Raysal wasaaraha Finland oo qaxooti dejinaya gurigiisa

5

Raysal wasaaraha Finland Juha Sipilä ayaa ugu baaqay shacabka wadankaasi in ay guryahooda u furaan qaxootiga, isagoo sheegay in gurigiisa uu dejin doono qaxooti. Raysal wasaaraha oo hada ku nool Helsinki ayaa guri ku leh waqooyiga Finland isagoo sheegay in sanadka cusub ka dib la dajin doono qaxooti.

Sidoo kale Finland ayaa kordhin doonta tirada qaxootiga ay qaadato, iyadoo sanadka soo socda la filayo in ay qaabilaan 30.000 qof taasoo 7 jibaar ka dhigaysa tirada qaxootiga wadankaasi qaato. Wadamada Midowga Yurub ayaa isku mari’la sidii loo qeybsan lahaa qaxootiga, iyadoo wadanka Germany uu xuduudaha u furay dhamaan qaxootiga ka imaanaya Syria. Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Munich soo gaaray qaxooti ka badan 8,000 kuwaasoo ka soo talaabay xuduuda Hungary.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here