labada dhinac oo kuwana ka soo horjeedaan Masaajidka halkaas laga dhisay iyo kuwa taageersan. Labada dhinac ayaa dhagaxaan isku tuuray iyadoo wargeyska Göteborsposten uu qoray in dhinaca ka soo horjeeda cunsuriyiinta ay dhagaxaan ku tuureen dhinaca kale, iyagoo isku dayay in ay weerar ku qaadaan.

Booliska ayaa waxay sameeyeen xayndaab aysan ka gudbi karin labada dhinac iyagoo xiray dad ka badan 10 qofood. Xaalada ayaa lagu sheegay mid kacsan oo labada dhinac laga yaabo in ay si kafool kafool ah isugu dhacaan. Booliska ayaa sheegay in ay filayaan qalalaasaha hada dhacay iyo kuwa kaleba maadaama labada dhinac oo mudaharaadaya ay neceyb isku qabaan. Askar qaas loo tababaray ayaa laga keenay Stockholm iyo Malmö.

Dibad baxa ayaa socon doonaa ilaa 18.00, waan ku soo dari doonaa wixii soo cusboonaada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

19 Responses

  1. Gaaldile says:

    Tolaay waar gaalada hala dilo kasoo horjedda dhisida masjidka . anigu hada ka hor vancouver baan ku dilay 3 gaal oo nacaybka muslimiintu ku jiro wadankoodina wan uga imid ee waxa inoo balan ah gaalo layn . in huf iyo baabah laga dhigo alla yakhrib baytahum ,,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • run sheke says:

      va fan du komm hit <-Galada hala layo kulaha <-Xa kaso Donte lacagtoda u cune <.waba ku daninayan misajid ku dhiseyn inte sanka oo ku gale <-. Dadka qarkisna Diinte qalad u fahme<-< akta dej< –

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Faa,id says:

    Asc meeshaan dagaal ma yaal waa banaanbax aad fikirkaaga ku cabireyso iyo waxa aad qabto si xor ah gaalada aad lee dahay ha la laayo ayaga ayaaba kula jira oo cunsuriyiinta kula diidan haddii naftaada halis la galiyona is difaac, dadkana fikirka ha ka qaldin walaal iyo dhalinta yar ee soo koreysa in gaalada la iska laayo diinta islaamku ma qabto balse wadankan si nabad ah inaad ugu noolaado uga shaqeysato ugu cibaadeysato ayuu kuu ogol yahay maxaa qarbudaad iyo gaal dil waxaas keeney imisaa muslimiin marti ku ah oo wadankana aan laga xigin sidaad doontana uguna dhex noolaan kartaa. wabillaahi towfiiq asc.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. jaamac says:

    asc-mar hadii laguu ogolaaday inaad si xor ah aad u banaan baxdo oo aad soo bandhigto waxa aad qabto soow looma baahneeyn inaad si nabad gelyo ah ku dhameeysato hoowshaada sideey aniga ila tahay waa laga fiicnaa in la bilaabo foowdo iyo tuuryo taasi waxeey meel kaga dheceeysaa danta aad markii horeba raadineeysay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. GAALDILE says:

    Fuad Ayadaas hadii aad fahmaysid ama aad leedahay quraanku waa khaldan yahay adigaay ky tala .وَلَن تَرْضَى عَنكَ الْيَهُودُ وَلاَ النَّصَارَى حَتَّى تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ قُلْ إِنَّ هُدَى اللّهِ هُوَ الْهُدَى وَلَئِنِ اتَّبَعْتَ أَهْوَاءهُم بَعْدَ الَّذِي جَاءكَ مِنَ الْعِلْمِ مَا لَكَ مِنَ اللّهِ مِن وَلِيٍّ وَلاَ نَصِيرٍ
    macnaheedu yahay ,,,, Never will the Jews nor the Christians be pleased with you till you follow their religion.ALLAH told as 1400 ago…………

    Galadaad ka hadlaysid Waa mida ku dulaysay adiga ee cayrta ku bartay iyo in aad beenshegtid ,, Aloow Yaa ku ogaada fuad Walasha baa kugu soo kaxaysay Waa ninkaygiii Diinteenana meeel aay kaga jirto in walal la guursado lama hayo …. Eee nin yahoow Jihaad oo naftaada ku jihaad , jihaadku waa badan yahay naftaada mid aay u bahantahay aya jira kas ayaa kaa maqan iyo iimaan fiiican ,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Faa,id says:

    Asc walaal gaaldile ninka sheegtow ayaadaan fasirkeedu waa Idinka raali noqon maayaan xagiina (Islaamow)Yuhuud iyo Nasaara illaa aad ka raacdaan waxa ay haystaan, waxaad ku tiraahdaa (Nebi muxamadow NNKH)hanuunku Alle waa waa hanuunkiisa haddii aad raacdaan hawaddiina ka dib markii cilmigii idiin yimid (Islaamka)idiinma ahaan illaahay sukadii weli iyo gargaare. Aayadda micnaheedu waa saas mana diidani Qur,aanka Kariimka ah, laakiin waxaan kaaga digayaa inaad qur,aanka si qaldan aad u fasirato sidii Khawaarijta. Walaal cid kuu diidayna ma lahan inaad gaaladda xiriir wanaagsan la sameyso oo Diinta Islaamka loo tuso mid wanaagsan waxaa ognahay in Nabbigeenu NNKH uu nin yuhuud ah uu ka deynsatay Xabuur bireed dagaalka lagu galo,xeer Magaalada Madiina lagu dhaqana uu la galey gaaladii Yahuuda ee madiina ku dhaqneyd. Xagjir qaldan sida gaaladuba u lee yihiin ayaana Islaamku dad qaldan oo Islaamka si qaldan u qaatay looga helayaa tasna waan kaaga digayaa walaalkeyga muslimkaahow,aan taada kuu raaco yaa kuu baneeyey in gaal wadankiisa kugu soo dhaweeyey oo marti aad u tahay aad disho sida aad sheegatay oo Canadaan ku diley 3 gaal ayaad tiri, mise been ayaad sheegeysaayoo waxaad rabtaa dadka dhalin yaradda ah ee muslimka ah inaad feker qaldan aad caqliga uga xado,tan kale adiga iyo kuwa kula mid ah oo Islaamka been ka sheegaya Islaamkii ayaadba ku dhibteen Islaamnimadii aad beenta ka sheegeyseen oo islaamkii ayaad dadka ku disheen ku dhacdeen kuna barikiseen taas bedelkeeda gaalkii ayaa laga heley soo dhaweyn ceyr iyo wax la mid ah asaga oo aan i jecleyn,taas sow kuguma dhaamo gaalku,adiga oo muslim sheeganaya oo dadkii baabi,inaya illaah ayaa hanuunka leh raacidna nabbigeena suuban ayey u sugnaatay Muxammed bin Cabdullaahi bin Cabdumudalib NNKH asc.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Faa,id says:

    وَلَن تَرْضَى عَنكَ الْيَهُودُ وَلاَ النَّصَارَى حَتَّى تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ قُلْ إِنَّ هُدَى اللّهِ هُوَ الْهُدَى وَلَئِنِ اتَّبَعْتَ أَهْوَاءهُم بَعْدَ الَّذِي جَاءكَ مِنَ الْعِلْمِ مَا لَكَ مِنَ اللّهِ مِن وَلِيٍّ وَلاَ نَصِيرٍ…ASC Gaaldile ninka sheegtow aayadaan ka midka ah qur,aanka kariimka ah fasirkeedu waa:- Idinka raali noqon maayaan xagiina (Islaamow)Yuhuud iyo Nasaara illaa aad ka raacdaan waxa ay haystaan, waxaad ku tiraahdaa (Nebi muxamadow NNKH)hanuunku Alle waa waa hanuunkiisa haddii aad raacdaan hawaddiina ka dib markii cilmigii idiin yimid (Islaamka)idiinma ahaan illaahay sukadii weli iyo gargaare. Aayadda micnaheedu waa saas mana diidani Qur,aanka Kariimka ah, laakiin waxaan kaaga digayaa inaad qur,aanka si qaldan aad u fasirato sidii Khawaarijta. Walaal cid kuu diidayna ma lahan inaad gaaladda xiriir wanaagsan la sameyso oo Diinta Islaamka loo tuso mid wanaagsan waxaa ognahay in Nabbigeenu NNKH uu nin yuhuud ah uu ka deynsatay Xabuur bireed dagaalka lagu galo,xeer Magaalada Madiina lagu dhaqana uu la galey gaaladii Yahuuda ee madiina ku dhaqneyd. Xagjir qaldan sida gaaladuba u lee yihiin ayaana Islaamku dad qaldan oo Islaamka si qaldan u qaatay looga helayaa tasna waan kaaga digayaa walaalkeyga muslimkaahow,aan taada kuu raaco yaa kuu baneeyey in gaal wadankiisa kugu soo dhaweeyey oo marti aad u tahay aad disho sida aad sheegatay oo Canadaan ku diley 3 gaal ayaad tiri, mise been ayaad sheegeysaayoo waxaad rabtaa dadka dhalin yaradda ah ee muslimka ah inaad feker qaldan aad caqliga uga xado,tan kale adiga iyo kuwa kula mid ah oo Islaamka been ka sheegaya Islaamkii ayaadba ku dhibteen Islaamnimadii aad beenta ka sheegeyseen oo islaamkii ayaad dadka ku disheen ku dhacdeen kuna barikiseen taas bedelkeeda gaalkii ayaa laga heley soo dhaweyn ceyr iyo wax la mid ah asaga oo aan i jecleyn,taas sow kuguma dhaamo gaalku,adiga oo muslim sheeganaya oo dadkii baabi,inaya illaah ayaa hanuunka leh raacidna nabbigeena suuban ayey u sugnaatay Muxammed bin Cabdullaahi bin Cabdumudalib NNKH asc.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. mAsAgo says:

    ASC AAYADA FASIRKEEDA FAHAN AKHII FILAAH MANA KAWADO INAAD QALAD U FASIRATAY. FU,AD ADNA MULUQA U KOBA ILLI HA TADININE ASC

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. xaali says:

    Maasha Allaa Faa,id walaal maantey dadka aan u baahanahay iney dadka wax u sheegaan waa adoo kale kaalintiina aan aragno diinta qaladka loo fasiranaayo uga diga kuwa jaahiliinta ah Islaam ayeey sheegtaan magacii Islaamka iyo diintiina waa laga tegey oo weliba lagu been abuuranayaa tusan tack walaalkeen

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. xaali says:

    Xaalka Allaha dajiyo Sweden sidaan wey ka roonaan jirtey cunsuriyiintii ayaa soo batey waxey wadaan tashkiilin ay xumaanteena ku beerayaan dadka swidhishka ah annaga dadaal ayaa nalooga baahan yahay inaan dadka nalaga jiidan oo aan tusno inaan dad wanaagsan nahay in diinta islaamku tahay xaq iyo dhaqankeena oo aan wanaajino xiliyada doorashada oo aan codkeena siino xisbiyada aan cunsuriga aheyn sababtoo ah ma codeyno taas ayaana ugu wacan kuraaasta ay heleen xisbiga cunsuriga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. MASSAGO says:

    XAALI BEN KUMA SHEEGIN WLH SOMALIDA WAA ALJASMU XAADIRUN ALQALBU QAAIBUN MACNAHA WADANKA WAANA JOOGAAN MAAN JOOGAAN. KALIYA 25-TA BIILKA SOO QAADANAA CIDANA U KALA DIRNAA INTAAS LEE WAAYE HORMARKA AAN KA GAARNAY SVERIGE. MAGAALADA AN DAGANAHAY WAXAA KUNOL 2000 OO SOMALI AH MANA LOO MALEYO INEEY 20 QOF KU NOO SHAHA.HADII DEBBAT LAQABANAA,DOOD IWM KAMA QEEYB GALNO MANA U SHEEGNO WAXAAN DHAQAN DIIN U LENAHAY DADKA MARKA TAASAA KENTAY INEEY NAGA AMINAAN SWEDSHKA BARTILE BOOG KUMA YAAL CML SIDAAD SHEEGTAYNA CUNSIRIGU U HELAA KORAASKA BADAN. WLH WAXAA ILA FIICAN INAAN DADKA DHAXGALNO BARNANA WAXAAN NAHAY SAWIRKA AY HEYSTAAN OO XUN UGU BADALNO MID FIICAN WABILAAH TAWFIIIQ

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. Dalmar Haji says:

    Salaan qaali ah Dhamaan Asxaabta qiimaha badan iyo aqristayaasha Webkan Somaliska.
    Mudaaharaadka maanta dhacey sida aan hada ka arkey qorlaadiina wey ka duwaneyd aniga ayaa xaadir ku ahaa goobtaas oo si fiican ugu soo dhameysaney Mudaaharaadkeena qolyaha Cunsiriyiinta ee EU-da iskaga yimid wax badan ayey isku dayeen iney xageena soo aadaan hadana ma dhicin oo ciidan badan ayaa ka kala yimid Göteborg, Malmo,och Stockholm.
    Bro Jaamac hadalkaaga waxaan ka fahmey inaan maanta dhib geysaney balse anaga maaheyn ee qoladaas ayey ahaayeen oo xiligi aan soo baxeyney buuq iyo qeylo galey lagana qab qabtey tiro balse xageena wax dhib ah ma dhigey guul ayaan ku soo dhameysaney Allaha garab istaago dhamaan umada islaamka.
    Asxaabta quraanka isku tuur tuuraya Alle ka baqa ayaadaha Alle ma galaan midi mid ku taag, Geeso lo’aad waa la isku jabshaa ogaada

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. KHRY QABE says:

    waligaa xitaa ma dilin gaal (GAALDILE) yaad ubooteyneysaa sxb gaalada waa tii gusoo dhaweeysay maxaad benta usheegeysaa gaalo ayaan hada kahor dilay markaad leedahay yaa kubaneyay dhiigooda waxaa tahay munaafaq dhiig ilaah xaaran ka dhigay ayaadna gashay waxaa tahay AHLUNAAR benta kadaa dadla islamkaa iyo caruurta sookoreyso

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. xaliima says:

    asc dhamaantiin intii rayikudarsatay somaliska markahore alle halagabaqo kadib somaliska waxan kacodsaneynaa qoraalada dadka xumaanta u horseedaayo in eykatuurtaa rayiga dadweynaha dhexdis sababto ah dadbadan ayakudhumayo ey ubadantahay dhalinta sokoreysa somaliska wa inku xirannahay wararkiina waxwalbo wadanka kadhoco wanosogudbisiin wamahadsantihin dhalinta in ladhumiyo ha uhorseedina kuwa dhuminayana allah sohadeeyo dariiqasaxa alahkuduwo walaalkaa markow dhunsanyahay uduceeey hanuunka alaa lehee asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Gaaldile says:

    Fuad waxaan adiga iyo qaarka kale ee gaalada jecelba leeyahay alle ha idin so hanuunsho . waayo galaa idin dhaxashay kadib markaad isa siiseen dhal dhalalka aduunyada ee humaga ah . hadeer labeena adigaa khawaajidtii wadadeeda leh waayo islaamki ayaad leedahay gaaladaa ka fiican waxay afka kuu galiyeen nac nac macaan ka dib islaamki ayey ku kharaareyeen . gaaladu waa kuwa u samaystay islamka , human rights , heck jestice , geneva convention . iyo hay’ado badax oo ay dhahan waa xuquuqul insaan . iyagoo muslimka kaga duula kuna burburiya afkarohoda ku salaysan diinteena macaan . iyo wadamo islaam ah oo ay xiqdi iyo xaasidnimo ku bur buriyaan . aaway afghanistan , ciraq . palastine . somalia . intaba waxay ka dhigeen dad ah (taxta saydaratil gaalo) dad gaalo hoos ayaala waxay idin badeen inaad dhahdan malinkasta waxaan kaalmo waydiisanaynaa dowlada sweden in naloo mideeyo carurtayada subxaanalah kaalmo rabi subxaana watacalaa ayaa bixiya gacmahaagana kor baa loo tagaa ee hoos loma tago . faud yuhuuda uu rasuulkenu (s.c.w) uu madiina kula galay heshiiskana waxay ka mid ahayd siyaasad musliminta ka dhan ahayd madama laga tiro badnaa musliminta lkn yuhuudi balan iyo cahdi shaqo kuma leh oo wakuwii heshiiski buriyey ee rasuulka kuso jeestay s.c.w markuu dagaalka kula jiray yuhuudi ows iyo khasraj . waxaan kaga shekaynayaa 3 gaal an dilay waxaan ku dilay iyo in aan mudnaantodi marshay waxay ahay dagaan ki lala galay galadi amerika daganayd 11 september 2001 kadibmuslimiinta wala dhibay qofki u sunuhu ka muuqdo ayaa kasi dhib badanaa kan kale waxaan la kulmay haweenay somali ah oo maxajabad ah iyo sadexdaa nin oo haweenaydi dilaaya dharkana ka siibaya mar alle markan arkay arintaas ayaan midi aan isku ilaalin jiray lasoo baxay ilaa an 3 sadexdiiba aan mudankoda mariyey diin iyo lailaha ilalahu muxamadu rasulula

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. samatar Egal says:

    asc wr wb. marka hore waxaan waxaan salamaya dhan dadka ku hadla afsomaliga meel ey jooganba,marla labaad waxaan doonaya in aan raji yar ka soo jeediyo siddi loola tacaali lahaa arrimahaan somaliyada soo foodsarey ee kala ah masajidyada la diidanhaya iyo reeraha la keeni waayey, kow dhan masajidyada dalkaa sharci ayaa ka jira oranaya diihumu waa xor oo qofkasta wixii uu doono ayuu caabudi kara, waxaana ka jira diimo kala duwan sweden, sidda darteed anigu waxaan soo jeedin laha in eynu si toos ugala hadalo duwlada oo la weydiiyo maxaa anaga nugu gaar ah, waxaana weliba ku xilsaari lahaa arrintaa ragga somali ah ee barlamanka ku jira iyo culimada dalkaan ka diwaan gashan ee muslimiinta hogaanshah.. sidoo kale waxaan dadka somaliyeed ee loo diiday carurtoda oo lagu xiray pass wakhtiisii dhacay 20 sano ka hor, waxaan u arkaa in ey tahay faquuqid aan meela loogu soo gaban, sabatoo ah duwlada sweden waxay aqoonsantahay passka reer falastiin oo aney duwlad u aqoonsaneyn waxaa la yaab leh meel aanba wax duwlad ah jirin sidda passkooda loo aqoonsaday loona diiday duwlad dhacay passkeeda!!!!!!!!!! marka waxaan soo jeedin lahaa inta eynu iska dhaafno kox kox u mudaharaadka in eynu maalin ama todobaad dhammenteen mudaharaadno, dadka oo dhan ah, joogino, shaqada ,iskoolada, cunta soo iibsiga iyo wixii la mid ah, dalka dad badan beeynu ku joogna codkeena iyo cududeenuba waa soconeysa haddi eyni isku duubni muujino, una sheegno duwlada in ey qalad ku socoto. walaal isku duubni ayaa wax lagu garaa, walaal wada tashi ayaa wax lagu noqdaa. mahadsanid dhantiinba

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Faa,id says:

    asc..Raali iaga ahow beentii ayaad sii jibaahday awal waxaan wax ku diley ayaad tiri vancouver hadana Mareykan yaad waaaleysaa oo wax u sheegeysaa raali iga ahow qof wax la deedsiin karo mahid oo wax loo sheegi karo,yaa ku yiri gaal wax lama weydiin karo hadadan caadigaaba qof wax i sii waad kartaaye ma danbibaa taas war nin yahow xaqa allaha ku tuso nana tuso dhamaanteen,asc

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. jimco says:

    ASC ALL SOMALAYA HADII AAN KAHADLO SOMALIYAYA MUCAARDADKA WADANKAAN WANAGA SAXAN YAHAY HADA NAHAY DAD WADANKOODI SOO QARIBAY IN AY WADANKADA QARIBAAN HADANA AY WAXAY RABAN KA SAMAYSTAAN GABDHAHOODA KUFSADAN WAA WX MUCAARD LAGU NOQDO AJAANIBKA WADANKAANA WAA DAD WADAN LEH EXMPEL ANAGOO WADANKEENA SOOMALIA JOOGNA OO GAALO NOOSOOQAXAN OOWADANKEENA IMADAAN HADANA KANIISADO KADHISTAAN WAX AAD YEELAYSAAN MAHAN ANIGA MMAYELEENEE QOOORTAA KA GOONLAHA GAALKII SAAS WADANKENA U GALA OKE AYAGANA SIDII OO KALE WAAYE MASAAJIDKANA KANIISAD SAY NALA TAHAY AYAGA LATAHAY AJAANIBKANA WAALANACAY WAX LANACO WAYAHYA WADANKIISA DHISANLAHA

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. Faa`id says:

    Jimco saas maaha Soomaaliya xiligii Dowladaba kaniisado waa jireen,laakiin isku mid maaha halkan waxii aad aamin san tahay waad ku caabudi kartaa oo xor ayaad u tahay,adiga bes amaan ha lagaa helo diintaadana xor ayaad u tahay kaliya aadaan kaas ayaan kor loo qaadi karin inta kale waa ok ee sidaas u ogow walaasheey.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0