Raggii dadka ku gowracay IKEA oo la sheegay in ay Eritrean ahaayeen

16

Booliska ayaa xaqiijiyay in labadii nin ee dadka ku gowracay dukaanka IKEA ee Västerås ay ka yimaadeen xero qaxooti oo ku dhow Västerås. Labada nin ayaa la sheegay in ay ka soo jeedaan wadanka Eritrea oo da’dooda tahay 35 iyo 23 sano jir. Wararka qaar ayaa markoo hore sheegay in ay Soomaali yihiin balse booliska ayaa xaqiijiyay in ay Eritrean ahaayeen.

Weerarka isniintii ka dhacay dukaanka IKEA ayaa noqday mid aad looga argagaxay, iyadoo dukaanka lagu gowracay haweenay waayeel ah iyo wiil ay ayeeyo u tahay oo ka yimid magaalada Skellefteå ee waqooyiga Sweden. Booliska ayaa weerarka ku tilmaamay midkii ugu foolxumaa ee ka dhaca Sweden.

Arintaan ayaa ah mid dhibaato weyn u keenaysa dadka Sweden qaxootinimad ka dalbanaya iyo magaca soo galootiga. Ragga ka dambeeyay weerarka ayaa wali xiran, iyadoo boolisku ay su’aalo waydiinayaan.

Sababta ay raggaan weerarka u geysteen ayaan wali cadeyn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here