Rag Sweden degan oo lagu xiray denmark

0

5 qof ayaa lagu xiray denmark ka dib markii la sheegay in ay qorshaynayeen in ay weerar ku qaadaan Wargeyska lagu magacaabo Jyllands-Posten kaasoo ahaa midkii soo daabacay sawiradii lagu aflagaadeeyay nabiga (scw).

Ragaan 00 3 ka mid ah ay leeyihiin dhalashada Sweden ayaa 4 lagu xiray Denmark halka midka kalena lagu xiray Sweden gudaheeda. Ragaan ayaa galay denmark habeenkii talaadada ayagoo la sheegay in ay qorshaynayeen in ay galaan dhismaha wargeyska ka dibna ay dilaan inta qof ay awoodaan.

Ragaan ayaa dhalashadooda lagu sheegay 2 ka soo jeeda tunisya, 2 ka soo jeeda Lubnaan, 1 ka soo jeeda ciraaq oo sharci ka sugaya Denmark.

Booliiska Sweden iyo Denmark ayaa sheegay in ay wadashaqeyn heer sare ah sameeyeen oo ay ka hor tageen weerar dhici lahaa oo si weyn loo soo qorsheeyay.

Aljazeera, TheLoca, SR.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here