Ragga Swedishka ah oo la sheegay in ay dunida ugu qurxoonyihiin

13

Baaritaan uu sameeyay wargeyska lagu magacaabo Travel Digest ayaa lagu sheegay in ragga ku nool Stockholm ay yihiin kuwa dunida ugu qurxoon.

Tartankaan oo lagu soo qaatay magaalooyinka ugu caansan aduunka iyo ragga ku nool ayaa lagu sheegay in ragga ku nool caasimada Sweden ay yihiin kuwa qurxoon oo dhaadheer iyagoo ka badiyay ragga ku nool magaalooyinka sida New York iyo Amsterdam.

Ragga Swedishka ah ayaa wargeysku qoray in lagu xanto in ay yihiin kuwo aan firfircooneyn oo aan dadka la hadlin balse dhinaca kale ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa qurxoon oo soo jiidasho leh.

Dhinaca kale tartan horey loo qabtay ayaa la sheegay in dumarka Swedishka ah ay kaalinta labaad ka galeen kuwa ugu qurxoon aduunka.

Fikradiina ku darsada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here