Rabshado ka dhacay Stockholm iyo cabsi laga qabo in ay dhacdo sida London

3

Booliska magaalada Stockholm ayaa hal qof soo xiray ka dib markii ay isku dheceen iyaga iyo koox dhalinyaro ah xaafada Hässelby Gård habeenkii xalay. Koox dhalinyaro ah oo da’dooda u dhaxeysa 20-30 ayaa qarbuday goobta tiketka laga goosto iyagoo markii boolisku yimid dhagaxaan ku weeraray oo markii dambe weerar ku qaaday saldhiga booliska.

Booliska ayaa sheegay in dhalinyaradaan ay ahaayeen kuwo aan wax ay qabtaan hayn, iyagoo sheegay in ay ku dayanayeen dhalinyarada qalalaasaha ka wada magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Magaalada London ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka taagnaa dagaal joogto ah oo u dhexeeya dhalinyaro careysan iyo booliska, iyagoo dhac iyo qarbudaad u geystay goobaha ganacsiga.

Safaarada Sweden ee Ingiriiska ayaa dadka Swedishka ah uga digtay dhaqdhaqaaqa London iyo magaalooyinka kale ee ay ka jiraan rabshada.

Xaafada Rinkeby ee magaalada Stockholm ayaa sanadkii hore waxaa ka dhacay rabshado lagu gubay iskuul xaafadaas ku yaala.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here