Ramadan Kareem: Fatwo loo jeediyay Muslimiinta Sweden

3

Inta badan wadamada Muslimiinta sida Sacuudiga, UAE, Qatar iyo kuwa kale ayaa ku dhawaaqay in Ramadaanka uu bilaabanayo maalinta Axada ee bisha Juun ay tahay 29.

Urur weynaha lagu magacaabo Goloha Muslimiinta ee Fatwooyinka iyo Cilmi baarista ee Yurub ayaa soo jeediyay talooyin ku saabsan waqtiga ramadaanka ee Muslimiinta ku nool waqooyiga Sweden. Goloha ayaa ku taliyay in ay Muslimiintu ku nool waqooyiga Sweden ay la soomaan saacada Malmö.

Talooyinkaan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay mudo ka taagneyd jahwareer la xiriira qaabka ay u soomayaan Muslimiinta ku nool waqooyiga Sweden oo mararka qaar aysan qoraxdu ka dhicin.

Halkaan ka akhriso fatwada oo Swedish iyo Arabic ku qoran. 

Dhamaan Muslimiinta caalamka, qaasatan Soomaalida waxaan ugu bishaaraynayaa Ramadaanka. Allah ha naga dhigo kuwii ka faa’idaysta bishaan barakaysan.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here