Ragg u dhashay qowmiyada Romada oo loo diiday in laga iibiyo kaffe

Shaqaalaha maqaaxida Max ayaa u diiday afar nin oo u dhashay qowmiyada Romada in ay iibsadaan Kaffe. Dhacdadaan oo ka dhacday maqaaxida Max ee ku taala xaafada Kista ee Stockholm ayaa noqotay mid lala yaabay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in markii ay afarta nin ay dalbadeen kaffe in mid ka mid ah shaqaalaha ay soo carartay oo tiri “Romada wax kama iibino” sida uu qoray wargeyska Metro. Ka dib ayaa raggii iska tageen iyaga oo wajigooda ay ka muuqato niyad jab. Maamulka Max ayaa xaqiijiyay dhacdada iyagoo sheegay in ay shaqaalaha kala hadli doonaan arintaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dad u dhashay qowmiyada Romada lagu cunsuriyeeyo jinsiyadooda. Bishii hore ayay ahayd markii haweenay marti u ah dowlada Sweden loo diiday in ay la fariisato dadka kale hoteelka Sheraton ee ku yaala Stockholm.

Dhacdooyinka nuucaan ah ayaa mudan in laga xumaado maadaama ay ku dhici karto cidkasta. Qaasatan Soomaalida ayaa qarka u saaran in lagu sameeyo ficilada nuucaan ah iyadoo la dhihi karo maanta Sweden waxaan nahay dadka ku xiga Romada dhinaca magac xumada iyo cunsuriyada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. ali says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 8

  2. Axyaa-Wadani says:

    Wargeysyada Wadanka ugu afka dheeraa warkaan Qoray sida Aftonbladet iyo kuwa kaleba maxaa Maskiinkaan Jimcaale ka Rabtiin Cajiib

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  3. To Jimcale says:

    Asalamu Aleykum Jimcaale, waxan ku dhihi lahaa saxifiga waxaa ka mamnuuc ah ineey waraka bulsha uu tabiyo uusan ku lifaaqin Ra’yigiisa ee uu ku ekaado kaliya warka qaxiiqda ah, waxaan sidaa kuu leeyahey waxaan arkey marar badan adiga oo soo qoraya hadalo eey ka mid tahey anigaa sidaa dhahey iyo idinkana maxeey idiin la tahey fadlan bulshada aad wax u tabiso ixtiraam hadii aadan suxufi cilmeysan aheen hadii aad hadlkeyga si qaldan u aragteyna xumaan iga ma ahan ee waxaan rabaa inaad bulshada hoowsha aad u aheyso aad horo mariso kaliya wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

    • Jimcale says:

      Waa ku mahadsantahay fikradaada, balse saxafinimada nuucaan ah waa mid aan anigu si gooni ah u doortay. saxaafad dareen la’aan ah sxb anigu ma raacsani ee waxaan doonayaa in aan muujiyo dareenkeyga isla markaana ay akhristayaashu ka qeyb qaataan.

      Saxafinimada nuucaan ah waxaa la yiraahdaa “Advocacy journalism” haddii aadan horay ula socon ka akhriso Wikipedia : http://en.wikipedia.org/wiki/Advocacy_journalism

      Waxaan jeclahay in aanan ku mashquulin saxaafada ee aan ka doodno mowduuca qoraalka. Waxaan ka hadlaynaa waa dad jinsiyadooda loogu diiday in ay Kaffe iibsadaan, adiguna waxaad igula doodaysaa saxaafad? Aaway dareenkii bani’aadanimada? Ka waran haddii raggaan ay ahaan lahaayeen Soomaali oo cinwaanka mowduuca uu ahaan lahaa “Ragg Soomaali ah oo loo diiday in laga iibiyo kaffe”?

      U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. Ali says:

    Jimcaale saaxiib waan kugu raacsanahay sida hufan ee aad ugu jawaabtay ninkaan waana sidii aan dhihi lahaa, intaa bacdigeed waa arrin fiican in dadka lagu baraarujiyo heerka cunsuriyadda iswidhan ay marayso runtii aniga wali dhib ma-arag laakiin soomali badan iyo dadkale oo afrika iyagana ka soo jeedo oo cabanayo ayaan arkay sidaa awgeed waan kula qabaa in haddii qof soomaaliyeed sidaas oo kale loola dhaqmi lahaa ay la mid tahay soomalida oo dhan oo la cunsuriyee: hadaba maxaa talo ah aniga waxaan qabaa in la raaco qodobadaan.
    1- in aan ka shaqaynno midnimada iyo isjacaylka dadka soomaaliyeed oo jaaliyad midaysan la abuuro
    2- in goobaha la isugu yimaado ee dadka ka dhaxayso sida tareenada, basaska iyo goobaha ganacsiga ay dadka soomaliyeed ilaaliyaan anshaxa wanaagsan qaylada iyo muranka goobahaasna la iska ilaaliyo,
    3- in wax la barto si dadku u shaqaystaan cayrtana uga kaaftoomaan, luuqada dalkaan waa muhiim ee halagu dadaal.

    4- dadka soomaaliyed dhulkaan iyagaa yimid oo soo doontay cid ku soo qasabtay ma jirto sidaa awgeed bulshooyinka aan la noolnahay waa in aan si fiican oo cilmiyeyesan dhaqankooda u baranaa una dhex galnaa annaga oo dhaqankeenna ilaashanayno
    5- dadka soomaliyeed waa in aysan niyadda ka dhimman isuna arkaan in dalkaan ay xaq ku leeyihiin oo ay dhiirran iyo karti cilmiyeysan la yimaadaan sida ajaanibta kale tusaale. ganacsi fiican ayaa iswidhan ka socda waxbana kuma lihin waa maxay sabata, jagooyin waaweyn oo muuqdana dalka kama ahayn sidaa awgeed waxaa naloo arkayaa dad in ay cayrqaatoon u yimid dalkaan waana sababta naloo yaso sida roomanka tuugsado,
    waa mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. mohamed says:

    WALAAL JIMCAALE codsi ARINTAAN AYAAN KU WARERSANAHAY MALAMAHAN PLZ IIIGA JAWAAB HADAAD WAX WAR AH UHEEYSO
    hal suaal ayaan qabaa waxaan maqlay in abril wixii kadanbeya qofkii sharciga qaato in sharci cusub u qabanaayo kaas oo ah in owsan iskuul bilaabi karin lacagtana aysan ubilabaneynin ilaa uu guri kadagayana uu qadanaayo lacagta migratonsveketka arintaas war halaiga siiyo waxaan ahay qof hada dhow qaatay sharciga mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0