Ragga oo hawsha guriga qabta iyo dumarka oo iska baashaala!

Ok ciwaanka sax ma ahan balse haddii aan u dhaadhaco muhiimada warbixin ay soo bandhigtay Hay’ada afti ururinta ee Sweden (SCB) ayaa lagu sheegay in rag badan oo Swedish ah ay shaqada guriga qabtaan marka loo barbar dhigo 10 sano ka hor, halka tirada  dumarka shaqada guriga qabtana ay hoos u dhacday.

Si kastaba ha ahaatee dumarka ayaa la sheegay in guud ahaan ay wali ka hawl badanyihiin raga marka laga hadlayo guriga qaasatan xaga cunto karin, dhaqida iyo nadaafada guriga. Halka ragu ay dusha saarteen dayactirka guriga. Dumarka ayaa hawshooda ugu weyn ee ragu ay ku liitaan ay tahay dhaqida dharka iyo feereynta.

Hawsha dumarku ay ka qabtaan guriga ayaa hoos u dhacday ilaa 1990 iyadoo sanadkaas ay dumarku qaban jireen 62% hawsha guriga, maantana waxay qabtaan 56%.

Dhinaca kale warbixinta ayaa lagu soo bandhigay in waqtigii dadku banaanka aadi jireen ee asxaabtooda ay la bixi jireen uu hoos aad ugu dhacay oo maanta dadka inta badan ay waqtigaas ku dhameeyaan daawashada TVga iyo isticmaalka internetka.

Mar laga hadlay dumarka Soomaalida ayaa la sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay hada ku wareejiyeen hawshii guriga ragooda oo markii hore iskala weynaa hawshaas – intaas aniga ayaa ku darsaday!!!

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

30 Responses

  1. wasaaye says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 2 Thumb down 19

  2. aabbe says:

    horta arinta waa natiijada qurbaha, sababta ugu weyn waxey tahay aqoonta diinta oo reeraha ku yar, gurigana wuxuu ku qurux badanyahay in la is caawiyo, naagtu ma aha adoon adiga kuu qidmeysa sharci ahaana xaq uguma lihid iney iney kuu shaqeyso, rasuulkeena cid ka sharrafa badneed ma jirto scw, wuuna caawin jirey una qidmeyn jirey. In naagtu ay iyadu tahay qaadimka guriga sax maaha saasooy tahay quruxda qoyska waa in la is kaashado, hadii ay sxbtaa jikada gasho adigana aad guriga sii hagaajisid, hadii aad ka soo hormarto in aad qadada ku sii tuurtid yacni gacmaha la is qabsado oo la is caawiyo ayaan kuu talin lahaa. Gabdhaheena aan diinta barno anagana aan barano si xaquuqu zowjeynka loo wada dhworo la iskuna kaalmeysto si caruur qiimo leh reerku u yeesho..

    Hal arin ayaan ku darsanaa hadii aad soo guursatid gabar markey gurigooda joogtey hurdada lix saac ku gaari jirtey hooyadeed ooo lixdan jir ahna ay jikada ku jirto cunto diyaar ah iyo dharkoo loo dhaqo baratey ama wiil sidoo kale hooyo cajeeladii awey dhahaayo aad nin ka dhigatey dee markaa natiijada waa X+Y=0.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 21 Thumb down 0

    • cheecho home says:

      Asc. dhaman asxbta. aabbe aad ayaa uugu mahad santahay sida fiican ee uuga hadashay fikkaga fiican ee aadka uquruxda badan sida aad uuga hadashay arimaha qoyska ee dhexdooda ah in la is caawiyo. Hadaan eego dhinaca raga somalida taas aad ayay ugu adagtahay in ay guryahooda iyo xaskooda guriga gudihiisa ka caawiyaan. banaanka lee jecelyihiin in waxa ka qabtaan laakiin guriga ceeb ay uhaystaa iyo gumaysi in ay ku tahay se rabi ha noo soo sakhiro rageena. Dumarka u isticmaala ragooda si aan xishmad iyo qadarin ku jirin inay ninkeeda ku amarto inuu caawiyo guriga iyada oo ku qaylinaysana waxaan leeyahay walciyaadu billaah ka cabsada rabigiin oo nisteexo uugu sheeg adigoo ka dalbanaya inuu ku caawiyo, waayo waa zawjkadi rabina isku xidh in uu kuso sakhiro sabirna insha allaah wuu ku soo dabci doonaa. Ikhwaati fil muslim isku sabra oo ceebihiin ka illaasha cadawga inuu idiin gar naqo.

      U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  3. HASSAN KAAMILL says:

    Asc asaxaabta aqriska&comment kaqeybgashay&bahda somaliska.com sln bacdigeed

    in lees cawiyo waa waajib lkn waxey ku xirantahay labada quf seey usu fahmaan lkn rag badan ayey ceeb la tahay iney xaaskoda caawiyan ambo ey howsha qabtaan inta badan lkn waxaan dhihi karaaa kaas waa nacas because why hadow cawiyo gurigiisaaa maxaa ku jaban? Sow asagu malahan marka sida sxbkey aabbe ka dhawajiyay hala dhowro xuququl zowjeynka!! Hadii kale you future is over!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Ahmed says:

    Wa mowduuc fican lkn jimcale hadan ku waydiyo sual ka baxsan mowducan wasirada swedish ahayd e muqdisho tagty wax maka badeli karta arimaha midaynta reraha somalida ?? Mahan sanid

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  5. Jawaab bixiye says:

    Sxb wasiirad tagtay xamar wax kamabadali karto arimaha somalida waa arin utaal doolada sweden oo dhan mooyee shaqsi maya

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Abdiraxman says:

    Asc dhaman asxabta horta arinta raga iyo hawenka xaga dinta waa wax lakala cadeyday lakin xaga guriga waalais cawinkara lakin midda hada jirta xga qurbaha wamid xadgudub kuah somalida dhaqan iyo din ahanba marka ninka iyo nagtisa weyisfahmikarn lakin mida ah guriga jog waxad gudub egabdhaaha hakawan toban

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  7. mohamed aweys mohamed says:

    asc dhamaantiin wadac wanaagsan waxey ula taahy in hoosa guriga leesla qabto ee tahay mid wanaagsan loona baahan yahay in uu aabha gurigiisa iyo xaaskiisa caawiyo waa sida ugu wanaagsan noloshana wey ku wacan tahay waa sidaas aniga mohamed ahaan waxaan dhihi lahaay ragoow hala caawyo gurigiina iyo caruurtiina
    waa inta illaah u sahlay oo nolosha gacnta ku haayo waxaan dhihi lahaay haka faanina ee ku faana in aad wax ka qabtaa hooshas guriga

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  8. Aden says:

    Naag tahayda iyo anigu waad wada shaqaynaa somalia waan ku wada shayn jirnay halkaana wali waxba isma badalin.
    waxaan karinjiray xitaa khadada iyo dharka oo aan dhaqi jiray mar mar hadii ay jiran tahay ama ay uur leedahay waxaana u arkay dantayda ee kama xishoon jirin hooyadayna waa igu amaani jirtay waayo hoyaday waxay ahayd doctarad noloshana way fahansanayd
    lkn dadka kale ee aan qaraabada nahay waxay u arkeen in aan naagtayda u sixranahay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk lkn arintu sidaas mahan ee waxa ilahay iwaafajiyay dhaqan fiican

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  9. ifrah yarey says:

    Asc marka hore dhaman marka xigta hadan fikirkayga Ka dhihi aniga. Idinkuma tageersani raga lo diro howsha guriga wayo gabadha ayaa howsha guriga iska leh hala cawiyo markay dalan tahay ama xanunsan tahay lkn inta kale o ah is tuuska ma ogoli. Hadana aniga waxan amisanahay raga somalida inay yahiin raga aduunka igu naxariista iyo xushmada badan ilaa mid nacas ah moye marka anaga oo nasib u yelanay raga sas u qaymaynta badan mahan inAn u dirno wax yabo daciif nimo ah bahdilna uu ayagu u arkan dumarka somalida waxa jira kuwo istus badan oo ragoda markii marti la jogto howsha u dirsada wana ceeeb calek in aad ninkaga saas ula dhaqanti dumarka waxan idin leyahay raga yaan lo dirin howlahas

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 1

  10. ifrah yarey says:

    Ceeeb xaskaga naag ha dhihin ee xaskayga ,qaalidayda, gabadhayda, maxaa idin diday naagtayda waa xush maad daro igana rali ahadaa juzt fikrad

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 1

  11. samiir says:

    asc walaalayaal waxaa fiican in dadka is caa wiyaan siiba labada qof oo is qaba lkn maal mahaan dame naagaha somalida wey ka soo daryaan kuli good waxey aamin sanyihiin iney yurub tahey meeshii ey naagnimada ugategi laayeen lkn waxaan usheegayaa hablaha somaliyed iney meesha is kaqaadaan maalin kasta xtaa cacuurtooda waxaa loo qaataa dumarka oo shaqadoodii gabey waayo waxey il mohooda udirayaan schoolka iyagoo aan ulabisin waxaa laga yaabaa xataa ilmaha inuu san cadeysan ama quraacan waayo xaley oo dhan bey facebook kujirtey mas,uuliyad reer na maqaadi karto marka waxaan lee yahey dumarka soomaliyeed meesha is ka qaada waa dhimateen caruurna wax umaheysaan nina wax umaheysaan wa bilaahi tow fiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  12. Talo to all dhalinta Somalida says:

    ASC dhamaan waxan ahey wiil 21 in mudo ah degenaa qurbaha Qaasatan wadankan, markaan imid halkaan waxaan saxiibney gabar Swedish waxaan isku afgaraney inaan is guursano ooyna islaamto mudo yar kadib arinkii wuu dhacey oo gabdhi waan aqal galney 9 month kadib oon wada noo leen waxaa ii cadaatey balamadii aan wada galney oo dhan iney ogoshahey oo kaliya inaan wada raaxeysano nolasha gurigana ey ahaato midaan doodo ka dhamaan, su’sha aan is weydiiyey waxey aheed war ma nin baad guursatey mise naag, waxaan oon ula jeedo inaan ka helin ixtaraam dumarka lagu yaqaaney i alla fall waan furey, 1 sano iyo bar kadib ayaan waxaan weerar igu soo qaadey gabar Somaliyeed oo markaa aan u arkey iney tahey gabar aad u edeb badan quruxsana wadankana wey ku cusbeed waxeyna i tustey in lagu kalsoonaan karo laakiin uma sheegin in naagta aan soo guursadey eey tahey naag cadaan ah laakiin oo waxan kaliya ku gaabsadey inaan horey u soo guursadey, waxaa dhacdey gabdhii Somaliga aheed inaan guursado, aniga heltid ayaan shaqeeyaa aad ayaan u ixtaarimi jerey xaaskeyga waxaa dhacda xiliga schoolka ku maqan tahey inaan guriga kaga soo hor maro oo cunto fresh ah eey u timaado, Hadaba Gadhan matahey sidii aan ka filaayey ama aan moodey Gabdhaha Somalida ee Europe qaasatan wadankan Sverige? waxaan qabey sex månader ooo u dhiganta sex år runtii waxba meysan dhaamin tii iyada ka horeyseysey ee Svenska aheed marrka qaar ayaanba is dhahaa tii horaaba laheed cilmi eey isku celiso maxey ku kala duwanaayeen labdooda? Gabadha Svenska ah ma aaminsaneenba nimaan Aniga aheen inuu Aduunka joogo balse tan Somaliga ah waxey aheed qof marka aan guriga joogo foonka aanan dhegta ka qaadin jecelna in loo soo adeego! Gabadha Swedish waxey jecleed ineey xaflad hadii laga casumo aan isu raacno inkastoo aan aniga shaqada aanan jecleen inaan marna ugooyo habeenkiina marka ey meel kusoo daahdo iyadoo 10 mar SMS iisoo dirtey ma maqnaan kl:20:00 laakiin gadhii Somaliga aheedna markasta waxey aad u jecleed iney Arooos aado waxena bixi jirtey 20:00 waxeyna imaan jirtey kl: 7:00 subuxii marar badan ayaan u sheegey oon ku dhahey waxaan aad suubineyso mahan waxa allah Raali kaaga yahey anigana raali kama ahi ee maad dhaaftid balanta gabdhaha Somalida Europe mahan mid la oofiyo ku tasho!!! mudo kadib markii sex månader laga joogo maalintaan gurigeyga keeney waxaan u sheegey inaan nosha noocaan ah aan horey usoo arkey aana doonayo nolol raaxo leh marka hurtaada qeer walaaley ayaan ku dhahey aad bey uga xumaatey weyna aamini weysey , Malintaas wixii ka danbeeyey waxaan bilaabey inaan raadiyo gabar guurka dhab ka yahey waxaan bartey gabar Arica joogta oo xaafidul quraan ah aadna u qurux badan waxaana u sheegey inaan doonayo guur waa hadii nolsha iyada dhab ka tahey eysan ahey midii svenska iyo tii SomaliEurop weyna ogalaatey maanta waxey ii heysaa 2 cunug maasha allah walina ma arag mana maqal gabar u dhiganta gabadhaan waase laga yabaa inay jirto allah xifdiyo gabdhaha dhoorsan meelkasta ey joogaan laakiin waligaa ha aaminin naag Europe ama Latin America joogto oo Somali ah ee isku day inaad raadiso gabar nolasha dhab ka tahey waa hadii adiga aad tahey nin allah kabaqaya wabilaahi Towfiiq.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 10 Thumb down 0

  13. ifrah yarey says:

    Subxankow talo to all dhalinta adiga dhibka dhan waxa ku kenay dhaqankaga Ad inta ka tag tay kuu geyey svenska tjej kadibna noloshi af buufid ka qaday lkn talo yar an ku sina mahan inad gabdhaha yurub joga dhan tiradi waa wada xuun yahiim. Ogow gabdho xuun iyo kuwa ficanbo waa ku jiran admigana rabi Ma simin qof walbana waa sidu iska dhigo iyo bulshadu markaas sxb la yahay tan kale. Gabdho aad uu ixtiram xuun baa jiro t,x maxay tahay sababta igu kalifaysa inan haflad adoo seygayga oo guriga joga ama uu san rali Ka ahayn? Waa akhalaq xumo iyo daciifnimo way qaaliga baa iga istahilo inan waqti siyo lacagta diraca xaflada k bixinayso iyo make up ka. Iyo fashinka so Ma ogid inad macankaga hadiyad yar igu so samankarti? Aniga gabdhaha. Waxan idin dhihi liha seyashina baari u noqda ixtiram buuxa siya tuus inuu masuul reerka Ka yahay adigana xaskisi tahay tus in amarkisa Ad qadanaysi hadii wax Ka dalbado u same seygaga. Warya ,ninka,firi,i dhagayso ,kalay erayan kakaan ha u adeegsanina seyashina. Isticmala erayadan qaliga qurux qalbi noloshayda macanka seygayga gacaliye xabibi jacaylkayga. Asc

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  14. Khadija says:

    Waa dadaashay aboow, horta waxan ku weydiiyay sababta aad ugu xukuntay gabdhaha Yurub iyo America jooga iney wada xun yihiin oo aysan daacad ahayn leyskuna aamini karin. Waxan ku leeyahay waxaad isku qaaday gabdhihii oo dhan adigoo hal gabar xumaan ka tirsanaya, laakiin waxaad ilowday in gabadha aad yurub ku dhashay amase kuugu dhalan doontaa ay ka mid noqon doonto kuwa aad ka dardaarantay in laga leexdo oo qiimeyntii aad gabdhaha yurub ku sameysay ay mustaqbalka gurigaaga kusoo noqon doonto. Gabdhaha Yurub iyo America joogana anaa ka xaal mariyay dacaayada aad ula bareertay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 5

  15. Talo to all dhalinta Somalida says:

    ASC dhamaan uama muslimka ee web kaan isticmaasho hadii hadaladii aan adeegsadey eey jirto qof eey dhaawacdey waan kaarli gelinayaa qaasatan gabdhaha Somaliyeed laakii wali kama harin runta inaan ka hadlo, Ifraah yarey allah hakaa dhigo kuwa dhowsan hadalkaagu waa macquul talada aad gabdhaha usoo jeediseyna allah kadhigo kuwo qaato tan kale walashey Khadijo mid aan ka dhaho hadalaakgii in gabar aan dhaley Qurbo ku dhalato ama timaado Abaayo horaan uga gaashaantey sharaadaha aan xaaska qaaliga aan qabo hada aan lagaley ayeey ka mid aheed walaga yaaba dalxiis iney iigu yimaadaan weyna dhacdey marar badan laakiin Nolol hakaan ah uma hami weyna Khadijo waxaan sii raacsiin rabaa hadalkaagi inuusan baaritaan ka aan sameeyey uusan aheyn mid yar oo 89% Dumarka Somalida hada Eurupe iyo waqooyiga America ku nool yihiin gabdho aanan nolol in lala qeebsado u qalmin Adiga kuwa dhoorsan hadaad gasheyna Allah u mahdi Buug ayaana ka qori doona insha allah arinkaan iyo sida ugu fudud ee xal looga gaari karo ileen in badan oo ka mid ah Gabdhaheena dhaqan koodii iyo diintoodiiba wey ka tageene wabilaahi towfiiq.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 9 Thumb down 1

  16. Sumaya says:

    To MR Talo to all dhalinta Somalida salaan kadib walaal wey dhacdaa arintaan in badan mana ahan mid been ah in Dumarka Somalida reer Europe, USA & CANADA aniga walaal key ayeey ku dhacdey arinkaan oo kale gabar ayuu ka keeney Somalia markey timidna oo nafsadiisii iyo wuxuu shaqeysteyna ey ka raacdey Jamecian kaligiis mahan waxa kaloo jirta gabdho badan oo Somali ah oo Xafladaha iyo aroosyada Buuga xasuusqorka ugu qoran yahey magaca looga yaqaana aroos yada waa Yaa nawacey qofkii yaqana uun baa yaqaane lol, Marka Adiga ahaan waxaan kugula talinayaa Gabadha aad qabto hadey dhowrsan tahey Allah ku mahdi oo ogow gabdhaha xun 89% mahan kuwanaagsana mahan 11 mahan hadii aad ku adkeysatana iney yihiin 11% aniga waxaan ku dhihi lahaa wiilsha gabar doonayoow gabar gurigooda joogta doono inta aadan gabadha jeclaana isku dey inaan jeclaato gadhaaas side eey ugu nooshahey gurigooda gabarkastaa guriga ey ka soo baxeyso uunbey noqoneysaa marka MR Talo fadlan hana ceeynin waadna ku mahadsan tahey aragtidaada quruxda badan.

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

    • iisho afro says:

      asc asaxaabeey meel walbo aad joogtaan war badan iyo dhamaantii anig waxa aanidin dhihi lahaa naa marba hadii ay mar wada ninkeeda dhaheyso howsha guriga qabo waa ceeb iyo lama arkaan waana diin xumo kudhaqan waana wax aan wanaag aheyn xaga diin nul islaamka ah marka waxa aan idin fari laha makalalaha gabdhaha qabiil ee waa ii garaad keedu yaraadaa eena u soo jeesato cuna qabateenka ninkeeda marka aniga waxaan dhihi lahaa walaal haisdhihin ninkaaga maanta ayaad ka awood weyn tahay ee fiiri mar kaa laishtimaaceyso sariirta iyo marka aad udireyso howsha guriga ma isku midbaa may walee iskumid maaha ee waa kala duwan tahay anigoo dumar ah waxaan idin leeyahay marka dumarow isku noqda w.w.wby

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. Wiil Somali says:

    MAASHA ALLAH aad iyo aad ayeey iisoo jiidatey qormadaan walaahi waana waxa laaga baahan yahey website ka inuusan ku ekaan wararka caadiga ah Nolasha qoyska wax laga taabto markaas waxaa soo baxeysa Runta sida hadaba cad Qormadaan dhamaan dad kii ku darsadey Fikradaha aad bey uwada macquul ahaayeen waxaan aad isoo jiidey gabdhihii runta taabtey waxeyna cadeyneysaa ineysan Dumarkeena wada xumeen ee loo bahan yahey kuwa naga xumaadey in loo caqli celiyo Qaasatan ninka MR Talo sxb qoraa miyaad tahey ahaan jirtey mise hadaadba tahey ? walaahi aad bey ii taabatey qisadaada waana ku faraxsanahey guushii markii danbe aad gaartey u ducee wiilsha sidaada camal iney u fekeraan Gabadha ku talisey gabar gurigeeda waxa looga dhamey tahey waan ku raacsanahey ii bashaala Jimaacle arimahaan camal marar badan qormo ka samee ajar ayaad ka heleysaaye.

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  18. kaaah bari boy says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  19. ifrah yarey says:

    To kaah Bari boy qoralkagu markii hore jawi fican u ku socoday lkn kadib aad ka dartay walalkis rabi Ka cabso qabyaladana iska dhaaf ogow qabrigaga reer kaah bari camal kuma noqonayo milinta qiyame gabdhaha qaybna ha amanin qaybna ha afla gareeyn ee gabdhahu waa wada somali Ma jiram wax. Kunfur ama waqoyi ama bari la dhaho aniga only somali an u aqan walalka waxuu yahana la noqon ee tas. Lasoco. Afla gadhadana joji. Juzt fikirkaga sifican uga hadal hadii kale iska amuus

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  20. Sumaya says:

    Ceeb badanaa nin Qabiil iyo qabyaalad ku waashey UUUUUUUUUUUUUf

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  21. samsam says:

    To talo dhalinta guy: varför drar du alla över en kam, maad ilaaha ka baqaneen, imsa hablood oo wanwanaagsan ba urup jooga oo nimanki guursaday maalin kasta raali galiya oo maqla.Dadka oo dhan wax xun iyo wax wanaagsanba way leyhiin haday dumar noqoto iyo ragba.Hal naag waxay kugu sameysay inaad naago dhan saartid maaha.Khaaf rabak walaal, wax kastana wa qadar oo wixi ilaahy kuu qoray kuma dhaafeyan.Wax qoran bey aheed oo ilaahyba ku imtixaamiyey.Ilaaha danbi dhaaf waydiiso waayo hadalada aad mesha so qortay maalin aan maanta ba lagu waydiin.Maalinta afkaago kugu makhaaty furi doono.

    As for mawduuca, labada qof ee wada nooli haday wadankan is caawin waayan ma ka baxayan.Somalia ma joogno oo ehel iyo jaariyado na caawiya ma haysano, dumarkuna xadiid kama samaysana.Marka nin kasto madaxaaga ka shaqaysii.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  22. kaah bari boy says:

    ifrax yarey walashiis ani qabiil goni ah kamahadalin kon fur iyo waqoyi qabiilo goni ah madegan mida kale waxyaabo badan oo isbiirsaday baakeenaaya in naagaha ey ninkooda eesan ixtiraamin oo kalay hadii guri uu ninka kashaqayo ciyaal kadida iyo saxra katiro cuntadana kariyo yaa banaanka kasoo shaqaynaa ani waxaan qabaa mushkilda somalida waqooyiga yurub iyo amerika cenda haysta waxaa kamas uul ah nagaha marabaan in nika raga uushaqayo waxaa nalakucaayaa somalida waa cayr qaadato mashaqaystaan maxaayeelay nagtii ninkeedii shaqo udiri lahayd waxey rabtaa iyna inay tilifoon iyo dato fadhido 24 saac ninka uu xafda kashaqyo yaa banaanka kshaqaynaa markaas waa khasab rerku enay lacagta cayrtaa sugaan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  23. Hashim says:

    Somaliyeey waa salaaman tihiin waxaa la yaab ah inaadanba aqoon waxa la yiraahdo xuriyatul qool war ninkaan MR Talo ah fekerkiisa haduu ka hadley why loogu cusriyeenaya mida kale maba dhihin gabdhaha dhan wey xun yihiin laakiin wuxuu yiri intoodabadan ayaa xun waana run midaas ama ka nax ama ku farax waxaad ii sheegtaan Naag Somali ah oo aan aroostagin ma jirtaa hadeysa jirto qiyaastii waa imasa marka waxa jira intaa indha ka qabsan laheed u bareer gabdhaha cabaad ka ka baxayoooooooooow Gabadha SAMSAM la baxdey hdaii aad ninkaaga adiga u fiicantahey kuwo 99 naago xun qaba ayaa jira marka baahidooda yaa buuxinaya mise runtaa ku dhibeysa Mr talo kuma dhihin hal naag kaliya waxaan ka arkey ayaan Somalida kuwada xukumayaa lakiin wuxuu ku yiri gabdha intooda badan raga somalida ma ixtiraamaan waa run midaaaaaaaaaaaaaaas.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  24. ibrahim says:

    dhmaan waad salaaman tihiin, bacda salaan ragga somalida iyo dumarka somalida labadaba khalad badan oo nacasnimo ah ayey sameeyaan sii ragu ha u badnaadee ,markaan eegey dadka ka imanaya somalia iyo carabta boqolkiiba sodon ayaa fiican hase yeeshee kuwa ku dhashay yurub iyo mareykan waxa ay leeyihiin qaar aad u xun oo inta badan si fiican u soo hanuuna hase yeeshee dhalinta qurbaha ku dhalatay waa kuwa ugu wanaagsan diin iyo akhlaaq edeb run sheeg siiba gabdhaha soomaliyeed ee ku dhashy yurub waxa ay habeen iyo maalin dhageystaan wacdi iyo muxaadaro iyo quraan akhris halka kuwa carabta ku dhashay aysan quraan waxba ka garaneyn oo ay afcarbeed kaliya ku hadlyaaan arintaasna waxaan ku ogaaday anigaa dhalin yaro badan oo meelo kala duwan ka yimi macalin u noqday.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  25. samsam says:

    Hashim, qof isku dheeli tirin aduunka ma jiro, ninkan aad difaaceysid ma taqaanid waxa xumaan oo qarsoon, qof hagaasan hadu yahy naag gaalada mu guursadeen marka horeba, naag aaney isku diin iyo dhaqan toona aheen.Cala kuli wax kasta wa qoraal ee intu dadka muslinka ah aflagadenyo inu alxamdulilah iska dhaho bey aheed oo wixi dariiq xun marayna oo duceeyo.Caawa hadu nin somali ihi oo wadankan ku koray i xumeen laha ma dhahen nimanka somalida ee sweden ka buuxa wa wada gudaafad..waxaas danbi.
    Ilaahy wixi lunsan wadada toosan ha tuso.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  26. najma says:

    Asc dhamaantina waa mowduc fiican.lakiin waxaan fiigrad ahaan ku dari lahaay.somaliya.lama joga oo familki lagu dhaxjiraay.lakiin yurub.ma ahaan in leys hagrado labada dhinaac.waa in leys cawiyo ceebna malahaan.hadi xaaska la cawiyo.lakiin aniga waxaay ila tahay waa tirsamaan raag xaaskoda cawiya hadana somalida kuma si jirto.hadu ku cawiyana maanto dhaan ayuu ku shega.intaasa qabtaay.ee raga qarkisa xogina dumarkina ha ka hagranina.ile hadi la dhinto abora cuni lahaay.dumarkana waxaan dhihi lahaay dumarka helaan raga wanaagsan.haa iska dhafaan kibirka iyo gumeysiga ragina.ile hadu ka tago waxaa heleysa mid dhabaarka ka jabinayo.ee raagina xafida . ile familkaasta qof ayuu ku dhisan yahay.lama wada ahan okey.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  27. Abdi samad says:

    Waa mowduuc fican lkn h ogado halaha somaliyed kuwo fican iyo xun intaba wey ka buuxan lkn gabdhaha yurub kunol intoda badan dhaqanki wey katagen ilaah haso hanuniyo xitaa nimanka intoda badan wa is badalan kalabyadey tagan yaa diidan taas? Mahadsanidin dhamantin bye bye

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  28. Abdirizak says:

    Magacaygu wa …….. Waxan kunolahay dalka south africa qasatan johanesburg intas kadib Wan idin samalamy dhaman aqyarta sharafta iyo shunka leh qasatan inta wayn o is qaba ano lahadlaya ayan waxan leyahay adunku wa har iyo galin ningel jire ah aya fahmi kara adunku wa har iyo galin waxa an kala jedo waxan ushegaya dadka isla nol gal iyo muslinba hadi u ninku wax kaqabto hawsha guriga wa wax ay oga bahantahay xaskisu in u cawiyo waqtiga usan shaqada lahayna u lajogo o usan melaha fadhi kudirirka ah kulu min waqtigisa mida kale shaqada guriga o u ninku qabanayo waxa kakensatay nagtisa tas o ah jacayl iyo wanag kadhaxeya 2doda ani hada xas malihi lkn wan kurajo waynahay in an nolol cusub mardhaw lawadago rux an jecelahay kuna nol yurub wadan kamida ani hadan wax kaqabto hawsha gurigayga wax macna ah ma ila lahan noloshaydana inay wax kabadalayso ila ma ahan maxa yelay ruxu ruxa kale o u jecel yahay wax walba in u usameyo wu kuqanacsanyahay hadi ay noqdan 2bada rux kuwa dhibka iyo shaqada guriga isku firsada noloshoda aya waxay noqonaysa mid so gabata wayo sida ad dhibka iyo shaqada guriga ugu firsanaysid ayay noloshada unacaysa xaskadu wana mahadsantihin dhamantin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0